|
|
Allgedo
News, November 11, 2007
|
|
Wadooyinkii magaalada Muqdisho
oo xiran iyo Afhayeenkii Garabka
beelaha Hawiye oo xabsiga loo
Taxaabey |
Muqdisho, Somalia
- Inta badan wadooyinka soo gala
magaalada Muqdisho ayaa maanta
xiran, iyadoo xirnaashaha
wadooyinkaasi ay sababeen in
dadkii ka barakacaya magaalada
Muqdisho ay waayaan wado ay ku
baxaan oo ay uga cararaan
dhibaatooyinka ka soconaya
magaalada Muqdisho.
Wadooyinka xiran ayaa waxaa ka
mid ah wadada wadnaha,
Warshadaha iyo 30 ka, halkaasi
oo ay ku sugan yihiin ciidamada
dowladda iyo kuwa Ethiopia oo
baaritaano ay ka wadaan.
Howlihii ganacsi ee suuqa
Bakaaraha ayaa saaka aroortii
xiray, iyadoo ciidamada dowladda
ay gudaha u soo galeen, waxaana
meelaha qaar ay ka wadaan howl-gallo
baaritaano ah. Ciidamada
Ethiopia ayaa lagu soo waramayaa
in iyana ay soo gaareen qeybo ka
mid ah wadad warshadaha iyo
wadada 30 ka ee Muqdisho.
Dhinaca kale: Axmed
Diiriye Max’ed oo ahaa
Afhayeenkii Garab ka mid ah
golaha dhaqanka iyo midnimada
beelaha Hawiye isla markaana ku
eedeyay DKMG ah iyo ciidamada
Itoobiyaanka inay Magaalada
hawlgalada ay ka wadaan
magaalada Muqdisho ayaa maanta
xabsiga loo taxaabay.
Axmed Diiriye ayaa waxaa maanta
gurigiisa oo ku yaal gudaha
Suuqa Bakaaraha tagey ciidamo ka
socdey DFKMG ah oo ku hubaysnaa
gaadiidka dagaalka waxaana xoog
ay ku galeen gurigiisa, iyagoo
kaxaystey Axmed Diiriye, laba
wiil oo uu dhaley iyo waliba
xubin ka mid ahaa golaha
dhaqanka Beelaah Hawiye ee Axmed
Diiriye afhayeenka u yahay oo
lagu magacaabo Sheikh Axmed Cali
Gees.
Ma jiro wax war ah oo ka soo
baxay maamulka Gobolka Banaadir
oo ku aadan xariga Axmed Diiriye
Max’ed inkastoo Max’ed Dheere oo
ah Gudoomiyaha Gobolka Banaadir
uu ugu eedeeyey Max’ed Xasan
Xaad iyo Axmed Diiriye inay ka
dambeeyaan qaraxyada iyo
rabshadaha ka socda magaalada
Muqdisho, isagoo tiro ka dhawr
ugu hanjabay inay ka jawaabi
doonaan ficilada ay ka wadaan
Muqdisho oo waa sida Max’ed
Dheerer hadalka u dhigay’e ay ku
gacan siinayaan kooxaha nabad
diidka ah ee Muqdisho
dhibaaatada ka wada.
Xafiiska Wararka Allgedo ee
Muqdisho-Soomaaliya.
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|
 |
|
|
|
|
|