WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo, News, Talaado July 17, 2007

Mahad celin ku socota Hay'adihii iyo shaqsiyaadkii bixiyay lacagihii lagu dhisi lahaa Buurdhuubo Primary School
 
 

Dr. Ahmed Abdullahi Farah
 
 Guddoomiyaha Ururka Gedo Education Development Organization

Anigoo ku hadlaya magaca Ururka G.E.D.O. (Gedo Education Development Organization), waxaan halkan ugu mahad celinayaa dhamaan Hay'adihii iyo shaqsiyaadkii ka qeyb qaatay aruurintii lacagtii lagu dhisi lahaa Buurdhuubo Primary School.

Ugu horeyntii, waxaan halkan mahad balaaran ugu soo gudbinayaa Hay'adda
HIRDA oo Buurdhuubo Primary School ugu deeqday $1000 iyo Hay'adda SDF (Somali Development Foundation) oo iyana Iskuulkan ugu deeqday $1000.

Sidoo kale,  waxaan halkan mahad qaas ah ugu soo gudbinayaa Shebekadda Allgedo oo noo suurta gelisay in aan baahida Iskuulkan kusoo ban dhigno iyo shaqsiyaadkii sida gaarka ah isugu howlay helidda xogo badan oo Iskuulkaas looga baahnaa iyo uruurinta lacagaha oo aan hubo in ay waqti badan u hureen, dadkaasna waxay kala yihiin: -

 1. Xildhibaan - Nuur Cali Xasan (Nuur Gaab)
 2. Axmed Bashiir Cusmaan (Madoobe)
 3. Cabdulahi Muxumed Cabdi (Cabey)

Waxaa kaloo jira shaqsiyaad iyagana ka qeyb qaatay aruurinta lacagta Iskuulkan lagu dhisi lahaa, sidaas awgeedna waxaan halkan mahad celin ugu soo gudbinayaa shaqsiyaadkaas oo ah kuwa uu magacooda uu hoos ku qoran yahay:-

1.  Prof. Bashiir Nuur Looyaan                            $300.00
2.  Saacid Ashkir Dhudub                                       300.00
3.  Ganacsade-yaasha maqaaxida Calanley (Columbus, Ohio)                                        200.00
4.  Aden Xirsi Ciise (Sandhere)                             105.00
5.  Cabdiweli Maxamed madoobe                        100.00
6.  Xuseen Guuleed                                               100.00
7.  C/Qani Qalif Qoryooley                                     100.00
8.  Jabin Afey                                                        100.00
9.  Suldan Cali Dahir                                              100.00
10.  Xasan Cali Cumar (Xasan Dheere)                   100.00
11. Axmed Bashir Cusman (Madobe)           100.00
12. Aden Axmed Cali       100.00
13. Cabdi Suudi       100.00
14. Ibrahin Tabey Abaale       100.00
15. C/Casiis Nuur Cali (Nuur Gaab)       100.00
16. Xasan Garbadeel       100.00
17. Sheikh Caamir M. Ibrahim        50.00
18. Bare Raadiye        50.00

Isugeynta guud ee lacagta la qabatay

$4,205.00

Fiiro gaar ah:-  Wali lacag aruurintii way socotaa, cid alaale cidii ka qeyb qadata dhismaha Iskuulkaan Buurdhuubo Primary School waxuu geli doonaa buugga Sadaqatul jaariyah oo ah kan Eebe iyo anaga oo aanan marnaba iloobi doonin dadka nagala qeyb qaata dhismaha Iskuulkaan, sidaas awgeedna si joogta ah ayaan ugu soo bandhigi doona shebekadda Allgedo cid alaale cidii ka qeyb qaadata dhismaha Iskuulkan Buurdhuubo Primary School.

Ugu danbeyntii, anigoo ah Gudoomiyaha Ururka G.E.D.O. waxaan umadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba kula dar-daarmayaa in ay usoo jeestaan maalgelinta wax barashada iyo dhismaha Isbitaalada si loo helo bulsho caafimaad qabata isla markaana dhanka aqoonta ka dhisan.



Dr. Ahmed Abdullahi Farah (Ahmed Yare)
Chairman of G.E.D.O
ahmedfarah69@yahoo.com
Tel. (614)806-5660



Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



 

 



 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com