|
|
Allgedo
News, November 14, 2007
|
|
Howshii maamul u sameynta
Degmada Garbahaarey oo khilaaf
uu ka dhashey iyo Xubnahii
Dowlada oo u ambabaxay Baydhabo |
Baardheere, Somalia
-
Qorshe la
doonayey in maamul loogu sameeyo
degmada Garbahaarey ayaa khilaaf
xoogani uu ka dhashey ka dib
markii qaabka wax loo qeybsanayo
xubnaha maamulka cusub ay isku
qabteen qaar ka mid ah beelaha
dega deegaankaasi.
Isku dayo lagu doonayey in
khilaafkaasi lagu xaliyo oo
baryahii lasoo dhaafey
degmadaasi ay ka wadeen xubno ka
tirsan Wasaarada Arimaha gudaha
DKMG ayaa lagu guul dareystey,
iyadoo xubanhii ka socdey
wasaaradasina ay u ambabaxeen
Magaalada Baydhabo kaddib markii
arinta khilaafkani uu maqley
Madaxweynaha DKMG oo sheegay in
arimahaasi looga hadli
doonoBaydhabo maalmaha soo socda.
Madaxweynaha oo iminka ku sugan
Magaaglada Baydhabo ayaa sheegay
in arimaha ka taagan Gobolka
Gedo ee khilafka maamul u
sameynta uu kulamo iyo
wadatashiyo uu kala yeelan
doonoXubanaha Wasiirada iyo
Xildhibaaanada ka soo jeeda
Gobolka Gedo, isagoo u sheegay
wafdiga wasaarada Arimaha Gudaha
inay joojiyaan howlahaasi
islamarkaana ay soo galaan
magaalada Baydhabo.
Xudunta khilaafka soo kala dhex
galay howlaha maamul u sameynta
degmada Garbahaarey ayaa waxa la
sheegayaa inay ku lug leedahay
qaabka loo qeybsanayo xubanah
maamulka oo ka kooban 33 Xubnood
oo ay horey u shaxeeyeen
Mas'uuliyiin ka tirsan
Garbahaarey, iyadoo qaar ka mid
ah beelaha dega degaankuna
xubanhii kaga soo aadey
qeybtaasi ay sheegen inysan ku
qanacsanayn qeybtaasi, isla
markaana la daba maray nidaamkii
saxda ahaa ee la rabay in wax
lagu qeybsado.
Xubnaha ka socda Wasaarada
Arimaha Gudaha ayaa waxay
sheegeen inay haboon tahay in
dhisdmaha la waafajiyo nidaamkii
ahaa in Boqol xubnood oo wax
doorta la sameeyo, hase ahaatee
qaar ka mid ah odoyaasha
dhaqanka iyo wax garad kale ayaa
sheegay in xilligan dhaqaalo
aanan loo hayn howshaasi.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa
laga dhursugayaa natiijooyinka
ka soo bixi doona kulamo dhowaan
ka dhici doona magaalada
Baydhabo oo la doonayo in
arinkaasi lagu xaliyo.
Axmed Cumar Saalixi, Baardheere/Gedo.
|
 |
|
|
|
|
|