About

Allgedo Online (AOL) waa shabakad wareed (News website) ku shaqeysa dhex-dhexaad-nimo iyo soo gudbinta warar dheeli tiran.

Ma’ahan oo kaliya in ay AOL dadweynaha Soomaaliyeed iyo inta af Soomaaliga ku hadasho oo dhan usoo gudbiso warar ee waxaa kale oo ay soo gudbisaa macluumaad kale oo fara badan oo ay ka mid yihiin Faalooyin, aqbalidda iyo soo bandhigidda Ra’yiga dadweynaha (opinion), amuuraha la xariira Islaamka sida: Akhriska Qur’aanka, Tafsiirka Qur’aanka, Axaadiista, muxaadarooyinka, Cayaaraya nooc kasta oo ay yihiin (sports) iyo ku wacyi gelinta bulshada hadba waxii ay danta guud ku jirto.

AOL waxay ka mid tahay shebekadaha ugu qadiimsan uguna caansan dhamaan shebekadaha ay dadka Soomaalida ah maamulaan. Hadafka ugu weyn ee Allgedo waa in Soomaalida dhexdeeda laga dhex abuuro jawi suurtagalin kara dhageysiga iyo aqbalidda cod xor ah oo ka madax banaan cabsi-gelin, handadaad iyo caburin soo bandhigidda Ra’yiga uu qof qabi karo.

Sidaas oo ay tahayna, waxaa jira qoraalo aanay AOL daabici karin, kuwaasoo ah kuwo liddi ku noqon kara nabadda iyo midnimada umadda Soomaaliyeed, isla markaana wax u dhimi kara sharafta qof/qofaf, qaran, qabiil iyo diin (religion.)