SOMALI SERVICE
BBC 11:00 
BBC 14:00
BBC 18:00

Islamic centers
in California

Islamic centers
in Arizona

Worldwide Prayer Times

Somali Links
A
Afrikadabari
Abudwaq
Aftahan
Alldalka.com
Allpuntland
Allwadani.com
Allwaamo.com
Aminarts
B
Bakaaraha.com
BBC L. Af som/ga
Biyokulule.com
Buurhakaba.com
Buuloburde.com
C
adayga Cayaaraha.com Cadaado.net
Ceelbuurnet
Ceelbuur Online 
Ceelwaaq.com
D
Dayniile
Dhahar
Deeyoo

DjiboutNet
Diinsoor
G
Geeska Afrika
Goldogobsite.com
Goobjoog
H
Hadrawi
Halgan
Hiiraan Online
Himilo 
Hiiraan.com
I
Idaacadda Qur'anka
Israac
Islam East Africa
Idamaale
J
Jowhar.com
Jannaale
Jiimonet
M
Marka Caddeey
Mudug Online
Midgaan.com
Midnimo.com
S

Allgedo, News, August 8, 2007

"U-codeeya Cabdirashiid!"

 

Cabdirashiid Muxyadiin M. Kaalmoy

Waxaa  bisha barakeysan ee Ramadaan ee nagu soo aaddan ka dhacaya  "Imaaradda Al-Shaariqa" ee dalka Imaaraatka Carabta Tartan xagga Codka ah, oo lagu soo bandhigayo "Aayado Quraanka Kariimka ah ka mid ah iyo Anaashiid Diini ah".

Wuxuu Tartanku dhex-marayaa Dhallinyaro ka kala socota 15-Dawladood oo Carbeed, kuwaas oo kala ah:-Aljeeriya, Imaaraatka Carbta, Urdun, Sacuudiga, Somaliya, Suudaan, Suuriya, Ciraaq, Cumaan, Kuweyt, Lubnaan, Marooko, Masar, Qadar iyo Yemen.

Waxaa loo baratayaa shan jago oo kala sarreeya, oo lagu bixinayo Abaal-marinno isugu jira :Lacag, Baabuur(BMW) ah,Deeq-Waxbarasho iyo Waxyaabo kale oo qiima badan.

Dalka Soomaaliya, waxaa Tartankaas uga qayb-galaya:- Cabdirashiid Muxyaddiin M. Kaalmoy oo isagu hore guulo uga soo hooyay Tartanno hor-dhac  iyo kala xulasho ahaa oo lagu kala qabtay Sanca(Yemen) iyo Al-Shaariqa (Imaaraatka), halkaas oo uu wacdarro ka muujiyay, sida ay soo ban-dhigtay  Warfaafinta Imaaraatku.

Cabdirashiid M.M.Kaalmoy, 1988-kii ayuu ku dhashay Muqdisho, waxbarashadiisa Hoose ilaa Sare wuxuu ku dhammaystay dalka Yemen.

Haddaba, si uu Cabdirashiid ugu guulaysto Jagooyinka loo baratamayo, una helo dhibcaha loo baahan yahay, waxaa lagama maarmaan ah in aad habeennada tartanka  ugu yaboohdaan Codkiina taageerada ah ee ku dhisan u hiillinta Soomaalinimo.

Keliya, waxaan idinka codsaneynaa, loona baahan yahay: in aad Bisha Ramadaan oo dhan la socotaan Telefishanka "Al-Shaariqa", dabadeedna aad habeennada Tartanka dirtaan Lambarka Telefoonka ku soo qormi doona Shaashadda, markaasna aad Afafka Carabiga ama Ingiriiska ku tiraahdaan:-"Waxaannu codkeenna siineynaa Cabdirashiid Muxyaddiin".

Fadlan, Walaalayaal,  u-codeeya Cabdirashiid oo ah xulka Somalia ee Codka "Al-Shaariqa" ee sannadkan 2007-da, si uu  magaca Soomaaliyeed uga sare-maro kuwa kale ee uu la baratamayo.


"Axyaa Wadani yaa Soomaali aheey".
"Wixii Dhiig lahow kaca..".
 

Ballanteennu waa Bisha Barakeysan...
kalmoi@hotmail.com



Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



 

 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com