 |
|
Wariye Axmed Cumar Saalixi ayaa
warbixintaan Buurdhuubo nooga
soo diyaariyay
|
Buurdhuubo, Somalia -
Degmada Buurdhuubo oo ka mid
ah degmooyinka Gobolkaa Gedo
oo ahayd meelaha ugu daran
ee Gobolka xaga waxbarashada
ka liitay ayaa haatan waxay
degmadu u muuqanaysaa mid ka
soo reynayso xaaladahii hore,
kaddib markii mudo iminka
laga joogo labo bilood uu u
hawlgalay dhismaha Iskuulka
iyo qalabka waxbarasha
Urur Samafal Wadani ah oo
lagu magacaabo Gedo
Education And Development
Organization (G.E.D.O)
oo uu fadhigiisu yahay dalka
dibadiisa.
Dhismaha Iskuulkan oo markii
hore ahaa dersooyin aan wax
roob ah celinaynin oo aan u
ekayn goob wax lagu baran
karo ayada oo kuraasta lagu
fadhiisto iyo miisaska oo
ahaa 15 xabo aanay u
habeysneyn kuwa wax lagu
baran karo. Ardeyda waxay
kuraas ahaan ugu fadhiisan
jireen dhagxaan, Biibab iyo
dhulka ayaa haatan waxaa loo
dhamaystitry dhismo ka
kooban ilaa 3 qol iyo kuraas
iyo Miisas ku filan 3 Qol.
Maamulaha Iskuulka
Buurdhuubo Primary
School.Cabdi Xaaji Maxamed
ayaa ku amaanay Ururka Gedo
Education And Development
Organization (G.E.D.O)
talaabooyinka wanaagsan oo
ay u qaadeen xaga
waxbarashada Buurdhuubo,
taasi oo uu sheegay in ay
tahay mid aan marnaba la
ilaawi karin iyo dadkii ay
gacanta kaga heleen
taabegilinta dhismaha
Dugsigan iyo Qalabeyntiisa.
Maamulaha
ayaa sheegay in Dugsiga la
aas'aasey sanadkii1993-diii,
ardeyduna waxay ku kala
jiraan fasalada 1-aad ilaa
8-aad, tirada guud ee sanad
dugsiyeedkani fadhida
dugsiga ayuu sheegay inay
gaarayaan 298 arday oo isugu
jira 153 gabdhood iyo 145
wiilal, isagoo intaasina ku
darey in weli is qorista
ardeyduna ay socoto.
Dugsigu ma lahan ayuu yiri
hadda Musqulo, maadama
ardeydu ay badan tahay.
Waxaa sidoo kale ka maqan
Iskuulka Gidaar wareeg ah
iyo Xafiiskii Maamuulka iyo
macalimiintu ay shaqadu ku
wadi lahayeen, sidaas darted
ayaan mar kale waxaan ku
celinayaa ayuu yiri
maamulahu codsi ku aadan in
waxii la awoodo arimahaasi
wax nalooga qabto, maadama
hadda ay hirgashey howshii
ugu muhiimsaneyd.
By: Axmed Cumar Saalixi,
Baardheere/Gedo/Somaliya.