Allgedo, News, Axad,
July 1, 2007
|
Xafladii xiritaanka Dugsiyaada
Waxbarashada Deg. Baardheere oo
lagu qabtey Dugsiga
H/Dhexe ee Dr. Qaasim |
|
|
Baardheere,
Somalia - Xafladan oo si
heer sare ah loo soo agaasimay
ayna soo qaban qaabiyeen
Maamulka Dugsiyada Waxbarashada
HIRDA Baardheere iyo Gudiga
waalidiinta ayaa waxaa ka qeyb
galay in ka badan labo kun oo
qof oo ka kala socdey
Macalamiinta Dugsiyada,
Ardeyda,Waalidiinta Ardeyda iyo
waxgarad kale oo ka kala socdey
qeybaha kala duwan ee Bulshada
ku dhaqan Deg Baardheere ayaa
Galabta lagu qabtey Xarunta
Dugsiga H/dhexe ee Dr. Qaasim.
Xaflada ayaa ujeedadadeedu waxay
ahayd xiritaanka Sanad
dugsiyeedka 2006-2007,
furitaanaka xaflada xiritaanka
oo ku bilaabantay jawi aad u
farxad badan, ayaa qaar ka mid
ah ardeyda Dugsiyada waxay
halkaasi ku soo bandhigeen
Ruwaayad goos-goos ah oo ku
saabsan muhiimada waxbarashadu
ay u leedahay ubadka soo koraya,
dabadeed waxaa bilaabmay,
Baqti-nasiib loo dhigay dad
gaaraya ilaa 35 qof oo ka kala
socdey bulshada qeybaheeda ,iyadoo
gebagebadiina Ardeydii sanad
dugsiyeedkani ugu buundo
sareysayna iyo kuwii ugu adaabta
badnaana la gudoon siiyey
abaalmarino kale gedisan oo ay
ku muteysteen waxbarashadooda.
Xafladan ayaa waxaa sidoo kale
goob joog ka ahaa Cabdulaahi
Cali Mataan oo xubin ka ah
Gudiga Fulinta HIRDA-Netherland,
gebagebadii xaflada ayaa waxaan
halkaasi hadalo kooban ka
jeediyey C/fitaax Maxamed Cali
oo ka mid ah Mas'uuliyiinta
Ururka HIRDA-Soomaaliya oo ka
waramay marxalidihii kala
duwanaa ee uu soo maray
dugsiyada
Waxbarashada HIRDA oo haatan
Maraya heerkii ugu
sareeyey,waxuuna tibaaxay in
ardeyda sanadkan dugsiyada ay
maamusho Hirda loo xirey in
tiradoodu ay gaareyso in ka
badan labo kun oo ardey, isagoo
dhinaca kalena u mahad celiyey
Gudiga Fulinta HIRDA-Netherland
oo uu tilmaamay inay sabab u
ahaayeen hirgelinta waxbarasha
ka
hanaqaadey Degmada.
Dhamaandadkii ka qeyb galey
xaflada Xiritaanka dugsiyada
ayaa waxay aad ugu riyaaqeen
tartan suugaaneed ay soo
bandhigeen qaar ka mid ah
ardeyda waxka barata dugsiyada
HIRDA oo soo bandhigey
ruwaayadgoos-goos ah oo ka
turjumaysay doorka waxbarasho.
Axmed Cumar Saalixi,
Baardheere-Gedo.
|
 |
|
|