WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo, News, Axad, July 15, 2007

Faalo:  Waxaan beesha Sade kula talinayaa in ay sameystaan dowlad goboleed (Stato Regionale) iyo astaan u gaar ah oo lagu yaqaan (calan)

 

Mar haddii ay adag tahay xal ka gaaridda dhibaatada durugtay ee soomaaliya waxaan beesha sade ee aan ka soo jeedo kula talin lahaa in ay samaystaan maamul gobaleed (Stato Regionale ) ee iyaga u gaar ah  si loo helo nabad ku  wada noolaasho waarta.  Magaca dowlad goboleedka loo bixinayo waa mid u baahan in laga baaraan dago, balse aniga waxay ila tahay in loo bixiyo Jubbaland State ama Gedoland State hadba tii uu dhismaheedu soo hor maro oo la'isku afgarto.

Waxaa aan beesha kula talinayaa inay mar kasta ka shaqayso danta guud ee Soomaali wayn iyagoo ka qayb qaadanayo wax kasta oo uu ku jiro xalka dhibaatada guud ee Soomaaliya iyo sidii loo hili lahaa nidaam dawli ah. 

Hadaba, beesha waa inay ka tashataa magaca ay u bixinayaan maamul gobaleedkooda, hase yeeshee waxaa aan anigu ku talinayaa in maamul gobaleedkaasu yeesho calan lagu  garto, sidaas awgeedna, aniga  waxaaaan jeclahay in calankaas fekarkayga sida ay aniga ila tahay inuu noqdo sidatan:- 
 


 

Balse, waxaan jeclahay inaan sharaxaad ka bixiyo midabka calanka :-  midabka cagaaran micnihiisu waa nabadgalyo ama sida caadiga ah midabka cagaaran waxuu calaamad u yahay nabadgelyo (Peace.)

Midabka cirka u eg ee leh  
shanta xiddigood ee cad qof kasta oo Soomaali ah waa yaqaanaa oo waa calankeeni Soomaaliyeed.  Shanta xidigood waa shanta Soomaali, hal xidig oo kastana shanteeda geesood waa isla shantii Soomaaliyeed. 

Midabka gaduudan ama casaanka ah micnahiisu waa qatarta uu leeyahay dagaal sokeeye iyo in ay haboon tahay in uusan gobolku dib danbe ugu noqon qatar noocaas oo kale ah oo u keeni kara bur-bur dhinacyo badan leh iyo dib u dhac aan laga soo kaban karin.

Midabka GADUUDKA ah ama CASAANKA ah waxuu astaan u yahay qatarta faraha badan ee ka dhalatay bur-burka dowlad la'aaneed ee ay umadda Soomaaliyeed ilaa iyo hadda ku sugan tahay. 

Dhanka kale, midabka guduudan ama casaanka ah waxuu had iyo jeeraale muujiyaa QATAR!, sidaas awgeedna, maadaama ay waajib tahay in la helo calaamad lagu xasuusto qatarta guud ee ay Soomaaliya soo martay ama ay haddaba ku jirto iyo tan gaar ahaaneed ee ay soo mareen gobolada ay ku dhaqan yihiin beesha Sade ayaan midabkaas GADUUDAN ugu doortay in uu ka mid noqdo calanka uu yeelanayo dowlad goboleedka ay sameysan doonto beesha Sade.

 

Daahir Faarax Afdheere
Email: 
gulan1969@yahoo.co.uk


F.G:  Fekerkani waxuu u gaar yahay ninka uu magaciisa kor ku qoran yahay, sidaas awgeedna wax shaqo ah kuma lahan Allgedo Online.
 


Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

 

 


 

 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com