|
|
Ugaas
Cumar Ugaas Xirsi oo ka hadley
howlaha dhismaha Maamul u
sameynta Gobolka Gedo
(Allgedo Online News) - Jimce,
November 2, 2007 @ 1:18 am |
Baardheere, Somalia
- Ugaas Cumar Ugaas Xirsi oo
haatan ku sugan Degmada
Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa
markii ugu horeysay ka hadley
mowqifkiisa ku wajahan marxalada
Gobolku uu marayo ee howsha
maamul u sameynta, gaar ahaan
khilaafka ka taagan dhismaha
maamulda degmooyinka qaar,
isagoo dhinaca kalena soo
dhoweeyey oo taageeray
qorshayaasha maamulo loogu
sameynayo Gobolka Gedo oo ay
wado Dowalada KMG ah ee
Soomaaliya.
Ugaaska oo shaley shir Jaraa'id
ku qabtey gurigiisa ayaa ku
tilmaamay dib u dhaca xilligani
ku yimid howshii maamul u
sameynta Degmooyinka Gobolka
Gedo oo dhowaan lagu wadey in la
soo gabagabeeyo in ay la
xariirto khilaaf ku saabsan
qaabka wax qeybsiga oo beelaha
qaar ay isku maandhaafeen,
waxuuna sheegay in khilaafka
noocaasi oo kale ah ay haboon
tahay in laga gudbo, waxuuna ugu
baaqey mas'uuliyiinta
iyo odoyaasha dhaqanka beelaha
in ay la yimaadaan tanaasulaad,
iyagoo qiimaynaya ayuu yiri
baahida ay shacabku u qabaan in
ay helaan nidaam shaqeeya oo
dadku ay ku qancaan.
Ugaas Cumar Ugaas Xirsi ayaa soo
hadal qaadey cabashooyin
maalmahii u dambeeyey ka
imaanayey beelaha qaar oo
saluugsan xubnahii kaga soo
aadey waxqeybsiga, ayaa waxa uu
sheegay in mar walba ay haboon
tahay in dadku si cadaalada ay
ku jirto ay wax u
qeybsadaan, islamarkaana laga
fogaado waxii bulshada dhexdeeda
ka abuuri kara khilaaf.
Hadalkan Ugaaska ayaa ku soo
beegmaya xilli maalmahii u
dambeeyey uu cirka isku
shareeray khilaafyada ka taagan
maamulo la filayey in laga
sameeyo degmooyin ka tirsan
Gobolka Gedo oo dib u dhac uu ku
yimid, iyadoo dadka qaarkiina ay
ku tilmaameen in khilaafkani uu
salka ku hayo beelaha qaar oo
isku mari la habka wax loo
qeybsanayo.
Axmed Cumar Saalixi,
Baardheere-Gedo-Soomaaliya.
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|
 |
|
|
|
|
|