Allgedo, News, Qamiis,
July 5, 2007
|
|
Xulka kubada Cagta Caabudwaaq oo
Galabta 3-1 ugu awood sheegtay
Xulka kubada Cagta Degmada
Dhuusamareeb |
|
|
Caabudwaaq,
Somalia - Xulka kubada Cagta
Degmada Caabudwaaq iyo xulka
kubada cagta degmada
Dhuusamareeb ayaa waxaa ay
galabta ku wada ciyaareen
garoonka weeyn ee Stadium
Cabudwaq, ciyaar taas oo ahayd
ciyaar aad u xiisa badnayd
waxaana ka soo qayb galay
taageere-yaal aad u fara badan
oo kala taageerayay labada xul
ee labada degmo.
Waxaa kaloo ciyaartii galabta ka
soo qayb galay madax ka socotay
mamulka labada degmo ee
caabudwaaq & Dhuusamareeb
waxaana madaxdaas ka mid ahaa
Gudoomiyaha Degmada Dhuusamareeb
Gacal Cali Jabiin. & Gudoomiye
ku xigeenka 2-aad ee Gobolka G/gaduud
mudane C/qani warsame jaamac (Weeroow.)
Waxaa kaloo ka mid ahaa madaxdii
kasoo qayb gashay daawadashada
ciyaartii galabta Gudoomiyaha
Ururka Dhalinyarada Caabudwaaq (SYO)
Maxa’ed Max’ud Naasir.
Ciyaartii galabta waxaa ay ahayd
ciyaar aan la qiyaasi Karin
xamaasadeeda waxaana ay ku
bilaabatay jawi aad u dagan,
labada kooxoodba waxaay soo
bandhigeen ciyaar wanaagsan
taasoo qancisay dhamaan
taageerayaashii garoonka
daawanayay qaybtii hore ee
ciyaarta waxaa ay ku dhamaatay
0—0 ayadoo labada
kooxoodna la dhihi karay waxaa
ay ahaayeen is ku awood
Kaddib markii ay dhamaatay
qeybtii hore ee ciyaarta, ayaa
nusasaac kaddib waxaa la'isugu
soo laabtay qeybtii labaad ee
ciyaarta. Ciyaarta qeyabteeda
labaad ayaa waxaa ay labada
kooxoodba soo bandhigeen ciyaar
aad u xiisa badan koox walbana
waxaa ay is ku dayaysay in ay
mar soo taabtan shabaqa kooxda
kale, laakiin daqiiqadihii
qaybtii 2-aad ee ciyaarta ayaa
waxaa gabai ahaanba la wareegay
Xulka Caabudwaaq ayagoo
goolkoodii ugu horeeyay shabaqa
Dhuusamareeb ku hubsaday
Laacibka xulka degmada
Caabudwaaq uga ciyaarayay qadka
dhexe Samatar Hoohaar.
Daqiiqado kadib ayaa
weeraryahanka xulka kubada cagta
uga ciyaara safka hore ee
Dhuusamareeb uu kooxdiisa u
saxiixay Goolkii barbardhaca
ciyaartooygaas oo lagu magacaabo
(Madoobe.)
Daqiiqadihi ugu danbeeyay ee
ciyaarta ayaa waxaa garoonka
lasoo gashay Xidiga Caanka ka ah
Gobola G/gaduud Xidigaas
oo baalka uga Ciyaara Xulka
Caabudwaaq Axmed Muxud faarax (Axmed
Diyeeje), ciyaartiina isla
markiiba wax weeyn ayuu ka
badalay waxaana uu suurta gashay
in laba banooni oo lugtiisa
kabaxday lagu hubsado shabaqa
Ciyaartooyda Dhuusamareeb Axmed
oo halkaa ku Noqday Laacibkii
Ciyaatii Galabta 90. Ciyaarta
ayaa daqiiqadii ugu danbeysay
waxaa ay ku soo dhamaatay 3-1 ay
ku badiyeen Xulka Degmada
Caabudwaaq.
Ma ahan ciyaartii ugu horaysay
ee labada xul ay wada ciyaaraan.
Saddex asbuuc ka hor ayaa waxaa
ay ku wada ciyaareen degmada
Dhuusamareeb, waxaana ku
badiyay ciyaartaas 3.0 Xulka
kubada Caabudwaaq.
Zaynudiin, Caabudwaaq/Soamaaliya.
|
 |
|
|