Allgedo, News, July
23, 2007
|
|
Ugaaska Tigree oo Xamar Yimid! |
Waxaa dhawaan Muqdisho soo
gaaray Ugaaska Tigreega oo
magaciisa aan weli la shaacin,
waxaa uu talooyin iyo wada hadal
kula yeeshay Maquuste iyo oday
dhaqameedyada soo gaaray
xamar,waxaa laga soo xigtay in
uu Maquuste si aan gabasha
laheey ugu wargeliyay in
soomaali eey ka dagi la dahay
fikirka guracan ee uu aaminsan
yahay, waxaa uu aad ugu
dhaliilay in jufada uu ka soo
jeedo Maquuste in eeyan weli
garan sabbabaha Tigree ugu soo
gurmadeen balse eey jeclaadeen
in eey xukunka si qalad ah u
isticmaalaan,waxaa uu dhaliishaa
dusha ugu tuuray dhowr shaqsi oo
aan la jaan qaadi karin
siyaasada Tigreega loona baahan
yahay in laga qaado darajada oo
u magacaabay Maquuste sida
Xuubsireed, Afgaduud, C/rashiid
Seed iyo kuwo aad u faro badan
oo xusul duub ugu jira wiiqida
siyaasada Tigreega ee ku wajahan
soomaaliya, mar uu la hadlaayay
Maquuste waxaa uu Ugaaska Tigree
balan qaaday in uu shirka ku
taageerayo lacag uu ka soo
ururiya kaniisadaha
Ethiopia,waxaa kale uu xusuay in
ciidamada Tigreega ee jooga
soomaaliya iyo kuwa dhar cadka
ah ee la shaqeeya dowlada
federaalka loo baahan yahay in
la helo meel eey ku
cibaadeeystaan muhiimna eey
tahay in xamar laga dhiso
kaniisad Tigreega eey leeyihiin
hadaladiisa waxaa ka mid ahaa
various religions in somalia
coexist peacefully and
discussion of the nature and
impact of radical Islam ( diin
walba oo ka jirta somalia waa in
eey ku noolaadaan si nabad ah ka
hadalka islaamnimada xag jirka
ah ), mar uu ka hadlayay
qeeybsiga qeeyraadka dalka waxaa
uu Ugaaska Tigree aad ugu
dheeraaday in somaliya eey dhiig
u hureen kagana dhinteen ilaa
10,000 oo Ethiopiaan ah waxuuna
sheegay in dhiigooda uusan
aheeyn mid meel cidla ah ku
daatay balse ujeedada eey tahay
in aayaha dalka soomaaliya eey
mudan tahay in eey xaq u
leeyhiin kana taliyaan
qeeyraadka soomaaliyana eeyan
cid gooni ah eeyan laheeyn,
waxaa Ugaaska Tigrega sheegay in
qeeyraadka soomaaliya sida loo
wadaagayo in uu kala hadlaayo
odayada soomaaliya fikirkana iyo
taladana uu beri hore uu u soo
gudbiyay Maquuste iyo Geedi
taasi oo sabbabtay in qodobada
shirka lagu daro qeeybsiga
qeeyraadka soomalia cida xaq u
leh iyo cida mudan in eey ka
taliso,waxaa hadaladiisa ka
midka ahaa: where local elders
get high respect and acceptance
the discusion haw we shar the
national resources and observing
power sharingas established in
the transitional charter.Alow
sahal umuuraha
Mar uu ka hadlaayay xaalada
qabiilada soomaaliya waxaa uu
aad u xusuay sida kuwa ka yimid
Puntland in eey aad isagu dhaw
yihiin dowlada Puntlandna eey
tahay mid eey ayaga soo dhiseen
xiligii Maquuste uu naga
dalbaday taabagelinta dowlad
goboleeda Puntland, waa sida uu
hadalka u dhigay intaa waxii ka
danbeeyay runtii eey aad isaga
soo dhawaadeen marka loo fiiriyo
kuwa qabiilada koonfur oo runtii
aad ugu fogaaday naceeybka
Ethiopia balse xiligaan loo xoog
sheegatay ogaaladayna in la soo
gaaray xiligii soomalia laga
dhaqan gelin lahaa dowlada magac
soomaali leh balse maskax Tigree
ku shaqeeysa,waxaa la filayaa in
gabagabada shirka uu Ugaaska
Tigreega ka qudbeeyo,xiligaana
waxaa uu ku dhex jiraa
ogoleeysiinta odayada reer
koonfurta siyaasada Tigreega ee
ku wajahan dalka soomaliya,Cali
Mahdi ayuu ahaa ninka eey isku
hor barteen xagaa iyo dalka
Ruwanda,waxaana uu aad u amaanay
sida odayada beesha Abgaal eey
ugu helan yihiin qaadashada
siyaasada Tigreeha.walow uu
sheegay in ragii xamar kula
dagaalamay Ethiopia eey ahaaeen
inta ugu badan shabaabka Abgaal
welina diidan in la dhaqan
celiyo, waxaa eey aad u aamineen
Sheekha dhib ma laha waxaa jooga
Iimaanka asga ayaa nooga filan
ayuu yiri Ugaaska
Tigreega.suaasha uu marwalba
iswey diinayay Ugaaska Tigree
ayaa aheyd maxaa kala bedelay
Odayada Abgaal iyo
dhalinyaradooda kuwana waa na
ogol yihiin kuwana aad iyo aad
ayeey nooga soo horjeedaan?
Somali heerkaas ayeey mareeysaa
waxaa la joogaa xiligii la fahmi
lahaa gumeeysiga Tigreega
siyaasada eey dalka ku joogaan
cidna ma jecla balse soomalida
ayeey kala dilaan, Ilaahna waxaa
uu ku dhahay "Suurat Aáli
Cimraan 119 oo ah idinkuna waad
jeceshaihiin iyaguna idiinma
jecla xaqiiqdiina waa sidaa cid
eey ka jecel yihiin cida kale ma
jirto,waxaa cidwalba kaga filan
in dadlka maanta eey ka taliyaan
Tigree cid eey ka qarsoon tahay
ma jirto,sow ma haboona in aan
is urursano kana xoreeyno dalka
cadowga tigreega iyo kuwa daba
dhifka u ah."
Hada ka hor ayaan dhahay:
Nin tuug ahaa Tigree wadee talo
rabaase meel run taal.
Ayax Teg Yeey Amxaarana Reeb.
Ninka Toleeystay Tigree
Tanasul-kiisa bal Sheega.
Ha igu Tolin Tigree Amxaar
Tagoog Tolkeeya maahine.
Dr. A. A. Hirabe
Hirabe_a@hotmail.com
F.G: Nuxurka uu xambaarsan
qoraalka sare waxuu gaar u yahay
qoraha uu magaciisa kor ku qoran
yahay.
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|