![]() ![]() ![]() ![]() ![]() |
||||||||||
|
|
||||||||||
Bismillaah, ACWW - Aadanuhu wuxuu leeyahay camallo badan - qaar ayaa wax meel uga dhegaan ama ku noqdaan cudur an dawo lahayn haddii aysan u suurtoobin waxaasi. Waxaa jirey nin aad u gaaban cudurna ay ku noqotay gaabnidii ilaa uu gaarey heer uu ka dhuunto dadka oo dhan. Wuxuu ifka u nebcaa qofka lagu naanayso hebel gaab. Wuxuu ka xishoon jirey inuu raaco ama la sheekaysto qof ka dheer isagoo u haystey in uu ka sarreeyo qofka ka dheeri. Wuxuu kaloo qabey inuu qofka dheeri yahay mid uu Alle uga roonaaday isaga oo khayr ku mannaystay. Wuxuu gaarey heer ah inuu wax kasta oo uu rabo inuu ku tilmaamo wanaag ama qurux uu cabbir uga dhigo dhererka. Wuxuu cuqdad ka qabey dumarkii oo dhan isagoo kuwii ka dheer-dheeraana ka xishoon jirey oo ka qabey cuqdad ah in aysan rabin, kuwa gaagaabanna aanba fiirin karin maadaama ay qabaan cudurkiisa, sidaas darteed wuxuu ka quustay guur sidaasuuna ku gaboobay. Maalintii dambe ayaa waxaa ninkii haleelay cudur halis ah oo uu niyaystey inuu yahay kii uu u dhiman lahaa. Ninkii waxaa naftiisii uga darnaatay inuu ku dhinto gaabnidii isagoo is yiri, oo tolow aakhiro oo lagu waarayana ma waxaad la tegaysaa gaabnidaan, waxaana ku dhalatay talo. Wuxuu u cid dirsaday in ay u yimaadaan dhammaan odayaashii iyo wax garadkii reerkooda. Maalintii dambe ayay raggii uu u yeertay ugu yimaadeen halkii uu ku jirranaa. Ninkii waa hadlay wuxuuna yiri: Tolow aniga ayaa idiin yeeray. Nin weyni wadkiisa waa yaqaan mana filayo in aan ka kacayo cudurka maanta i haya. Sidaas darteed waxaan idiinku yeeray in aan dardaarmo. Odayaashii waxay yiraahdeen: Hebelow naftaada iyo taayada mid hormaraysa Allaa og, hase yeeshee waannu kaa dhagaysanaynaa dardaaranka ee soo daa. Wuxuu yiri: Xoolahayga idinkala dardaarmi maayo ee sida ad doontaan ka yeela. Waxaan idiinku yeeray arrin sahlan oo an idinkana culays idinku ahayn anigana wax ii taraysa. Waxay yiraahdeen: oo maxay tahay arrintaasi sahlani? Wuxuu yiri: waxaan rabaa in aad iga baddashaan magacaygii oo aad ii bixisaan magac kale. Waxay yiraahdeen oo waa maxay maga cusubi, kii hore waannu niqiine? Wuxuu yiri: Magaca cusubi waa DHEERE (Hebel Dheere), isla markaas waxaad iigu walqashaan ratigayga goolka ah (gool waa neef aad u buuran). Inta ka hartay geelayga idinku qaybsada waxaase shardi ah in la yiraahdo waa geelii uu ka dhintay hebel Dheere! Haddaba, Cudurkii gaabnida ee ninkaas waxaan anigu ku mateley cudurka "madaxweyne" jacaylka ee kornayl Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Kornaylku wuxuu madaxweynennimo baadigoobkeed si ficil ah ugu hawlgalay muddo hadda laga joogo ku dhowaad 30 sano waxaana laga yaabaa inuu hankaas qabey qaqtigaas ka sii hor. Waxaa jirta oraah leh "doon-doonaa waa helaa" (walow ay tahay oraah daciif ah). Qisada soo socotaa waxay u ekaan kartaa safarkii uu kornayl Cabdullaahi ugu kabo illaday doonista madaxweyne-nnimada Soomaaliya: Waxaa jirey nin ay cudur ku noqotay oo sidaa kornaylka oo kale una tafa xaytey inuu tabcado geel. Mar kasta oo uu si kasta ha ku helee isu keeno xayn geel ah ayuu haddana mar qura ka baxaa farahiisa: Mar cudur ka helo, mar uu col ka qaado, mar uu ka baxsado ama uu bahal ka cuno iyo wixii la mid ah. Ninku isna kama haro oo waxay ku arrintu ku noqotay cudur. 8 goor ayay noqotay intii uu ku khasaaray, ayadoo mar kasta ay saaxiibbadiis iyo qoyskiisa, iyo kuwa faalka dhigaaba ay kala taliyeen inuu isaga haro ayagoo u sheegaya inuusan geela ku samcanayn (micnaha nasiib ku lahayn geela).
Markii 8aad (siddeedaad)
oo ay maalintaas gacantiisa ka baxday
hashii ugu dambaysey ayuu daal, naxdin iyo
qoomammo la fariistay geed weyn hoostiis.
Dhulka ayuu xarxarriiqay oo fakaray, ka
dibna wuxuu go'aan kama dambays ah ku
gaaray inuusan geel dambe tabcan isagioo
malaha rumaystay talooyinkii la siiyey.
Markii uu go'aanka gaarey ayuu iska
seexday geedka harkiisii. Hadhow ayuu
soo toosay isagii oo nastay. Isagii oo
wali halkiisii fadhiya ayaa waxay
ishiisu qabatay diirdiir ama dirindiir qofba
siduu u yaqaan (caterpillar afka
ingiriiska) oo sii fuulaysa geedkii uu
hoos fadhiyey taasoo doonaysey in ay
gaarto caleenta geedka si ay nolol uga
doonato. diirdiirtii waxay socotaba
markii ay ku sii dhowayd caleentii ayay
dhulka ku soo dhacday. Mar labaad ayay
ku noqotay hase yeeshee haddana sidii oo
kale ayay u soo dhacday intaysan gaarin
caleentii ay dhibtaas u martay. Ninkii
wuu fiirinayey wuuna ka xumaaday
dhibaatada haysata uunkaas Alle oo yarka
ah. Haddana ma daalin ee mar 3aad ayay
ku noqotay geedkii. Ninkii waxaa u soo baxday inuu bal hal mar ku noqdo mashruucii isagoo leh "ma waxaan ka liitaa diidiirta, iyaduba waxay guulaysatay markii 9aade?". Waxaa gashay hawo hor leh saas darteedna wuxuu mar sagaalaad u kabo gashaday tacab geel. Dhowr sano ka dib ayuu isu keenay xayn fiican hase yeeshee maalintii dambe ayaa waxaa u yimid niman burcad ah oo geelii dhacay isagiina ku diley goobtaas. Khaladka uu ninkaasi galay wuxuu ahaa, isagu wuxuu ka fiiriyey guusha ay gaartay diidiirtu mar hadday gaartey caleentii, hase yeeshee ma uusan fiirin in ay guushaasi ahayd qar iska xoorid ay nafteedii ku halaagantay. Anigoo soo koobaya waddooyinkii uu kornaylku u maray raadinta jago sare (walow ay badi Soomaalidu la socoto) waxaa ka mid ahaa: 1 - Markii Muqdishu lagu xiray isaga iyo saaxiibkiis Caydiid ka dib markii uu saaxiibkood Maxamed Siyaad ogaadey in ay qorshaynayaan in ay wadaan mu'aammaraad ay isaga uga takhallusayaan xukunkana ula wareegaan. 2 - Markii uu ka dhicisoobay afgambigii 1978kii uu rabey inuu ka takhalluso Maxamed Siyaad Barre. 3 - Markii uu isla 1978 u galay xabashida ka dibna laga quustay in ay cid kale ku xasisho madaxtinnimadii ururkii SSDF isagoo si maro ku dheg ah ugu qabsanayey nin kasta oo lagu magacaabo guddoomiye, laga soo bilaabo Mustafe Xaaji Nuur ilaa uu keligiis mas'uul ka noqdo burburkii ururkaas iyo layntii badi raggii ka mid ahaa madaxda ururka oo uu ka mid ahaa Prof. C/raxmaan Caydiid. 4 - Markii uu yimid Puntland isagoo ka soo baxay xabsi xabashida markaana la soo kulmay iyadoo magacii SSDF la soo nooleeyey guddoomiyana uu ka yahay Janan Maxamed Abshir Muuse hase yeeshee uu ku qabsaday oo yiri gaw malaha in la'iiga qaado mooyee taasoo ku dhammaatay inuu ururkii labo u kala dillaaco si uu madaxweyne uga noqdo qayb ka mid ah. 5 - Muqdishu ayuu isku sii daayey 1993kii isagoo uu hunguri ka galay inuu saaxiibkiis Janan Caydiid la qaybsado wixii loo bixiyey dawladdii "salballaar" hase yeeshee uu ka soo carooday markii uu ka soo waayey madaxwaynennimo ama ugu yaraan ra'iisalwasaare. 6 - Wuxuu ka qaybgalay shirkii qaahira 1994tii oo asagana laysku dayey in dawlad loogu dhiso Soomaalia, hase yeeshee markii uu kornaylku ogaadey in jagadii madaxweynennimada loo wado Xuseen Caydiid ra'iisal wasaarana Cali Mahdi ayuu iyadana ka soo carooday horena u soo taxaabtay markuumkii Aden Gabyow. 7 - Waxaa la aasaasay dawlad goboleedkii Puntland wuxuuna odayaashii ka iibiyey labo qodob si uu u noqdo madaxweynihii: b) inuu soo fashiliyey shirkii Qaahira maadaama lagu dulmiyey Daarood; t) inuu yahay sarkaal millatari ah oo awood u leh inuu Puntland ka celiyo Soomaalida kale ee ku soo duuli karta gaar ahaan USCdii maadaama wali lagu jirey dagaalkii ahliga. 7 - Wuxuu tegey Shirkii Jabuuti (Carte) hase yeeshee kumaba raagin waayo waxaa dhaqso ugu soo baxday inuusan ka helayn jagada madaxweyne iyo ra'iisul wasaare midna hore ayuuna ka qaaddacay 8 - Waxaa dhammaaday muddadii 3da sano oo ahayd inuu uga dego xukunka Puntland hase yeeshee wuxuu ku adkaystay inuu xoog ku haysto ka dib markii uu xoog u adeegsadey una afgambiyey xukuumaddii loo dhisay sida sharciga ah isagoo adeegsadey hub, lacag iyo calooshood u shaqaystayaal uu ka soo kireystey Ethiopia (Cidii u baahan in faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan kaalmadii uu kornaylku ka soo helay Xabashida fadlan ha nala soo xariirto si aannu u siinno macluumaadkaas.) 9 - Ugu dambayntii, waxaa la soo gaaray shir ku sheegga ka socdey Kenya 2da sano, kaasoo noqday mid uu kornaylku qabo inuu ku khatimay geeddigii dheeraa ee raadinta madaxweynaha. Horta sida aad aragtaan, kornaylku wuxuu kala mid yahay diidiirtii iyo ninkii geel-jecel ahaaba, in ay muddada guushu tahay 9 goor, hase yeeshee wali ma ogin in ay khaatumadu la mid noqon doonto sidii ay labada hore ku akhirteen iyo in kale - Soomaalidu waxay tiraahdaa, dacawadu halkii ay bari uga barato ayay ku bakhtidaa; waxay kaloo tiraahdaa: si xun wax u doone silic ayuu u dhintaa.
Waxaan ku soo
gunaanadayaa 3dan eray: 1 - Reerka ay xabashidu inoo rartay yaa inoo dejin doona? 2 - Hal (neef) tuugo ah qalannaye xaggeen ku bislayn doonnaa?
3 - Aabbow wiilka iga
celi, anigaa ninka weyn iska celine (kornayl
Cabdullaahi oo soo dumiyey Puntland oo
ah qayb yar oo ka mid ah Soomaaliya, miyaynu
ka sugaynaa dhismaha Soomaalia? Wallee
taasi waa an rooroo jabinno!
Afeer: Fekerka iyo aragti
cabirka qoraalka sare waxaa iska
leh qoraha uu magaciisa kor ku
qoran yahay.
|
||||||||||
|
|
Allgedo Online © 2006 - All Rights Reserved.
Contact us at:
allgedo@allgedo.com