Home » Kacdoon Shacab
Halkaan ka akhri qormo ka hadleysa “Xiriirka Kacdoonka Soomaaliyeed ee UK” – By Cabdi Shire Jaamac.
Hordhac: ‘Kacdoonkii Shacbiga’ oo soo gaaray Britain.
Intii u dhaxaysay 10kii subaxnimo ilaa 8dii fiidnimo ee 17kii Juun 2011, magaalada London waxaa ka dhacay bannaanbax ay ka soo qaybgaleen kumaankun dad ah. Waxaa kaloo bannaanbaxyo ka dhaceen magaalooyin kale oo ay deggan yihiin Soomaalida UK.
Bannaanbaxyadaas oo iskood isu abaabulay waxay qayb ka yihiin Kacdoonka dadka Soomaaliyeed...
Mudane Farmaajo, waxaad tahay waddani daacad ah ee ha tamar dhigin oo ha tiiraanyoon shacab daacad Muslim ah baa garabkaaga tagane – By Zahra Abdi Hersi.
Inkastoo ra’iisul wasaarihii Soomaaliya waddani Farmaajo xoog loo sheegaty jagadiina xoog looga qaaday loolana dhaqmay maahmaahdii ahayd: Ninkii xoog leh baa xabagta goosta, haddana wuxuu noqon inshaa Allah nin taariikhda xusta oo aan shacabku maankoodu ka suulayn waxqaabadkii uu dalka iyo dadkuba u qabtay muddadii gaabnayd ee uu shaqada haayay, kana hortagtay shirqoolladii ay gumeystayaashu iyo...
Labada Shariif shar-wade ama shacbiga Soomaliyeed mid raac? By Cabas C. Cabdullahi.
Qof kasta oo Somali waxaa maanta hor taal doorasho an an suurto galineyn leexleexasho, lakiin iyo hadii midna. Waxaa hortaal in u kala doorto shariif-da sharta wada iyo shacbiga Somaliyeed ee doonaya in u qaranimadiisa badbadsado waxaa hortaal in u yiraahdo “maya, ma rabno qaran iibiinta, dilka, bad- ku-dhimashada, xabsiyo dibadeed ku qurmida dhallinyarada, barakicinta joogtada ah, kufsiga iyo ilhaanada.”
Waxaa...
Lacagti Dubai laga diray ma Dhabar Jebin kartaa Kacdoonka Shacabka ee Magaalada Muqdisho iyo Guud ahaan Israaca Umadda?
Soomaaliya way hadashay: Kacdoonka Dadweynaha waa xaq
By Cabdiraxmaan Cali Guleed
Kadib Go’aamadi ka soo baxay Magaalada Kampala ee Dalka Ugaandha dhaliyayna Kacdoon baahsan oo ka dhacay Magaalada Muqdisha Ugana sii gudbay Magaalooyinka Soomaaliya iyo Guud ahaanba meel kasta oo Soomali joogtaba ayaa wuxuu ku abuuray Raggi Dhagartaas soo maleegay Muqaalkana Soomaali uga ekaa, Hogaana Waqtiga...
Taageero Kacdoonka Shacabka Xamar ka Biloowdey
Waxaan doonayaa inaan codkeyga ku biireyo Kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed ee ka biloowdey 9th June2011, waayo waxaan sugayey waqti dheer inaan arko kacdoon shacabka Soomaaliiyeed ay sameynayaan. Maantey waxaa muuqata iney shacabka Soomaaliyeed garteen dantoodii lagu heystey afduubka in ka badan 20 sano. Kacdoonku wuxuu ka yimid xanuun badan iyo tiiraanyo heysatey ummadda Soomaaliyeed waxaayna ogeedeen...
Xamar way hadashay! By Xamse Mohamed (Budhcad)
Tan iyo markii dalkayga bohosha lagu riday dadkayguna dayac weheshaday waxaan ahaa ruux murugo hadhaysay. Ruux boholyoow iyo basanbaas saameeyay nolol maalmeedkiisa. In badan baa marka nooluhu sardho ledo aan keligay weheshaday walbahaar iyo murugo aanan u hayn wax dawo ah. Waxaa i asiibay hilow aan u qabo dhulkayga hooyo. Dhibta iyo aramida aan ka dhaxlay walbahaarka dal la’aantu i baday waxaan...
Gabay cusub oo la yiraahdo “Caadaqaate iyo Tuug” oo uu tirinaayo abwaan Abdullahi Isim (Akhri ama dhageyso)
Asc dhammaan akhristayaasha webkan. Allaah baa mahad leh (SWT), Rasuulkiisaa sharaf (NNHK).
Waxaan halkaan idiinku soo gudbinayaa gabayga hoos ku xusan. Gabaygan ayaa dantiisu tahay, jawaab celin gabar soomaliyeed oo i weydiisay su’aal ahayd maxay, Aqoonyahanka, warbaahinta iyo in badan oo hogaamiyeyaal iyo ruug cadaa siyaasadeed sheegtaa uga shaqeeyaan, Burburka iyo baaba’a dalka, oo...
Yaan loo kala harin sidii looga mira dhalin lahaa iftiinka Muqdisho kasoo muuqday
Ku: Shacabka Soomaaliyeed
Ka: Cabda Cabdullaahi
Uujeedo: Yaan loo kala harin sidii looga mira dhalin lahaa iftiinka Muqdisho kasoo muuqday
Asalaamu Caleykum Waraxmatullaahi,
Maqaalkaygu kuma saabsana qof jaga isk acasilay ama jago loo magacaabay
ee wuxuu ku saabsanyahay mawqifka ay ka qaateen shacabka Soomaaliyeed
guud ahaan, gaarahaana shacabka ku nool Muqdisho, go’aamada kasoo baxay shirkii...
Xalka Mahiga ma ahan dhisid ee waa burburin! – By Cabas C. Cabdullahi.
Waxaan la yaab ahayn in dad shaqo ka dhaxaysaa ay ku kala aragti duwaanaadaan si da shaqadaas looga miro dhalin karo ee ugu fudud uguna kharash iyo khasare yar. Hadddii khilaaf noocaasi yimaado waxaa la fishaa in dadka khilaafkaasi ka dhex curtay gaar gaar dib iskugu noqdaan oo bal aad u sii dhuuxaan waxa dhinac kale ka yeeraya say uga dhex helaan wax loo qateen noqon kara oo miisaanka...
Qancinta Shariifyada iyo Dhismaha Qaranka Yaa Qiima Badan? By Abdihakin A. Asir
Qancinta Shariifyada iyo Dhismaha Qaranka yaa Qiima Badan?
Su’aashani waa mid aad u naxdin badan, waayo waa laba arin oo aan marnaba la is barbar dhigi karin, laakiin maanta waa mid looga baahan yahay in dhamaan Soomaalida meel kasta oo ay caalamka uga nool yihiin, khaasaasatan dhalinyarada iney jawaab waafi ah ka bixiyaan, kuna cabiraan aragtidooda ku saabsan waxyaabaha ka dhacaya dalkeenna hooyo,...
