Allgedo News, November
10, 2007
|
|
Wasiiru Dowlaha Arimaha Gudaha
DKMG ee Soomaaliya Maxamuud
Sayid Aden oo gaarey Degmada
Garbahaarey |
|
|
 |
|
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha
DKMG ee Somaliya, Maxamuud Sayid
Aden |
G/haarey, Somalia
- Wasiiru Dowlaha Arimaha Gudaha
DKMG ee Soomaaliya Maxamuud
Sayid Aden iyo mas'uuliyiin sare
oo ka tirsan Wasaarada Arimaha
Gudaha ee DFKMG ayaa
maqribnimadii shaley waxa ay
gaareen Degmada Garbahaarey ee
Xarunta Gobolka Gedo, iyadoo
halkaasina ay ku soo dhaweeyeen
Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka
degmada Garbahaarey.
Wasiiru Dowlaha Arimaha Gudaha
ayaa socdaalkiisa shaqo waxaa ku
weheliya Xoghayaha Joogtada ah
ee Wasaarada Arimaha Gudaha
Xuseen Xaashi Cali iyo Xubno
kale oo ka tirsan waaxyaha
Wasaarada Arimaha Gudaha.
Maxamauud Sayid Aden oo xaley u
waramayey Saxaafada ayaa
socdaalka shaqo ee isaga iyo
wafdigiisa ay ku yimaadeen
Degmada Garahaarey waxaa uu ku
tilmaamay inay la xariirto
dardargelinta howlaha maamul u
sameynta Degmooyinka Gobolka
Gedo iyo sidii bulshada Gobolka
Gedo looga saacidi lahaa inay
dhistaan Hay'adahii ku shaqada
lahaa arimaha nabadgelyada,
isagoo sheegay in sida ugu
dhaqsaha badana loo sameyn doono
maalamaha soo socda maamuladii
heer degmo iyo mid Gobol,
islamarkaana booqasho shaqo uu
ku mari doono degmooyinka
Gobolka.
Wasiiru Dowlaha iyo Wafdigisa
ayaa lagu wadaa in maanta ay
kulamo kala duwan la yeeshaan
Maamulka Degmada Garbahaarey iyo
Odoyaasha dhaqanka Beelaha,
iyadoo la sheegay in inta badan
kulamadaasina diirada lagu saari
doono sidii degmada G/haarey
maamul cusub loogu sameyn lahaa.
A C Saalixi, B/Dheere-Somalia.
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|