|
April 29, 2004
Kismaayo iyo Maanta!
Waa warbixin dhinacyo badan oo ku saabsan Magaalada Kismaayo

Magaalada Kismaayo waxa ay ku taallaa xeebta koonfureed ee Soomaaliya,
waxana ay ka hooseysaa dhul baraha, waana magaala dadka ku nooli ay u
badan yihiin ganacsato iyo xoolo dhaqato, xaafadaha magaalada waxaa ka
mid ah Calanleey, Iskufilan, Farjanno, Guulwade, Faanoole, Siinaay, Via
Afmadoow iyo shaqaalaha. waxaa magaalada ku xeeran jasiirado badda ku
dhex yaallo oo ay dad kalluumeysato ahi deggan yihiin waxaana ka mid ah
Juuna, Madawe, Jawaay iyo RasKiyamboni.
Magaalada Kismaayo markii dalku uu dowlad dhexe
lahaa ee beri samaadkii waxa ay ahayd magaalo horumarsan oo leh dhaqaale
iyo magac, dadka ku noolina ay ahaayeen dad ka maarmi karay Soomaaliya
inteeda kale dhaqaalaha uga imaanayay. Waxaa ku taallay warshad weyn oo
hilibka lo'da lagu farsameeyo, waxay lahayd deked weyn oo caalami ah,
garoon weyn oo caalami ah iyo dhul beereed aad u wanaagsan oo laga soo
saari jiray delegyada kala duwan ee la quuto waxna la dhoofin jiray,
xoolaha nool ayaa aad ugu badnaa oo ku dhaqmi jiray dhulkan waamo.
Dhaqaalaha magaalada Kismaayo oo ahayd magaala madaxdii saddexaad ee
dalka Soomaaliya ayaa wax weyn ka tari jiray dadka iyo dalka guud
ahaantiisa
Markii uu dalku burburay waxay magaalada Kismaayo
iyo guud ahaan gobolkan Jubbada hoose ay noqdeen meelaha aad loogu
hardamo ee ay qabaa'illada iska soo hor jeeda ku dagaallamaan, waxaa la
baabi'iyay dhammaan ilihii dhaqaalaha, waxaa la bililiqaystay guud ahaan
qalabkii warshadda hilibka iyo dekedda caalamiga ah ee Kismaayo yaallay.
waxaana soo haray bulshooyin faqri ku noqday dagaallada sokeeye oo ka
qaxi kari waayay magaalada Kismaayo, intii qaxi kartayna waxa ay aadeen
dalka Kenya.
Xilligii uu general Maxamed Siciid Xirsi Morgan
hayay talada magaalada Kismaayo waxa joogay hay'ado tira badan oo
samafal oo ka gargaari jiray bulshada dhinacyada caafimaadka,
waxbarashada iyo fayadhowrkaba. Markii uu isbahaysiga Dooxada Jubba
qabsaday magaalada Kismaayo, waxaa meesha ka baxay gargaarkii hay'adaha
caalamiga ah in kastoo horumar weyn laga sameeyay dhinaca is dhexgalka
bulshada iyo ganacsiga, haddana weli magaaladu waxa ay tabaysaa horumar
in la gaarsiiyo.
Dhinaca
Nabadgelyada
Magaalada Kismaayo tan iyo intii uu isbahaysiga
dooxada Jubba hayay waxay soo martay marxalado kala duwan oo ku saabsan
dhinaca nabadgelyada, isbahaysigu markii uu magaalada ka qabsaday
maamulkii hore ee Gen. Morgan waxa uu isku dayay in uu ku maamulo nidaam
jabhadeed, tiiyoo ay malleeshiyooyinku dhex mushaaxayeen magaalada
gudaheeda, waxaa ka dhacay dilal fara badan iyo dhaawacyo ay geysteen
malleeshiyooyinka isbahaysiga,
Isbahaysigu wuxuu markiiba isku dayay sidii uu u
xakameyn lahaa malleeshiyooyinka hubka ku dhex wata magaalada Kismaayo,
waxana la sameeyay qorshooyin lagu xeraynayo hubka oo malleeshiyooyinka
nidaam loogu sameynayo, tallaabadaas waxa ay isbahaysiga u sahashay in
uu gacanta ku dhigo ammaanka magaalada Kismaayo oo hubkii lagu dhex
wadan jirayna uu noqdo mid lagaba dhex waayo magaalada gudaheeda,
arrinkaasna waxa ay dhiirri gelisay in dadweyne badan oo ka shakisanaa
ammaanka Kismaayo ay ganacsigooda ula soo hawoodaan Kismaayo.
Muddo dhowr bilood ah ka dib ayaa haddana waxaa
gacanta ka baxay ammaanka Kismaayo, ka dib markii malleeshiyooyinkii oo
ka cabanaya in aanay helin mushaarradii loo qoray ay dhigteen
isbaarooyin loogu magac daray (GOGOSHA ISBAHAYSIGA) gudaha magaalada
Kismaayo, waxaa dhacday in ay isbaarooyinku isu jiraan tallaabooyin isu
muuqda.
Mar kale ayuu misana isbahaysiga dooxada Jubba
qaaday olole lagu xakameynayo xasillooni darradaan dilka iyo dhaawacyada
wadata ee isbaarooyinku la yimaadeen iyadoo isu socodkiina uu adkaaday.
Si kastaba ha ahaatee waxaa la yareeyay isbaarooyinkii ka dib markii
badankooda la qaaday, waxana isbahaysigu uu sameeyay qorshe lagu dhisayo
ciidan suga ammaanka magaalada Kismaayo, iyo in dib loo habeeyo dhammaan
mushaar xumidii qabsatay malleeshiyooyinka loona qoondeeyo wax cayiman.
Dhaqaalaha
Dhaqaalaha magaalada Kismaayo waxa uu ku xiran
yahay intiisa badan dekedda Kismaayo, waxaana dekedda ka soo xerooda
dhaqaale xoog badan in kasta oo uu dhaqaalahaasi badankiisa aado dalka
Kenya oo lagu soo beddesho qaad haddana waxaa muuqata in dhaqaaluhu uu
yahay mid heer sare ah, waxaa dekedda ku soo xirta celcelis bishiiba 10
gaadiid ah oo keena bedeecooyin iyo qalab iyo gaadiid kala duwan isla
markaasna qaada dhuxusha iyo sisinta oo ah labada aaladood ee ugu badan
ee laga dhoofiyo Kismaayo in kastoo imminkana la billaabay in la qaado
biraha duugga ah oo la dhoofiyo, haddana - dhinaca ganacsiga waa uu
fiican yahay waxana badeecada ka timaadda dekedda Kismaayo iyo weliba
magaalada Muqdisho loo kala iib geeyaa gobollada Koonfureed iyo dalka
Kenya.
Caafimaadka
Magaalada Kismaayo ma lahan isbitaal shaqeynaya,
waxana isbitaalka weyn ee magaalada uu la il daran yahay daawo la'aan
iyo dhakhrat la'aan, mana jirto hay'ad kaalmeysa isbitaalka. Cudurraduna
waa ay ku badan yihiin magaalada Kismaayo, maadaama ay dadku biyaha ka
cabaan ceelal gacmeedyo guryaha laga dhex qoto haddana ma lahan daryeel
ceelshaasu, waxana ay ku ag yaallaan musqulaha.
Dadka soo bara kacay ee ku nool buulasha ayaa waxa
ay ku badan yihiin gudaha magaalada Kismaayo, waxana inta badan ay ag
degaal goobo qashinka lagu daadiyo, taasna waxa ay sababtay in ay
cudurro badani ka kala dillaacaan xeryahaas qaxootiga. Tan kalena,
nadaafadda magaalada aad ayey u hooseysaa, taasna waxa ay keeni kartaa
in cudurro kala duwani ay dhici karaan.
Wax barashada
Tan iyo intii uu isbahaysigu la wareegay gacan ku
haynta magaalada Kismaayo waxaa horumar weyn laga sameeyay dhinaca wax
barashada, iyadoo magaaladu ay hadda leedahay 14 iskuul oo si xawli ah u
shaqeeyo oo laba ka mid ahi ay illaa heer dugsi sare yihiin. waxaa jira
iskuullada qaarkood in ay haystaan manaahijta Carabta halka kuwa kalena
ay haystaan manaahijtii Soomaaliya kuwana ay haystaan manaahijta Kenya,
haddana marka laga reebo iskuullada private-yada ah waxaa 14 ka kale ee
iskuul ay leeyihiin guddoon wax barasho oo mideysan iyo doodo iyo
kedisyo u socda.
Warbaahinta
Waxaa
magaalada Kismaayo ka jira idaacad FM ah oo madax bannaan oo hadasha 15
saac maalin walba oo sii deysa barnaamijyo kala duwan, sidoo kalena
waxaa magaalada ka soo baxa 3 wargeys oo la kala yiraahdo Sanguuni press
oo maalinle ah kana hadla dhacdooyinka siyaasadda, dhaqanka iyo
dhaqaalaha, Xiddigta Waamo oo maalinle ah kana hadla Siyaasadda
dhaqaalaha iyo isboortiga iyo Ifafaalo Jacayl oo toddobaadle ah kana
hadla arrimaha qoyska iyo jacaylka.
Somalia
Admistrative Map
(Click here)
Ahmed Mohamed Aden (Ahmed
Timajilic)
Kismaayo - Somalia
ahmedtimajilic@hotmail.com
Allgedo Online
|