Laascaanood, Somalia
-
Wararka laga helayo dhinnaca
Magaalada Laascaanood ee Gobolka
Sool ayaa sheegaya in saaka
aroortii ay gudaha Magaaladu
isaga baxeen ciidamada Maamulka
la magac baxay Somaliland ee
maalmihii ugu dambeeyey gacanta
ku hayey magaaladaasi.
Mid ka mid ah Dadweynaha
magaaladas oo ka gaabsadey
magaciisa ayaa sheegay in
ciidamada maamulka Somaliland ee
xooga ku haystey magaalada
Laascaanood ay saaka waaberigii
isaga baxeen gudaha magaalada
iyagoo u ambabaxay duleedka
magaalada, iyadoon la ogeyn
sababaha rasmiga ah ee ciidamada
Somaliland iyo maleeshiyaadka
taageersan ay uga ambabaxeen
magaalada.
Dadweynaha magaalada Laascaanood
ayaa markii ay soo tooseen waxay
ku waaberisteen maleeshiyaadkii
taageersanaa maamulka Somaliland
oo gabi ahaanba isaga baxay
deegaanadii ay kaga sugnaayeen
magaalada Laascaanood, waxaana
arimahaasi lagu macneeyey inay
tahay cabsi iyo walwal soo
foodsaarey ciidamada maamulka
Somaliland, kaddib markii ay
xoogeysteen dhaqdhaqaaqa ciidan
ee uu gobolka ka wado maamul
Goboleedka Puntland oo
diyaarinaya weerar ka dhan ah
maleeshiyaadka maamulka la magac
baxay Somaliland si looga saaro
magaalada Laascaanood.
Jidadka soo gala magaalada
Laascaanood ayey dadweynaha
magaalada waxay ku soo celiyeen
dhagaxaantii iyo jidgooyooyinkii
ay horey uga qaadeen ciidamada
maamulka Somaliland, waxaana
maanta gabi ahaanba kacsan
jawiga magaalada Laascaanood maa
jirto ilaa iyo hadda wax war ah
oo ka soo axay labada maamul ee
isku haya magaaladaasi.