Allgedo News, November
9, 2007
|
|
Maxaa dhici kara haddaan la
raacin talada waalidka? |
|
|
 |
|
Mr. Muxyaddiin M. Kaalmoy -
Waxuu ka mid ahaan jiray
Qoraayadii ugu caansanaa ee wax
ku qori jiray wargeyskii la oran
jiray "Ogaal"
ee XHKS.
|
Goortu waa caruurnimadii;
waxaannu ahayn saddex wiil oo ay
markaas da'doodu u dhaxaysay 12
ilaa 14-jir; dugsiga Quraanka
iyo Waxbarashada caadiga ah
intaba waannu wada dhigan jirnay;
xaafaddana deris ayaannu ku
ahayn. Waxaan badanaaba wada
ciyaari jirnay Kubadda, Buglaha,
Yool-yoolka, Jarta iyo ciyaaro
kaleba.
Aniga iyo Saaxiibadey, mar-mar
ayaannu fiidyadii u tallaabi
jirnay xaafado kale, iskuna deyi
jirnay in aan faduul iyo
daar-daarasho kula kacno
hablihii nala da'da ahaa ee ay
markaas naasuhu u soo baxayeen
ee degganaa xaafadahaas. Falkaas
waa ay iiga digi jireen
waalidkay, waxayna igu adkayn
jireen in aanan habeenadii ka
fogaan agagaarka aqalka, kana
qayb-qaadan wixii fal-xumo ah ee
ay ku kacayaan labadaas saaxiib.
Waxaan xusuustaa tusaaleyntii
hooyadey ee ahayd
"aniga shuqul-xumo ma rabo,
sheydaan ha raacin, shiddana ha
i gelin", laakiin caruurnimo
awgeed si qota-dheer iima ay
geli jirin erayadaas.
Goor fiid ah ayay wadaayadey ii
yimaadeen iguna boorriyeen in
aan u raaco xaafado kale. Waa ay
i foorjeeyeen, waxayna igu
yiraahdeen "war ina keen, maxaad
meesha u fadhidaa, ma
ciyaal-maama ayaad tahay?
Aniga oo eraygaas (ciyaal-maama)
ka gilgilanaya ayaan raacay
iyagii, waxaana aan fududeystay
dardaarankii iyo taladii
waalidkey. Waan daba-kacay,
laakin haddana waxaan socday
gadaashooda meel qiyaastii
15-tallaabo iyaga ka dambeysay;
waayo talooyinkii waalidkey ayaa
laabta iiga yiil oo aan hadba
soo gocanayay. Degmada Waaberi
(Ex-Anzalote) ayaannu deganayne,
markii aannu mareynay agagaarka
'Sar-guduudda'
ayay Gabar naasa buurbuuran inta
ay ku dhowaadeen ka tuujiyeen
labada Naas!, dabadeedna cagaha
ayay wax ka dayeen (carareen).
Gabadhii ayaa af labadii
qaylisay oo aqalkooda oo meesha
ka dhowaa dib u gashay iyada oo
ku dhawaaqeysa "Abbow
Muudde, fiiri kuwaan... Naasahey
iga taabteen!".
Muudde oo nin 20 jir xoog leh
ahaa ayaa durba albaabka ka soo
boodey isaga oo aad uga
caraysnaa edeb-darrida lagula
kacay walaashiis. Aniga oo
aayar meesha iska luudaya ayuu
wuxuu igu bilaabay feer iyo
fara-laab(haraati), isaga oo aan
waxba kala hubsan. Wuxuu
moodayay in aan anigu ka mid
ahaa kuwa ay ka sheeganeyso
walaashiis. Muudde aad ayuu iiga
weynaa oo iskama aanan celin
karayn, gabadhiina dib uma soo
bixin si ay iiga badbaadiso
darbooyinka is-daba-yaal ee uu
ila dhacayo walaalkeed.
Eraygeygii ahaa "ani ma
aha"
iyo iska-caabbinteydii yareyd,
waxba waa ay ii tari waayeen,
dabadeedna orod ayaan isla
geddiyay, waayo dirirta oo aan
la sii wado Muudde ayaa waxaan
ka baqayay in ay xagga waalidka
iiga keento canaan iyo xanjafin.
Intii aan sii cararayay ayaan
haddana kufay oo sii herdiyay
dhagxaan meel taalay, haalkaas
oo ay iga soo gaareen dhaawacyo
hor leh. Waxaan Xaafaddii oo aan
si dhib leh ku gaaray ku wada
kulannay labadeydii saaxiib, waa
ay iska dhoolla-cadeynayeen oo
ku faraxsanaayeen taabashada
naaskii gabadha, sida iyaga oo
gacanta la gaaray 'Xajarul-aswadkii'
Kacbada. Anigu waa aan
neef-tuurayay, nabarro iyo
dhaawacyana waan qabay, kamana
aanan qayb-qaadan taabashada (tuujinta)
naasihii Gabadha! Taasu waxay
ahayd natiijadii khilaafida iyo
gees-maridda taladii iyo
dardaarankii waalidkey iyo
weliba ku faraq-xirashada kuwa
uu shuqulkoodu xun yahay.
Murtiyo
Soomaaliyeed ayaa ahaa:-
(a)- Talo-waalid haddii la yeeli lahaa, lax waraabe ma cuneen
(b)- Kor-waayeel haddii uusan wada caqli ahayn, waa wada indho
(c)- Dab uu Munaafiq shidayna, Mu'min ayaa ku gubta
(d)- Bannaankiisa mare, maradiisa bawd (geed) ma qabsado
W/Q:- Muxyaddiin M.
Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|