Allgedo
News, November 11, 2007
|
|
Isbahaysiga
Dib U Xoreynta oo Soomaalida
Magaalada Leicester u qabtay
kulan
balaaran
10/11/2007 |
Leicester,
UK - Waxaa si diiran loogu soo
dhaweeyay magaalada Leicester wafdi
balaaran oo ka socda Isbahaysiga
Dibuxoreynta soomaaliyeed wafdigaas oo
kamid ahaayeen xubnaha kala ah
ku-xigeenka gudoomiyaha fulinta
isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliyeed
Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, Maxamed
Cabdi Yuusuf, Cumar Saleebaan, C/naasir,
Aamino Warsame kuwaa oo dhamaantood ka
tirsan golaha dhexe ee Isbahaysiga dib u
xoreynta iyo Maxamed Xaashi oo asaga ah
xubin golaha dhexe balse degan magaalada
Leicester.
Waxaa kale oo qadka taleefoonka uga qayb
qaatay Gudoomiyaha Isbahaysiga Dib u
xoreynta Soomaaliyeed Shiikh Shariif
Shiikh Axmed oo ku sugan magaalada
Asmara ee dalka Ereteriya.
Soo
dhaweynta wafiga iyo marti sharafta kale
ee la socotay ayaa waxaa ka qayb qaatay
qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada
Leicester oo eey ka dhex muuqdeen Mr.
Said Ali Shire iyo Cabdulaahi Shiikh
Muuse.
Markii
la yimid hoolka shirku ka dhacayay ayaa
waxaa hadalka soo dhoweynta furay Mr.
Axmed Jaamac oo asagu ku hadlayay
magaca dadka Magaalada Leicester oo
asagu ka mid ah odayaasha magaalada
Leicester waxa uuna ku soo dhaweeyay.
Shiikh Cali Mowliid oo asagu ka
yimid magaalada Shiefield ee dalkaan
ingiirska oo asagu Halkaa ka soo
jeediyay muxaadaro diini ah oo dadkii si
aad ah u baraarujisay, taas oo uga
hadlayay yaad ku xiranaysaa asagoo
tusaale ahaan u soo qaaday Nabi
Nuux(cs), markii asaga iyo wiilkiisa ay
kala tageen asagoo sheegay qofkii
ilaahay beeniya in bari laga
noqdo.Ibraahim (cs) uu bari ka noqday
Aabihiis, xitaa waqtigii nabiga (scw) ee
asxaabtii ka bari noqdeen eheladooda.
Muxaadaradii shiiqa ka dib waxaa
daadihintii shirka halkaa ka bilaabay
Said Ali Shire oo ku soo dhaweeyay
micrifoonka. Mudane Maxamed Cabdi
Yuusuf oo asagana ka hadlay sababta
dalkeena lagu magaamay runtii Maxamed
asagoo ka hadlay taariikh aad u dheer
sheegayna laga soo bilaabo ilaa sandkii
1884tii uu dhibka soomaalida si aada u
badnaa.
Asagoo
sheegay 1884 shirkii baarliin ee Africa
lagu qaybsanayay ninkii ingiriiska ahaa
oo kahadlay soomaaliya inuu sheegay in
soomaalidu eey yihiin dad neceb cadaanka
faafahayana oo gaaraya dhulbalaaran
marka inay tahay in lakala jarjaro.
Sidoo
kale waxa uu aad uaga sheegayay
taariikhdii SYL iyo dhibaatooyinkii uu
kala horyimid gumaystaha asagoo xusay
qaladaadka la galay waagaa inay ka mid
ahayd ayadoo leegadu samaysatay labo bug
oo kala ahaa buug cad iyo mid madow kaas
oo markii danbe dadkii ku qornaa buuga
madow la iska cafiyay kaas oo uu keenay
heshiiskii aan lala galay talyaaniga
kaas oo asaga uu codsaday in la cafiyo
dadkii la safnaa.
Asagoo
si aad ah ugu dheeraday taariikhdii uu
soo maray dowladihii kala duwanaa oo soo
maray dalka soomaaliya isagoo xusay in
dagaalkii 1977tii lala galay dowlada
itoobiya eey nala dagaaleen dhamaan
dowladihii west iyo east ayna ka
sinaayeen dagaalka nalala galay kan hada
socdaana uu kaas la xiriiro micnha ka
danbeeyana uu yahay ka soo horjeedka
soomaali midoowda oo meel is taagta.
Isagoo
xusay in soomaalida qaabkeeda dagaalka
uu aad u qaldan yahay marar badan loona
baahan yahay inay midoobaan qabyaalada
is kaaya dayaan cadowgoodana meel uga
soo wada jeedsaan.
Aamino Warsame. Ayadoo ka hadashay
taariikhda soomaaliya, ayadoo xustay
taariikhda raga iyo dumarka waxay kaloo
ka hadashay dhibaatada qabyaalada ku
hayso soomaalida.
Cumar Saleebaan.oo ka hadlay sababta
loo aas aasay shirkii Asmara isagoo
sheegay inay itoobiya 17 sano eey ka
shaqaynaysay siday soomaaliya u qabsan
lahayd.
Isagoo
sheegay inay halkaa isugu yimaadeen dad
gaaraya ilaa 400 qof kuwaas oo isku
wada raacay dhaamantood sidii gumaysiga
wadanka looga saari lahaa.
Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi. Ayaa
asna halkaa waxa uu ka soo jeediyay
qodbad aad u xiisa badan asagoo sheegay
asagoo ka sheegayay istiraatiijiyada
ururka iyo meesha uu higsanayo iyo waxa
looga fadhiyo inuu qabto ururka .
Mudane
Sakariye waxa kale uu sheegay in ururka
hada samaystay laba buug oo ah kuwii
leegada oo kale oo ah buug cad iyo buug
madow qofkii wadanka wax ka xoreeya
maanta wadanka in lagu qori doono buug
cad kii diidana buuga madow, waxa kale
uu sheegay qabiilku inuu yahay laba afle
adna lagugu dilayo iyo adna aad wax ku
dilayso marka eey mudan tahay in layska
daayo qabiilka.
Waxa
kale oo halkaa ka haldlay halkaa asagana
maxamed xaashi oo asaga ah xubin
ka tirsan golaha dhexe balse degan
magaalada Leicester. Maxamed
Xaashi waxa uu ka hadlay xasuuqa ka
dhacaayay magaalada muqdisho maalmahaan
u danbeeyay asagoo dadka ka codsaday
dadkaa masaakiinta ah in ilaahay loo
baryo, mida kale asagoo sheegay in
magaalada Leicester looga baahan yahay
laba arimood oo looga baahan yahay:
A-
In magaalada loo sameeyo barnaamij
siyaaseed oo looga dhaadhicinayo MP yada
magaalada xasuuqa iyo barakicinta ka
socota wadankeena sidii looga dhaadhicin
lahaa dadka walaaleheen oo muslimiinta
ah oo nala degan magaalada.
B-
In la helo dhaqaale loo ururiyo dadka
walaalaheen oo dhibaataysan ayadoo laga
duulayo oo ay tahay in la qaato foomamka
membershipka ururka lana buuxiyo
laiskuna qoro dhaqaale.
Waxaa
intaa kaddib asna ka hadlay halkaa
Gudoomiyaha Gudiga Fulinta Shiikh
Shariif Shiikh Axmed oo Asaga qadka
taleefoonka uga qayb galay dadkana ku
baraarujiyay in si aad ah loogu baahan
yahay in Soomaalidu midoowda eeyna
gumaysiga la dagaalanto iskana xoreyso
qof walba oo soomaali ahna eey waajib ku
tahay inuu dagaalkaas ka qayb qaato.
Intaa
kaddib shirkii waa lasoo gabagabeeyay
waxaana soo xiray oo ka hadlay oo dadkii
ka soo qayb galay mahadnaq u jeediay
Faarax Diiriye oo asagu ka mid ah
odayaasha magaalada Leicester.
|