SOMALI SERVICE
BBC 11:00 
BBC 14:00
BBC 18:00

Islamic centers
in California

Islamic centers
in Arizona

Worldwide Prayer Times

Somali Links
A
Afrikadabari
Abudwaq
Aftahan
Alldalka.com
Allpuntland
Allwadani.com
Allwaamo.com
Aminarts
B
Bakaaraha.com
BBC L. Af som/ga
Biyokulule.com
Buurhakaba.com
Buuloburde.com
C
adayga Cayaaraha.com Cadaado.net
Ceelbuurnet
Ceelbuur Online 
Ceelwaaq.com
D
Dayniile
Dhahar
Deeyoo

DjiboutNet
Diinsoor
G
Geeska Afrika
Goldogobsite.com
Goobjoog
H
Hadrawi
Halgan
Hiiraan Online
Himilo 
Hiiraan.com
I
Idaacadda Qur'anka
Israac
Islam East Africa
Idamaale
J
Jowhar.com
Jannaale
Jiimonet
M
Marka Caddeey
Mudug Online
Midgaan.com
Midnimo.com
S

Allgedo  News, November 15, 2007

Ismarinwaa ka dhex taagan Gudiga Nabadeynta Mareexaan iyo Gudiga Reer Faraax Ugaas

Caabudwaaq, Somalia - Shir ay ku wada yeesheen Gudiga Nabadeynta Mareexaan iyo Gudiga reer Faarax Ugaas Hoteelka Ducaale ee magaalada Caabduwaaq galabnimadii shalay oo looga wada hadlaayay habkii loo xalin lahaa dilkii allaha u naxariiste Farrax Warsame Diiriya (Faarax Jiifa) oo la dilay 11/9/2007 ayaa waxaa ka dhasahy ismariwaa ladda dhinac ah, waayo gudiga nabadeynta Mareexaan wuxuu hawshaan gacanta ku hayay mudo laba bilood ah, wuxuuna u kale dab-qaadayay labada beelood oo kale ah Wagardhac iyo Reer Faarax ugaas, waxaana la isla fahmi waayay habkii loo maareyn lahaa dhimashadii Faarax jiifaa.

Horey wuxuu gudigu ula shiray Beesha wagardhac, wuxuuna dilkii Faarax Jiifa ku ganaaxay Wagardhac 120 Malyan oo Shilin Soomali ah iyo labdii qori oo lagu dilay oo Kafan iyo Duug ah, wayna aqbaleen, waana keeneen, magtiina waxaa looga wada hadli lahaa markii la kala qaato kafanta iyo duugta.

Gudiga Nabadeynta Mareexaan wuxuu usoo jeediyay Gudiga Reer Faarax Ugaas Talooyinkaan:-

 1)-  In si dhab ah loo lafa guro khilaafyada dhex yaala Reer Farax Ugaas iyo Wagardhac, lana xaliyo tabashada cid kasta una soo bandhigto Gudiggaan.
 2)-  In dilkii Faarax Jiifaa la raaciyo dadkii ka horeeyay, wixii ka dambeeyana xeer laga goosto.
 3)-  In labada beelood ay joojiyaan dilalka kale aar-goosiga ah oo ay ku nafwaayeen ilaa 22 qofood oo uu ugu dambeeyay Faaraqx Jiifaa, una soo fariistaan xisaabtan iyo wada hadal dhab ah.
 4)-  In markii la xaliyo dilkii Faarax Jiifaa la'iskugu yeero Guurrtidii iyo waxgaradka Marexaan, xalna loo helo dilalka maalayacniga ah ee dilaayo waxgaradkii Mareexaan ee Gobolaka Galgaduud.

Talooyinka uu gudigu usoo jeediyay Beesha Reer Faarax Ugaas si toos ah bay uga horyimaaden, taasina waxay keentay in uu ismarinwaa ka dhex-dhasho Gudigii Nabadeyna Mareexaan iyo Gudii reer Faarax Ugaas, waana lagu kale dareeray shirkii ayadoon wax heshiish ah lagu kala gaarin.

Waxaa dhawr jeer gudigu isku dayay in uu dhameeyo khilfaadka u dhaxeeyay labadas bilood, waxayna mar kasta ka socon wayday beesha Reer Faarax Ugaaas oo cakireysay arrinta, wixxi ka soo kordhana waan idinla soo socodsiin doonaa.

Katimd: Golaha Guurtida Mareexaan ee Waqooyiga G/gaduud oo Fadhigoodu yahay Hotel Ducaalle.


Zeynudin, wariyaha Allgedo ee C/waaq
allgedo@live.com


Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com


 

 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com