WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, November 14, 2007

Daraasad balaaran oo socotay laba todobaad oo uu Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYO ee Waqooyiga Caabudwaaq ugu magac daray "la socodka xaaladaha cuuryaamiinta deegaamada Waqooyiga G/gaduud" oo lasoo gebo-gabeeyay
 

Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Galgaduud oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaan S.Y.O ayaa waxaa ay muda Labo Usbuuc ah ay wadeen Daraasad loogu Magacdaray “La socodka Xaaladaha Curyaamiinmta Deegaamada Waqooyiga G/gaduud”.

Ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Galgaduud ayaa labadii todobaad ee ugu danbeeysay waxaa ay wadeen Daraasad ay kula soconayeen xaalada dadka curyaamiinta ah ee ku dhaqan magaalada Caabduwaaq.

Magaalada Caabudwaaq waxaa ku nool curyaamiin aad u badan oo iskugu jira, Rag, Dumar iyo Caruur, kuwaasoo inta badan ay ku waayeen xubnahooda qaaliga ahaa dagaaladii sokeeya ee Soomaaliya. Sidoo kale, waxaa ku jira qaar ku dhashay & qaar iyagoo weyn ay ku dhaceen xanuuno.

Ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Galgaduud (SYO) waxaaa ay ugu talagaleen barnaamijkaan sidii ay ula socon lahaayeen xaalada ay ku sugan yihiin dadkaan cuuryaamiinta ah kuwaasoo aan haysan wax taageero beni-aadanimo ah.

Mudadii ay dhalinyaradu ku jireen daraasada “la socodka xaalada curyaamiinta” waxaa ay la kulmeen dad fara badan oo curyaamiin ah, kuwaasoo u badnaa rag ku curyaamay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya. Qaar ka mid ah ragii curyaamiinta ahaa ee ay la kulmeen Ururka Dhalinyarada ayaa waxaa ay u sheegeen in aysan haysan wax daryeel ah iyagoo sheegayna in ay xataa awoodin in ay gataan biraha ay curyaamiintu ay ku socdaan, sidaas awgeed; ayaa waxaa ay dadkaas curyaamiinta ah dhalinyarada ka codsadeen in hadii ay garanayaan cid ka caawin karta dhibaatada haysata in ay u gudbiyaan si ay u helaan kaalmo beni-aadanimo oo deg-deg ah.

Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Maxamed Maxamuud Naasir mar aan ku booqnay xaafiiskiisa ayaa waxaa uu warbaahinta u sheegay sababihii ku kaliftay in ay sameyaan daraasadaan loogu magac daray “Lasocodka Xaalada Curyaamiinta” ayaa waxaa uu shegay gudoomiyuhu in ay ayahayd oo kaliya booqasho Bili-aadanimo, iyadoo curyaamiintuna ay bulshada qayb ka yihiin una baahan yihiin dhamaan waxyaabaha ay u baahan yihiin bulshada qaybaheeda kale.

Gudoomiyaha dhalinyarada ayaa waxaa kaloo uu sheegay in dadka curyaamiinta ah ay u baahan yihiin Waxbarsho, Daryeelid iyo Caafimaadba, xiligaan hada ahna aanay waxba haysan xaaladooduna ay tahay mid aad u liidata.

Ugu danbeeyntii Ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Galgaduud ee SYO oo ah Urur si
Volunteer  ah ugu adeega bulshada ayaa waxaa ay daraasadooda ku xuseen Shabakada Allgedo oo ay ku tilmaameen in ay tahay hurmuudka horumarka Barnaamijyada ay wadaan Dhalinyarada Waqooyiga Galgaduud, iyagoo sheegayna in ay kaalin libaax ay Allgedo ka qaadato marwalba hanaanka hurumarka deegaanka Waqooyiga Galgaduud.

Sidoo kale markii ay ururka dhalinyarada SYO ay ka hadlayeen Daraasadan “La socodka Xaalada Curyaamiinta” waxaa ayadana ay si weeyn ugu xuseen Ururka HIRDA oo dhalinyarada ka bixiya kirada Xarunta EMPOLEYMENT CENTER islamarkaasna mas’uul ururka dhalinyarada uga dhigay xaruntaasoo loogu talagalay in loogu shaqeeyo arimaha bulshada deegaanka waqooyiga galgaduud.


Zaynudiin, Allgedo, Caabudwaaq/Somalia.


 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com