|
|
Allgedo, News, Jimce,
July 6, 2007
|
Si aad u aragto masawirada
Isbitaalka guud ee Degmada
Balanbale Riix
MASAWIRO |
|
|
|
Balanbale General Hospital |
Balanbale,
Somalia
- Isbitaalkaan guud ee Degmada
Balanbale oo ah kii ugu horey ee
ay yeelato degmadu laga
soobilaabo 1984 waqtigii
Ethiopia ay qabsatay degmada
halkaasna uu ku burburay
Isbitaalkii guud ee Dowladii
Allaha u Naxariistee Maxamed
Siyaad Bare ay dhistay.
Isbitaalkaanu cusub laguna
magacaabo “Balanbale
General Hospital”
waa mid baaxadiisu weyntahay
markii loofiiriyo Isbitaalada
kuyaal Gobolka Galgaduud,
wuxuuna ka kooban yahay sidatan
hoos kucad: 6 qol oo waaweyn, 4
musqulood, 3 korodoor, barando,
iyo barkad weyn ee biyaha lagu
shubto. baaxadda dhulka
Isbitaalku leeyahay waa: 100m by
80m.
Dhismihiisa waxaa iska
kaashaday:Shaqsiyaad dibadda iyo
gudha kunool oo deegaanka u
dhashay iyo Manhal". NGO local
ah oo lagu magacaabo Almanhal.
Qarashka ku baxay dhulka iyo
dhismahaba waa qiyaastii:$30,000
oo dollar. Marka saddex
lacagtaas loo qaybsho meel
iyowaxyar shaqsiyaad deegaanka u
dhashay oo dibadda iyo gudaha
jooga ayaa baxshay, labo meelood
oo waxyar dhimmanna waxaa
baxshay NGO-GA Al Manhal.
Isbitaalkaan guud ee degmada
Balanbale waxaa lafuridoonaa
muddo dhaw , halkaas oo ay
diyaar ku noqondoonaa dhaqaatiir
aad iyo aad khibrad dheer u lah
noocyada bukaanada.
Waxaan Illahay ka rajeynaynaa
Isbitaalkaan inuu Bulshada
kunool Gobolka Galgaduud,
Killiga 5aad iyo iyo
dhamaan gobolada ku heedsan
degaanka inuu ka haqabtiridoono
dhinaca daaweynta bukaanada iyo
dhamaan adeega caafimaadka.
Balanbale Generaal Hospital
wuxuu si xushmad badan ugu
adeegidoonaa dhamaan cidii soo
booqata.
Cidii daneyneysa in ay mucaawino
u fidiso Isbitaalkaan cusub ee
Degmada Balanbale fadlan la soo
xiriir Caseyr D. Ashkir –
caseyrfanaxeey@hotmail.com
ama Cabdiladif Cabdullahi
Warsame --
aladif@yahoo.com
Aser Ashkir,
Seattle, WA.
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|
|
|
|