SOMALI SERVICE
BBC 11:00 
BBC 14:00
BBC 18:00

Islamic centers
in California

Islamic centers
in Arizona

Worldwide Prayer Times

Somali Links
A
Afrikadabari
Abudwaq
Aftahan
Alldalka.com
Allpuntland
Allwadani.com
Allwaamo.com
Aminarts
B
Bakaaraha.com
BBC L. Af som/ga
Biyokulule.com
Buurhakaba.com
Buuloburde.com
C
adayga Cayaaraha.com Cadaado.net
Ceelbuurnet
Ceelbuur Online 
Ceelwaaq.com
D
Dayniile
Dhahar
Deeyoo

DjiboutNet
Diinsoor
G
Geeska Afrika
Goldogobsite.com
Goobjoog
H
Hadrawi
Halgan
Hiiraan Online
Himilo 
Hiiraan.com
I
Idaacadda Qur'anka
Israac
Islam East Africa
Idamaale
J
Jowhar.com
Jannaale
Jiimonet
M
Marka Caddeey
Mudug Online
Midgaan.com
Midnimo.com
S

Allgedo  News, November 6, 2007

Faalo: Talo waa mid lagu ba'o iyo mid lagu baraaro!
A. Y. Jama Abdullahi Indho
abduldjamal@yahoo.com

Muqdisho, Somalia - Waxaan oran karaa waxa Soomaaliya ka socda ama ka dhacayo wax la inkri karo ma ahan, waxaana xaqiiqo ah in ay tahay masiibo si weyn ugu dhacday dalka iyo dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba, laakiin dhanka kale marka laga eego sida ay wax u socdaan, waxaa iyana shaki ku jirin oo aan marqaati ka wada nahay in ay masiibadaan ka timid ficil iyo maskax Soomaliyeed.

Waxaan sharaxaad u bahaneyn in ay masiibadaas saameyn aan la qiyaasi karin ku yeelatay deegaan iyo dadba. Qof kasta oo soomali ah heerkuu doono ha joogo, meeshu doono dunida ha uga noolado in ay tahay dhibaato la nool oo uusan xal u hayn wadnuhun xanuuno darteed dabadeedna fadhiga iyo istaagaba ku ooyo. Waxaa wajigoodu ka marakacaa diif iyo nabar ku yaal. Waxaa hadalka maskaxdooda kaaga soo baxaya mid murugsan oo nuxurku ka maqan yahay aan lahayn cabir iyo miisaan midna. Waxaa in badani aaminsan tahay in aan maskaxda qofka soomaliga ah waalida wax badan u jirin, waayo calaamadaha waalida waxaa kow(1) ka ah, qofka oo is dila ama dhibaato xun isu geysta. Qofka oo laga waayo wixii haboonaa lana yimaada waxaan habooneyn ama macquulka diida oo ogolaado kheyrul macquul waana mida aan maanta ka siman nahay haddaan nahay soomali. Sidoo kale uu yahay qofku jooge maqane oo aysana muuqan wadashaqeyn toos ah iyo iskuxirnaan ka dhexeysa jirkiisa iyo dareenka hab-maskaxeedkiisa, oo markaad fiirisid dareenkiisa waxaa kuu soo baxaya wax ka duwan ficilkiis. Waxayse isula shaqeeyaan si dadban. Taas oo ah isku xirnaanta guud ee qaab dhismeedka jirka iyo isku qotonkiisa kuwaas oo kulankoodu sameeyo muqaal qof sida sawiradda iwm.

Haddaba qaybaha kala duwan ee bulsho weynta soomaliyeed ka kooban tahay nooc kasta oo ay yihiin ayaa u muuqda kuwa aan ilaa iyo hadda fahmin wax ka duwan siddii loo sii horumarin lahaa hurinta dhibataada dalka af iyo adinba. Waxaa adag in la helo waxa dareenku tabayo waayo waxaa ka adkaaday ficilkiisa, sidoo kale waxaa adag in la helo qof soomali ah oo run sheega ama si caqli gal ah u haddla Heerkuu doono ha joogee, xag da` aqoon iyo garaad siyaasad. Sidoo kale Urur, qabiil, qoys iyo qof. Waxaan ka hadlayaa inta maanta awooda ficil ama maskaxeed oo ay wax ku sameyn karaan leh, shar iyo kheyr kuu doono ha ahaadee.

Hadday tahay siyaasiin, aqoon yahano, odey dhaqameedyo, ganacsato iyo in badan oo kale ayaa u isticmaalay muruqooda, maskaxdooda iyo dhaqaalahoodaba dhanka xun iyo qasaaraha, baaba`a dalka, una arka in ay taasi tahay wadadii ugu wanaagsaneyd ee dalka iyo dadkaba lagu bad-baadin lahaa, halka caqliga caafimaadka qaba iyo maskaxda aqoonta wanaagsani ku hawlgasho ay ku xisaabtanto ficil iyo fakar ku wajahan in la helo faaiido iyo in laga fogaado wixii khasaara u keeni kara dadka iyo dalka ay umadi leedahay.

Waxaa Muuqata Magacuu doono ha lahaado, meeqaan kuu doono ummadda ha uga jiro in ay ballantu tahay ku tartamidda khasaaraha dadka iyo dalka inaan midna midka kale kaga badin, inta kalana ay kuwaas u yihiin meyd u nool ama maligii naftooda loo xilsaaray.

Waxaa ugu daran kii xataa wax wanaagsan afka ka sheega waxaa ka hor imaanaya ficilkiisa oo qilaafsan wuxuu sheegay.

Waxaan hadaba shaki ku jirin in ummadda soomaliyeed iyadu is duleysey isna dulmiday. Markaan xalaalaysaney wixii EBBE naga reebay. Markaa xaqii baadil ku badalaney, markaan xummaan oo dhan xambaarsanay wanaagii oo dhan xoornay, markaan xagdaroo dhan wax wanaagsan iyo xeer qurux badana ku sifeyney, Markaan xaq iyo baadil baadilkii dooraney xaqiina xooray. Waxaa hubaal ah in waxa maanta ina horyaalla ay tahay abaal marinta EEBBE ee dulmi falayaasha.
Haddaba waqtigan oo aarrinta taagan tahay siddii EEBBE (Allaah) Qowlkiisa ku yiri)., Qoom EEBBE ma dooriyo ilaa ay aygu is dooriyaan oo isu sabab noqdaan.

Haddaba, waxaa cad in ilaa aan si gaar iyo si guudba u qirano khaladkeena, ogolaano in aan dulmi iska galay. Isu soo hoyano, si niyad ah isu cafino, EEBBE u noqono. Xaqiiqsano waxa ina haysta iyo duliga in aan annigu isugu waca nahay, oo ay tahay ciqaab EEBBE (allaah), xagiisa nooga timid sababtuna tahay doorashadeena dulmiga datrteed.
In xaalkeenu taaganaan doono dibigii indhaha ka xirnaa ee macsaradda shiidayey iyo khalad khalad ku sax.

Ugu dembeyn soomaliyeey:hadal badan danbaa dhaanta, baadilkana xaqaa dhaama, dilka nabad ayaa dhaanta, burburkana dhismaa dhaama, dowlad la'aan dawlad xunbaa dhaanta, soomaliyeey. Hadal badan danbaa dhaanta ee dalka nabad ha loo daayo.




Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com


 

 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com