SOMALI SERVICE
BBC 11:00 
BBC 14:00
BBC 18:00

Islamic centers
in California

Islamic centers
in Arizona

Worldwide Prayer Times

Somali Links
A
Afrikadabari
Abudwaq
Aftahan
Alldalka.com
Allpuntland
Allwadani.com
Allwaamo.com
Aminarts
B
Bakaaraha.com
BBC L. Af som/ga
Biyokulule.com
Buurhakaba.com
Buuloburde.com
C
adayga Cayaaraha.com Cadaado.net
Ceelbuurnet
Ceelbuur Online 
Ceelwaaq.com
D
Dayniile
Dhahar
Deeyoo

DjiboutNet
Diinsoor
G
Geeska Afrika
Goldogobsite.com
Goobjoog
H
Hadrawi
Halgan
Hiiraan Online
Himilo 
Hiiraan.com
I
Idaacadda Qur'anka
Israac
Islam East Africa
Idamaale
J
Jowhar.com
Jannaale
Jiimonet
M
Marka Caddeey
Mudug Online
Midgaan.com
Midnimo.com
S

Allgedo  News, October 20, 2007

Maamulka Deg. Baardheere oo Baaq u jeediyey Hay'adaha Samafalka iyo Jaaliyadaha Dibada ee Gobolka si Gacan looga geysto dhismaha Buundada Baardheere oo qeybo ka mid ah ay Go'een

Muqdisho, Somalia - Maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa qeylo dhaan ka soo saarey xaalada ay haatan ku sugan tahay Buundada Deg. Baardheere oo weli qeybo ka mid ah ay go'an yihiin maalintii 8-aad, iyadoo ilaa iyo haddana ayan jirin cid ama Hay'ad isku xilqaantey inay arintaasi wax ka qabato.

Gudoomiyaha Degmada Baardheere Bare Cabdi Ismaaciil oo maaanta shir jaraa'id ku qabtey Xafiiskiisa ayaa ugu horeyn ka warbixxiyey xaalada Buundada Baardheere ay mareyso iyo sida loogu baahan yahay in dib u dhis lagu sameeyo qeybaha ay ka burburtey Buundada, waxuuna dhinaca kale ka codsadey Hay'adaha Samafalka Caalamiga ah iyo Jaaliyadaha Beesha SADE ee dalka dibadiisa inay gacan ka geystaan sidii loo dhisi lahaa Buundada.

Gudoomiyaha Deg. Baardheere Bare Cabdi Ismaaciil ayaa sheegay in xaalada deegaanku ay meel halis ah taagan tahay, isagoo sheegay in Badeecadii Ganacsiga iyo xoolahii ka imaanayey deegaano ka tirsan Gobolka Gedo iyo wadamada deriska ah in ay hakiyeen xaalada ay ku sugan tahay buundada Baardheere oo laga cabsi qabo in ay faraha ka baxdo haddii ay sidani ku sii socoto;  arimahaasi oo uu sheegay inay sii adkeeyeen nolosha deegaanka.

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu yiri "Ma jiraan ilaa iyo hadda howl la taaban karo oo dib u dhis loogu sameynayo qeybahii ay ka go'dey Buundada", isagoo dhinaca kalena soo hadal qaadey gudi ka kooban 14 Xubnood oo dhowaan loo saarey inay soo qiimeeyaan xaalada Buundada iyo sida wax looga qaban karo, balse ilaa iyo hadda ayan gudigaasi ku guuleysan howlahii loo xil saaray.

Buundada Baardheere oo ayan hadda mari karin Gaadiidka waaweyn ee ganacsiga iyo kuwa yaryar ayaa dadweynaha Baardheere waxaa soo wajahay cabsi xoogan, xilligani oo roobabkii Deyrta ay ka curteen qeybo ka mid ah Gobolka Gedo.


Axmed Cumar Saalixi - Baardheere-Gedo/Soomaaliya.




Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

 

 

Gurmad Burburka buundada magaalada Baardheere

Buundadii Degmada Baardheere oo ay Qeybo ka mid ah go'een

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com