|
|
Allgedo
News, October 31, 2007
|
|
Wasaarada Arimaha Gudaha DFKMG
oo sheegtay in dib loo dhigay
howlahii Maamul u sameyta
Gobolka Gedo |
|
Baydhabo, Somalia - War cad oo uu maanta soo saarey Wasiiru
Dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha Dowladda Federaalka KMG ah ee
Soomaaliya, mudane Maxamuud Sayid Aden ayaa shaaca looga qaadey
in mudo 15 maalin ah dib loo dhigay howlahii dhismaha maamul u
sameynta goboka Gedo oo baryahii lasoo dhaafey ka soconayey
deegaano ka tirsan gobolka Gedo waxuuna sheegay in dhismaha
xilliga la qaban doono ay Gobolka imaan dooaan madax ka tirsan
labada Gole ee DFKMG ah ee Soomaaliya. |
 |
|
Wasiiru
dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFKMG ah, Maxamuud Sayid Aden |
Maxamuud
Sayid Aden oo hadda jooga Magaalada
Baydhabo, isla markaana la hadlayey
xubno ka tirsan Baarlamaaka KMG ah ee
Soomaaliya ayaa sheegay in uu la tashiyo
badan la sameeyey madaxda maamulada
Gobbolka, degmooyinka iyo
hogaamiyayaasha dhaqanka ee gobolka Gedo,
waxuuna carabka uu ku dhuftey in howsha
maamul u sameynta gobolka ay u baahan
tahay ka fiirsasho badan, isagoo xusay
in waxii deg deg lagu galo ay macquul
tahay in ay si sahlan ku dumaan ama
aanay natiijo miro dhasha kasoo bixin,
sidaas awgeedna, maamul u sameynta
gobolka Gedo ay dhib badan tahay
islamarkaana ay u baahan tahay ka
fiirsasho badan.
Maxamuud Sayid waxaa uu sheegay inuu
jiro khilaaf ba'an oo u dhaxeeya beelaha
qaar oo la xariira maamul u sameynta
gobolka Gedo, balse Dowladda FKMG ah ay
si weyn uga fiirsanayaan maamul u
samyenta, uuna rajeynayo in maamul dadka
ay ku qanacsan yihiin in laga hirgaliyo
gobolka Gedo.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa la dhowraa
waa maamul ay sameeyaan xubnaha Dowladda
FKMG ah ee ka soo jeeda Gobolka Gedo,
xilligaan oo beelaha qaar ay
tilmaamayaan in hanaanka loo wado
maamulada degmooyinka ay yihiin kuwo uu
ka jiro muran iyo is qabqabsi.
Hadalkan Maxamuud Sayid ayaa ku soo
beegmaya xili degmooyinka Dolow iyo
Balad-xaawo laga unkay maamulo, waxaana
weli khilaaf uu ka jiraa Degmooyinka
kale ee gobolka Gedo oo dhan.
Shucayb
Shire, Allgedo-Baydhabo
|
|
|
|