Home » Rayi

Damiirka Ururka ceebi ma ceebowdo (Xildhibaan) dowladda iyo dareenka umadda – By Abdullahi Y. Jamac (Isim)

Feb 1, 2012
Dalka soomaaliya ayaa noqday wadamada adduunka kan ugu hooseeya dhan walba nasiibkana u yeeshay dilka, burburka iyo sumcad xumada,  noqdayna qarankii ugu horeeyey taariikhda oo qaranimo ku badasha qaran la’aan muddo ku dhaw rubac qarni.  Arintan naxdinta iyo yaabkaba leh ayaa waxaa hormuud ka ah kuwo maankooda iyo maskaxdooduba hooseyso, una fahmey danta guud iyo dawladnimaduba in ay tahay... 

Kan i dilay waxaa iiga daran kii i duudsiyey – By Hassan Ali

Dec 7, 2011
Wxaan tacsi u dirayaa eheladii, asxaabtii, ardadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, kadib fal dambiyeedkii lagu fuliyey Dr. Axmed Xaaji Cabdirraxmaan isagana waxaan Allah uga baryayaa inuu naxariistiisa u waasiciyo.   Waxaan Allaha awoodda leh si ikhlaas ah uga baryayaa inuu cuquubada uu mudan yahay u soo dedejiyo cid kasta oo qayb ku lahayd dambigaas.   Laba geeriyaad   Ayadoo ay dhib noogu... 

Ismaan dhaafka masuuliyiinta sarsare ee DKS iyo Maaweelada iyo marmarsiiyada beesha caalamka! By Duraan A. Shirwac

Oct 31, 2011
 Muranka iyo is qabqabsiga caadada u noqotey masuuliyiinta sarsare ee dawlad kastoo gacan ku rimis ah oo lasoo yagleelo loona soo dhoodhoobo geyiga soomaaliyeed waxay ahayd mid aan nagu cusbeyn oo soo jireen ahayd tan iyo dawladii lagu soo dhisey magaalada carta ee dalka jabuuti mudo ku dhow 10-sano.   Inkastoo aad moodo in dawlada hada jirtaa ay tahay dawladii masuuliyiinteedu ugu qilaafka iyo... 

Aniga kaliya iigu yeera Guddoomiye, Miyuu noqday caqliga Shiikh Ibrahim – By Maxamed Cabdilahi Muuse

Sep 22, 2011
Shalay waxay aheyd maalin dadka badi ay u asteeyeen inay tahay maalin qosol iyo la yaab, sababtoo ah guddoomiyihii hore ee Ahlusunnadda Gobolada Dhexe  Shiikh Ibrahim Guureeye dhawaana looga guuleystay tartankii hogaanka ururkaasi ayaa waxa uu ku dhawaaqay maamul uu ku sheegay Ahlusunnada Guud, balse dadweynaha Cabudwaaq ay u bixiyeen “Maamulkii Riyada iyo Xil-jaceylka.”  Laba isbuuc... 

Soomali sida caalamku wax ugu yabooho maloo gaarsiiyaa? By C/fitaax C/cadceed Dhaadeey.

Aug 21, 2011
Sida la wada og soon yahay somaliya waxaa ku habsaday abaaro ba’an oo aad u baaxad weyn.  Abaartaas marka ay dhacday oo shaashadaha caalamka laga wada daawaday ayaa aduunka intiisa badan waxaa uu bilaabay kaalmo ama yabooh dhaqaale dag-dag ah in uu aruuriyo Soomaaliya. Haddaba, dhaqaalahaas faraha badan ee la balan qaado xagee la mariyaa?  Yaa loo dhiibaa? Yaase loo qeeybiyaa oo la gaar siiyaa? ... 

Waa kuma siyaasigu? Q. 2aad – By Duraan Shirwac.

Aug 14, 2011
Waxaad maqaalkan waa kuma siyaasigu?  oo aan idiin soo gudbiyey Qaybtiisii hore aad kusoo aragteen waxyaabaha keenay burburka soomaaliya inuu masuul ka ahaa, shaqsiyaadka aan u naqaano siyaasiga oo aan runtii buuxin kaalintii looga baahnaa.  Hadaba siyaasiga shaqsiga inta badan soomaalidu u taqaano oo ay shaatiga siyaasiga u galiyeen aanu qaadan Karin una xireen, ayaa la oron karaa waxay qayb ka... 

Maqaal: Waa kuma Siyaasigu? By Duraan A. Shirwac.

Aug 4, 2011
Inta aanan u guda gelin maqaalkan waa kuma siyaasigu, soo bandhiga macnaha siyaasi kuma koobna maqaal kaliya eh waxaa dheer oo aad si buuxda aad uga dhargi doontaan dhanka suugaanta iyo murtida oon maqaalkan aan ku falanqeynayno waa kuma siyaasigu Mataan aan kala digey, kaasoo inta badan ah waxyaabo iidnu horey u arki jirin, haduu yara idinku dheeraadana shacuurta jirtaa iga keentaye raali halayga... 

Maqaal: Xukuumadda Ra’isal Wasaare Cabdi-weli Gaas iyo mushkiladaha hor yaal – By Duraan Shirwac.

Jul 29, 2011
Xukuumadan R/w C/weli gaas uu hormuudka ka yahay waa isbadalkii 3-aad ee xukuumadeed tan iyo markii lasoo doortey Madaxweyne shariif sheikh axmed oo lagusoo caleemo saarey magaalada jabuuti ee dalka jabuuti sanadkii—2009-kii. Waxaan xasuusanaa mar walba oo isbadal dawladeed uu yimaado waxay sameyn jireen shacabka soomaaliyeed ee dal iyo dibadba kunool damaashaad ku aadan soo dhaweynta isbadalkaas... 

Muqdisho (Magaalo aan mudnaanteeda la siinin) – By Maxamed Axmed Caaqil Yare.

Jul 27, 2011
In badan oo ka mid ah dadka dunida ku nool markii ay maqlaan dhawaqa Muqdisho ama Xamar waxa ay durba suuradeestaan dad aan afrikaan asal ah aheyn, midabkoodana uu maariin yahay ama cadaan xigeeen, qaarada dhulkooda uu dhaco uu Geska afrika yahay, dhererkooda uu meel dhexaad yahay, muslimiin Sunni dhamaantood ah, aad u karti badan, geesinimo xad dhaaf ahna illahay u hibeeyay, neceb gumeystaha, sidaa... 

Siraadkii Geerida, safarka Tahriibka ee Sudan – By Maxamed Axmed Caaqil yare.

Jul 13, 2011
Taariikh ahaan dadka soomaalida waxaa lagu sifeeyaa inay ahaan jireen dad reer guuraa ah, safarka iyo socodka waa dad u adkeesi badan, waxayna soomaalidii hore socon jireen safar boqolaal killo mitir ah, waxayna ahaayeen xoolo dhaqato,safarkii sidaas ahaa waxuu saameeyay dhalintii magaalada, waana mida ku dhiira gelisay inay naftooda halis geliyaan oo ay gallaan safar masaafo fog oo naf la cararsi...