SOMALI SERVICE
BBC 11:00 
BBC 14:00
BBC 18:00

Islamic centers
in California

Islamic centers
in Arizona

Worldwide Prayer Times

Somali Links
A
Afrikadabari
Abudwaq
Aftahan
Alldalka.com
Allpuntland
Allwadani.com
Allwaamo.com
Aminarts
B
Bakaaraha.com
BBC L. Af som/ga
Biyokulule.com
Buurhakaba.com
Buuloburde.com
C
adayga Cayaaraha.com Cadaado.net
Ceelbuurnet
Ceelbuur Online 
Ceelwaaq.com
D
Dayniile
Dhahar
Deeyoo

DjiboutNet
Diinsoor
G
Geeska Afrika
Goldogobsite.com
Goobjoog
H
Hadrawi
Halgan
Hiiraan Online
Himilo 
Hiiraan.com
I
Idaacadda Qur'anka
Israac
Islam East Africa
Idamaale
J
Jowhar.com
Jannaale
Jiimonet
M
Marka Caddeey
Mudug Online
Midgaan.com
Midnimo.com
S

Allgedo  News, November 9, 2007

Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee uu sababay dagaalkii ka dhacay Muqdisho oo sii kordhay

Muqdisho, Somalia - Ilaa iyo hadda inta la ogyahay 18 qof oo 7 ka mid ah ay yihiin ciidamada Itoobiyaanka ayaa ku geeriyooday, halka 38 qofna ay ku dhaawacmeen dagaal Qaraar oo shaley galab ka dhacay agagaarka wadada 30-ka iyo Black sea ee degmada Hodan iyadoo habeenkii xaley oo dhana ay is hor fadhiyaan Ciidamada Itoobiya iyo kooxaha ka soo horjeeda. 

Dagaalkan xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Itoobiyaanka iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa galabtay mar kale ka qaraxay xaafado badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho, iyadoo Ciidamada Itoobiyaanka ay isticmaalayeen hubka lidka diyaaradaha.

Dagaalkaan oo bilowday galabta abaaro 4tii galabnimo ee shaley ayaa waxa uu yimid ka dib markii ciidamo Ethiopian ah oo baadi goob ugu jira meydka askari ka mid ah ciidamada oo shaley ku geeriyooday suuqa xoolaha lagu jiiday wadada 30-ka ee agagaarka Blak sea, iyadoo xoogagga ka soo horjeeda ay weeraro ku qaadeen ciidamada Ethiopia markii ay soo galeen xaafadaha Black Sea iyo Baar Ubax.

Ciidamada Ethiopia ayaa waxa ay adeegsanayeen Taangiyo iyo Uralo ay saaran yihiin qoryaha lidka diyaaradaha, halka kooxaha ka soo horjeeda ay iyana isticmaalayeen Baasuukayaal, BKM iyo Bambaanooyin. Waa dagaalkii ugu qaraaraa oo Muqdisho ka dhaca labadii todobaad ee la soo dhaafay, iyadoo ilaa iyo xaleyna ciidamada Ethiopia iyo xooagagga ka soo horjeeda ay is horfadhiyaan oo ay isku ridayaan rasaas culus oo goos goos ah.


Xafiiska Wararka Allgedo ee Muqdisho-Soomaaliya.




Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com


 

 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com