|
|
Allgedo
News, October 27, 2007
|
|
Degmooyinka Gobolka Gedo oo ay
ka soconayaan Howlo Maamul loogu
sameynayo |
Bardhere, Somalia - Guud ahaan
Degmooyinka Gobolka gedo ayaa maalmahan
waxaa ka soconayey diyaar garow balaaran
oo ku aadan sidii dadweynaha Gobolku ay
u dooran lahaayeen maamulo heer degmo
iyo mid Gobol oo bedala maamuladii DKMG
ah ay horey u magacawdey. Talaabadii ugu
horeysay ee Maamul u sameynta
Degmooyinka Gobolka Gedo ayaa waxa ay ka
hirgashey degmada Dolow,ka dib markii
dadweynaha ku dhaqan degmadaasi ay
doorteen Gole degmo oo ka kooban
23xubnood, kuwaasi oo markiiba Gudoomiye
u doortey C/rashiid Xasan Cabdi nuur oo
horey u ahaa Gudoomiyahii degmada Dolow.
Sidoo kale, kulamo iyo wadatashiyo
isadaba joog ah oo maalamahii u
dambeeyey degmada Baardheere uga
socaneyey Odoyaasha dhaqanka Degmada
baardheere ayaa ugu dambeentii suurtogal
ka dhigey in beelaha deegaanka ay ku
heshiiyaan qaabqeysiga 23 xubnood oo ah
maamulka degmada Baardheere, iyadoo qaar
ka mid ah beelahu markiiba ay soo
gudbiyeen xubnahii maamulka, halka kuwa
kalena la sugayo maalinta beri ah sida
uu Saxaafada u sheegay Maxamuud Cabdi
Shakuul oo ka mid ah Gudi ku howlan
howlaha Maamul u Sameynata egmada
Baardheere. Dhianaca kale Wararka ka
imanaya Degmooyinka Baladxaawo iyo
Ceelwaaq ayaa sheegaya in duqeyda
dhaqanka ee degmooyinkaasi in ay ku
howlan yihiin sidii ay u soo xuli
lahaayeen Xubnaha maamulka cusub ka mid
noqonaya,sida lagu helayo wararka
waxayna durbaba ay qeybsadeen beel
waliba xubnaha ay ku yeelan doonto
maamulka Cusub.
Howsha dhismaha maamul u sameynta
Gobolka Gedo ayaa waxaa hirgelinteeda
iska kaashadey Waaxda Horomarinta
Dowladaha Hoose ee Wasaarada Arimaha
Gudaha DKMG iyo Hay,adda UNOPS/LGD,
iyadoo howshani ay door muhiim ah ay ku
leeyihiin Odoyaasha Dhaqanka ee
Degmooyinka Gobolka Gedo.
Suurtogalnimada maamul heer gobol ah oo
uu yeesho Gobolka Gedo ayey ku xiran
tahay natiijooyinka ka soo bixi doona
dhameystirka dhismaha maamulada
degmooyinka ee haatan soconaya iyo
Gudiyo min 4xubnood ah oo ka imaandoona
degmooyinka kuwaasi oo dooran doona
Gudoomiyaha Gobolka iyo labadiisa
Kuxigeen.
Axmed Cumar Saalixi - Baardheere/Soomaliya.
|
 |
|
|
|
|
|