Baarlamaanka KMG ah ee
Soomaaliya oo meel mariyey in
Ra'isal Wasaaraha laga keeni
karo banaanka
Baydhabo, Somalia
-
Xildhibaannada baarlamaanka
Federaalka Soomaaliya ayaa
shaley u codeeyey qorshihii uu
watay Madaxweynaha DKMG ah ee
Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed
iyadoo qorshahaasina ay soo
jeediyeen ergooyinkii ka
qeybgalay shirkii dib u
heshiisiinta ee kal hore lagu
qabtay magaalada Muqdisho,
iyadoo gabagabadii kulankan
xildhibaanada uu ka codsaday
Sheekh Aadan Madoobe inay cod
gacan taag ah ku meel mariyaan
ansixiinta qodobadii ka soo
baxay shirka dib u heshiisiinta
beelaha oo ay ka mid ahaayeena
qodobadaasi in la furo
baarlamaanka lagana soo doorto
wasiirada dowladda meel ka
banaan 275-ta xubnood.
Maxamed Qanyare oo ka mid ah
siyaasiinta ugu af adag
xildhibaanada DKMG ah ayaa
baarlamaanka ka hor sheegay in
ay ka tanaasuleen mowqifkooda
ahaa inay ka hortagi doonaan ka
hadalka qodobka ah in
Baarlamaanka uu aqbalo in
Xubnaha Wasiirada laga soo xulo
Soomaalida kale ee aan
baarlamanaka ka mid ahayn.
Madaxweynaha Soomaaliya C/llahi
Yuusuf Axmed ayaa hadda looga
fadhiyaa inuu soo magacabo
Ra’iisal Wasaare cusub oo bedela
Ra’iisal Wasaarihii hore ee
shaqada ka tagay, isagoo aan ka
soo xulaynin Baarlamaanka balse
uu ka soo xuli doono dibadda iyo
gudaha Baarlamaanka.