|
May 9, 2004
Talo usoo
jeedin dhamaan reer Gedo Ama sade
Waxaa mahad iska leh dhamaan deed ilaaha aan adoomada u nahay.
waxaa farxad ii ah in laga helikaro dhalinyaro reer gedo ah oo isu kaliftay
umada reer gedo sidii ay ugu samayn lahaayeen AllGedo.com si aan halkan
isugu dhaafsano wararka iyo wixii fariimo ama talo aan isu gudbinayno.
Waxaan aad uga naxay dagaalka ka dhacay Gedo Shalayto waxaana ka
murugaysanahay in ay umadaydu malin waliba ku heshiiyaan in dhiig daato oo
uu ka daato iyaga ama qofkale oo islaam ah oo aanan labanayn dhiigiisa.
waxaan is waydiiyay sidee beesha dhan ee reer gedo ugu heshiiyeen in ay is
laayaan colaad aan ka dhamaana ay is dhex dhigaan? Waxaan is waydiiyay
in ay ka danbeeyaan dadkale iska horkeenida walaalaha dadka ah oo hadana
daaqsinku ka dhexeeyo? Haday dhacdo in ay dadka danbeeyaan sidee ku
dhici kartaa in uu qabiil iyaga ka mid ah ka dhagaysto xaasidka ama danaystaha
ka horkeenaya ninkay daaqa wadaagayeen? Waxaan lahadlayaa dadka reer
gedo sida ay dadkii iga horeeyay tuhunsanyihiinba hadii min idinka mid ahi uu
ka qaato talo min aan la daaqsi ahayn taladaaso ah in uu ku duulo oo laayo
xoogna ugutaliyo umada isagoo aan walaayo ka haysan oo loogu sheekeeyey
Adaa ka mudane dhamee qolyahan.
Hadaba waxaad ogaataa markaad ku duusho oo aad layso ama diciifiso kuwa aad
ceelka isla qodanlahaydeen ayuu dadtiisii gaarayaa oo uu markaas isgu u talin
doonaa dhamaantiin. Marka walaalayaal ilaa hada waxaan ka naxsanahay waxa
islaynaya waa lafahii mariixaan oo deeganka wada lahaa. Ma ahan dadkala fog
oo iskusoo duulay anika ayaan bilna dhisaya guryahiinii bisha kalena madaafiic
ku duminaya taasina waa tan i galisay naxdinta iyo oo hinta.
Waxaan idinkula talinlahaaa in aad ogaataan dhowrkaan qodob ee soo socda:
1-In uusan jirin qabiil qabiilka kale gumaadikara oo tirtiri kara ama Lafta
kale.
2-In uusan qabiilna qabiilka kale u talinkarin ilaa inu ka haysto walaayo
(cod) maahane.
3-in uusan qabiilna qabiilka kale yasikarin.
Qoladii in taas isku daydana in ay samayso iyadoon qofna u aaboyeelin Waxaa
kaga dhamaanaya naf iyo maalbadan iyadoon waxba ku faa iidin hadana .
bal ka fikira horumanku in uu ku jiro in aad wada tashataan adinkoo dhamaan
Reergedo ah adinkoon qafna ka tagin
Wax walibana waa in mudo la lafa guraa oo aan lagu degdegin.
Wixii aan hilmaamay adinkaba iigudara waxaan ku gafayna ilaah ha iga
cafiyo.
Nabada gedo
Waxaan salaamayaa Dhamaan bahda Allgedo ilaah ayaa mahada leh idinka keenay
fikir ah in aan halkan isku dhaafsano wararka kana aqrisano oo ka ogaano
dadka walaalaheen ah oo naga fog waxay ay ku seexdaan iyo dhibaatada
haysata iyo xaalada guud ee somaliaba.
Waxaan u soo laabtahay nabada gedo
Waxaa layaab igu noqday in gado ama buulo/xaawo ka dhamaan wayso dagaal iyo
colaad aan la fahmi karin ujeedada uu leeyahay markaad waraysato dadka aan
ka midka ahay ee u dhashay gobolkaas. Waxaa iigu yaab badan qofwaliba oo
siyaasi ah soomaaliya guud ahaan ama Gedo waxuu kuu sheegayaa in uu jecelyahay
umada wanaageeda dagaalna uusan rabin hadana way dagaalamayaan
su aashaar mudan in lays waydiiyo shacabku maxay uga aamuseen oo ay mid mid
ugu taageerayaan kuwa aan ficilkooda iyo afkooduba islahayn. Hadaba waxay ilatahay
in qofwaliba oo jooga gedo oo doonaya wanaag in uusan doonayn wanaage uu doonayo
dantiisa qaaska ah taas oo uusan danka lahayn in ay u dhimato boqolaal qof.
FARIIN KUSOCOTA REER GEDO
waxaan ahay walaalkiin idinka mid ah waxaana ku noolahay Qurbaha anigoo ku
ooyilahaa ciida gedo hadii maanta la iisheego in aan ku noolaado gedo oo
nabad ah noloshayda inta ka hartay. Waxaan idiin sheegayaa qofka waxaa ugu
qaalsan waxa uu raadiyo waa:
NABAD
NOLOL
CILMI
HANTI
Waxaa ugu horaysa nabad adinkoon is colaadsan xugun aan jirina isku layn
kolay ama kun iska dila ama 1 iska dila waxaa madax noqonaaya 1 qof oo
kaliya waana midka ugu nasiibka daran oo qaaday masuuliyada intaa la eg
ileen hadaanba la ciiraynaa tan ciyaalka kaliya iyadoon walidkeen lagu
darin maxaa mooday reer gado dhan hadaan qaado. Waxaan idiin sidaa
fariintayda oo ah war yaan laysu nicin qabiil qabiil waxaa tihin ehele war
nabad ha lagu wada hadlo maxaa keenay dagaal. War yasitaanka ha layska daayo
sidaas ayaad horumar ku gaaraysaan. Anigana riyadaydii ahayd mar un
ciyaalkaagu gedo ma ku kori doonaan adiguna iyadoo nabad ah ma tagi doontaa.
Wa bilaahi towfiiq
Mohammed Olad Halane
mcodey@hotmail.com
|