|
|
Allgedo
News, November 7, 2007
|
|
Soo gudbin Go'aan ka soo baxay
Beesha Xasan Gaashireedle ee
Degmada Baardheere kuna saabsan
howlaha Maamul u sameynta
Degmada Baardheere |
Ku: Wasaarada Arimaha Gudaha
DKMG ah ee Sooaaliya
Ku: Hay'adda UNDP/OPS
Ku: Xubnaha labada Gole ee DKMG
ah ee Beesha SADE
Og: Waxagaradka Beesha Sade ee
Gobolka Gedo
Ujeeddo:
Soo gudbin Go'aan ka soo baxay
Beesha Xasan Gaashireedle ee
Degmada Baardheere kuna saabsan
howlaha Maamul u sameynta
Degmada baardheere.
Ka dib markii Beesha Xasan
Gaashireedle ay yeesheen kulamo
ku saabsan xaaladaha guud ee
Gobolka uu marayo, gaar ahaan
arimaha ku saabsan dhismaha
maamul u sameynta Deg.
Baardheere oo ay marin
habaabinayaan shaqsiyaad dano
gaar ah wataoo diidan in si
siman waxloo qeybsado waxii
Beesha SADE kaga soo aadey
Xubnahii la qeybsadey, kuwaasi
oo qaar ka mid ah ay wataan wax
aan marnaba la aqbali karin ayaa
kulamadaasi joogtada ah kaddib
waxaan soo saarney go'aanadan
hoos ku xusan:-
1- Beesha Xasan Gaashireedle waxay soo dhaweyneysaa maamul uu yeesho
Gobolka Gedo, gaar ahaan degmada
Baardheere oo ku yimaada
rabitaanka bulshada ku dhaqan
degmadan, taasi oo lagu
saleynayo nidaamkii awood
qeybsiga xaga beelaha ee
Sanadkii 1994tii lagu dhisey
Golahii Degmada Baardheere oo
beelahuna ay ku heshiiyeen ayna
UNOSOM goobjoog ka ahayd.
2- Inaan marnaba lagu deg-degin nidaamka hadda ay wadaan kooxda
gaarka ah oo la doonayo in lagu
sameeyo Maamulka degmada
Baardheere, kaasi oo aanay dadku
raali ka ahayn.
3-
Beesha marnaba ma qabali doonto
waxii ka baxsan nidaamka oo ay
ku kacaan shaqsiyaad caadeystey
boobka ah waxa bulshada u
dhaxeeya. Sidaas daraadeed,
waxaanu ka digaynaa isku dayada
noocaasi oo kale ah ee aanan loo
dhameyn, maadama nidaamka hadda
waxa lagu dhisayo uu yahay
nidaam dib u heshiisiineed.
Talo bixin:
Waxaan ku talo bixinaynaa in dib
loo soo celiyo Gudigii 23-ka
xubnood ahaa oo Beesha SADE ay u
dooratey in Beelaha ay wax u
qeybiyaan, haddii qorshaha
cadaalada ah aanan lagu saleyn
habka loo dhisayo maamulka,
waxaa dhici karta inuu fashil ku
yimaado; waxaana mas'uuliyadaasi
dhabarka saaran doona raga
shaqsiyaadka ah ee hadda
garwadeenka ka ah howsha oo
Bulshada Baardheere ayan u
dooran.
Odayaasha Degmada
Baardheere ee go'aanka soo
saarey:-
1- Nabadoon - Cabdi Salaad Dugow
2- Naadoon - Ismaaciil Cumar Macalin (Afweyne)
3- Naadoon - Axmed Aden Axmed (Dhegacade)
4- Nabadoon - Billow Cabdi Xaad
5- Aden Cabdi Kaliil (Aden Rooble)
6- Maxamed Sheekh Cali Nuur
7- Muxumed Cabdi Abayle
8- Muxumed Ismaaciil Xaaji
9- Macalin Aden Dhiire
10- Axmed Maxamed Madaxey
11- Da'uud Aden Garuun
12- Xasan Maxamed Cabdile
(Qaldaan)
13- Sheekh Maxamed Uur Maxamed
Qoraalkan waxaa Allgedo soo
gaarsiiyey Gudoomiye ku xigeenka
Golaha Odayaasha Degmada
Baardheere - Axmed Aden Axmed (Dhegacade)
- kala Xariir
cmc786@hotmail.com.
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|
 |
|
|
|
|
|