Home » Suugaan

Ujeedo Xun: Waa saar cusub oo ka hadlaya xasuuqii shalay Muqdisho ka dhacay iyo kuwii ka horeeyayba (Akhri ama Dhageyso)

Oct 6, 2011
Asc dhammaan ummadda Soomaliyeed meel aad joogtanba.  Allaah baa mahad leh (SWT), Rasuulkiisaa sharaf leh (scw).  Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa saarka hoos ku xusan. Saarkan ayaa dantiisu tahay in badan oo ka mid ah ummada Soomaliyeed in lagu tuso dhibaatada ay ku hayaan dalka, dadka, diinta iyo naftoodaba. Saarkan ayaa magaciisu yahay, UJEEDDO XUN. Adinkoo mahadsan mar walba, Aqris iyo dhageysi... 

Maanso: “Dalandool” By Caalamiin Sheikh Cilmi

Oct 4, 2011
Mansadaan  waxaa la yiraahdaa Dalandool  waxayna ka had laysaa colaadaha iyo abaaraha ragaadiyay Gobolka Gedo iyo cuna qabataynta saaran gobalka oo gargarkii bani aadanimo ka sokoow loodiiday ganacsigii taas oo aan u arko barakicin ladooonayo in dadka laga barakicyo deeganooda, maansado waa aragtidayda hadii aad hayso akhristoow fikir ka balan iisoo jawaab.  Daaq maleh dalkii gedo Abaar diirataa... 

Gabay: Gilgishoo ka kaca-Maanta waa Galimo Ceebeed eh – By Duraan Shirwac

Sep 29, 2011
Waa gabay ka hadlaaya arimaha cakiran ee soomaaliya waxaana igu dhaliyey kadib markaan arkay Maaweelada cidladaa ee lagu hayo dadka iyo dalka soomaaliyeed gaar ahaan koofurta soomaaliya taasoo laga adeejiyey dilaaliin wata magaca Qaramada midoobey oo ay horboodayaan caadaqaatayaal soomaaliyeed, ama masuul ha sheegto ama iskii shaqsi danaystaa ha u ahaado eh waxaa cad inaan soomaaliya lala rabin wanaag... 

Maanso: Ha noqon Cadowgaaga – By A. Y. Jama Isim

Sep 19, 2011
Asc dhammaan ummadda soomaliyeed. Allaah baa mahad leh (SWT).  Rasuuulkiisa Maxamed baa Sharaf leh (SCW).  Waxaan halkan idiinku Soo gudbinayaa maansadan magaceedu Yahay.  HA NOQON CADOWGAAGA. Marka erayga cadow dhagahaaaga ku soo dhaco, waxaa markiiba maskaxdaada hor imaanaya laba noole oo aan wax naxariis iyo jacayl ah isu hayn.. Oo midba midka kale muruqiisa wuxuu kaga helo ku wax qeybsada.... 

Maanso: Waa Ciid dharaar ahe, Ciida-ciida-ciida – By Duraan Shirwac

Aug 30, 2011
Hoos ka akhri ama dhageyso maansada Link-iga hoose ka dhageyso maansada “Waa Ciid dharaar ahe, ciida-ciida-ciida:   http://youtu.be/CCksMbXIVqY Qaybta-1aad—Hambalyada ciida. Waa dharaar cudoonoo Cimrigiisu ruuxi Calafkii ku simay oo Qaba caafimaad wacan Cindigiyo qaluubtana Islaanimo cad haystoo Ku nool caalamkoo idil Ciid ay dharaartaan U tahoo caruur iyo Hadeey tahay ciroolaba Lulayaan... 

Hoobal Qaran (Geeraar) – By Xasan Bulxan

Aug 28, 2011
Asalaamu Caleykum dhamaan akhyaarta sharafta leh, Geeraarkan aan ugu magac daray Hoobal Qaran waxaan ugu talagalay laba fannaan oo waaweyn oo dhibaataysan, kadib markii aan arkay hobolladii Soomaaliyeed waxtarkooda ku aadan labadaas fannaan, midna wuxuu u baahan yahay caafimaad midna xabsi buu ku jiraa, wuxuuna u baahan yahay dhibka uu geystay ee sida kama’da ah u dhacay in laga bixiyo oo xoolaha... 

Shugri-naq: Waa gabay cusub oo uu tiriyay abwaan Caalamiin Cilmi.

Aug 18, 2011
Shugri-naq waa gabay cusub oo uu tiriyay abwaan Caalamiin markii ay Shabab ka bexeen Muqdisho ayna soo muuqatay in ay sii yaraanayso awoodoodii iyo saamayntii ay ku lahaayeen dhamaan siyaasadda ama saaxada gobalada Soomaliya ee gobolada Koonfureed wuxuuna ku bilaabay sidaan: Rabagii shabab naga baxshiyo, shaqayadii naaxay Ee sharafti noosoo ceshiyo, sheegistii calanka waad nooshafeedoo adaan kuu shugri... 

Halkaan ka dhageyso ama ka akhriso Gabayga “Dagaal-ooge” oo uu tiriyay abwaan Duraan Shirwac.

Aug 10, 2011
Gabaygaan dagaal-Ooge waxaan curiyey July 18, 2008.  Xiligaas aan gabaygan hal abuurayey waxay ahayd markii ay bilowdeen hirarkii ugu horeeyey ee loo kala dabqaadayey dawladii hore iyo mucaaradkii casmara oo uu wada hadalkoodu ka biloowday Jabuuti. Xiligaas ka hor waxaa dalku soo maray, dirir iyo colaado aad u fool xun. Ciidamadii Ethiopia iyo kuwii dawlada oo isku dhinac ah iyo qaar kaloo badan... 

Abwaan C/laahi Xirsi Baarleex oo tix saar ah ku xayaysiinaya Allgedo.com (Ku dhageyso xayeysiiska MP3)

Aug 9, 2011
  Abwaanka Soomaaliyeed ee C/laahi Xirsi (Baarleex) oo si weyn looga wadayaqaano guud ahaanba Dalka Soomaaliya iyo qaar ka mida ah dalalka Soomaaliya dariska la ah ayaa Tixdaan hoose ee Saarka ah ku cabiraya Waxqabadka Shabakada Allgedo.com. Abwaanka ayaa jecleystay inuu tixdaan Saarka ah ugu deeqo Allgedo, anagana waan ka guddoonay asaga oo ku mahadsan. Fadlan hoos kaga dhageyso MP3 tixda Saarka... 

Halkaan ka akhri gabay cusub oo la yiraahdo “Canaasiir” oo uu tiriyay abwaan Hassan Bulhan Ali.

Aug 7, 2011
GABAY:  CANAASIIR.  By Hassan Bulhan Ali. 1. Haddii cadaw ku buurlaabi jiray weyne cirib gooyo 2. Xamdi iyo cabsaa eebahay looga celiyaa 3. Canaasiirti shacabkii caddibay ciire oo lume e 4. Garabkoodaa caadilkay ka baxay cuurki waa jabaye 5. Waxdhanbay masaakiin cuneen laba canleeyeene 6. Waxdhanbay cagaha iyo jareen qoorta cunihiiye 7. Waxdhanbay caburiyeen dadkii diin cawaansada e 8. Waxdhanbay...