Home » Waraysi
Xildhibaan Maxamuud Sayid Aden oo ka hadlay howlgalkooda ciidan ee gobolka Gedo, isla markaana wax lagu qoslo ku tilmaamay maamul goboleedyada dibadaha looga dhawaaqo (Dhageyso wareysiga xildhibaanka)
Xildhibaan Maxamuud Sayid Aden oo maanta warbixin dhinacyo badan taabaneyso siiyay shabakadda AOL ayaa sheegay sababta dib u dhaca howl-galkooda ciidan ee gobolka Gedo u keentay ay tahay dowladda KMG ah oo ka gaabisay dhanka Loojistikada ciidanka.
“Dagaalku ma sahlano waxuuna u baahan yahay tayo ciidan, tiro ciidan, Loojistik iyo qalab. Marka nasiib daro dowladda KMG ah ee Muqdisho mas’uuliyiinteeda...
Guddoomiyaha Qurbajoogta beesha Maxamed Amaanreer oo fariin u diray bulshada reer Caabudwaaq kuna baaqay nabad ku wada noolaasho iyo in colaadda la joogjiyo (Dhageyso)
Cali Jaamac Maxamed oo ah Guddoomiyaha qurbajoogta beesha Maxamed Amaanreer (Wagardhac), kuna nool magaalada Columbus, Ohio ee dalka Mareykanka oo galabta lasoo xariiray Shabakadda AOL ayaa waxuu fariin xambaarsan nabad ku wada noolaasho iyo in deg-deg loo joojiyo colaadda ka socota Degmada Caabudwaaq u diray bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan waqooyiga Galgaduud.
Guddoomiye Cali ayaa wax laga xumaado...
Qaar ka mid ah cuqaal iyo odayaal kasoo jeeda Gobalada Gedo, G/gaduud iyo Jubooyinka oo si adag uga soo horjeestay shir uu dhawaan Ururka SDSI ku yeeshay magaalada Columbus (Dhageyso wareysi)
Minnesota, MN (AOL) – Qaar ka mid ah cuqaal iyo odayaal kasoo jeeda Gobalada Gedo, Galgaduud iyo Jubooyinka ee ku nool gobalka Minnesota ee dalka Mareykanka oo ay wareysatay warbaahinta Saadaal ayaa ka hadlay sida ay u arkaan shir uu Ururka SDSI dhawaan magaalada Colombus ku yeeshay.
Mid ka mid ah cuqaasha oo shirkaasi jaraa’i'd furay ayaa sheegaay in shirkii Colombus ka dhacay 25...
Guddoomiyaha gobolka Gedo oo ka hadlay duqeyntii Degmada Ceelcade beeniyayna war ay qaar shabakadaha Soomaalida ka mid ah ka sheegeen (Dhageyso wareysi)
Maxamed Cabdi Kaliil oo ah Gudoomiyaha gobolka Gedo oo maanta u waramay Shabakadaha Allgedo iyo Gedoweb ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay duqeyntii ay diyaaradaha Kenya u geysteen Xaro Qaxooti oo ku taal duleedka Degmada Ceelcade ee gobolka Gedo.
Kaliil ayaa waxuu yiri “Waan ka xumahay weerarka waxashnimada leh ee ay diyaaradaha dagaalka ee Kenya la beegsadeen dad shacab ah, waxaana uga tacsiyeeyneynaa...
Nabadoon Maxamed Axmed Faarax (Indho yare) oo mar kale ka warbixiyay duqeyntii Degmada Ceelcade iyo Maxamed Cabdi Kaliil oo borobogaan raqiis ah ku tilmaamay warar ay qaar warbaahinta Soomaalida ka qoreen (Dhageyso)
Kaddib markii diyaarado aanan la aqoon cidda iska leh ay maalintii shalay duqeyn arxan daro ah ka geysteen xaro Qaxooti oo ku taala duleedka Degmada Ceelcade ayay qaar Shabakadaha ay maamulaan Soomaalida arrintaas siyaabo kala duwan wax uga qoreen.
Qaar baa dhacdadaas usoo tabiyay si ay mas’uuliyadi ku jirto, isla markaana waafaqsan nidaamka warbaahinta, kuwaasoo baaritaan ay sameeyeen kusoo...
Maxamud Cali Shire oo dawlada ugu qeybsan iskudubaridka gargaarka Gedo, Baay iyo Jubooyinka ayaa ka dayriyay xaalada barakayaasha ay isugu darsoomeen abaaraha iyo colaadaha (Dhageyso wareysi.)
Maxamud Cali Shire oo ah sarkaal ay dawlada dhawaan u soo magacawday iskudubaridka arrimaha gargaarka iyo taakuleynta barakacayaasha gobolada Gedo, Baay iyo Jubbooyinka ayaa sheegay in xaalada kumanaan qoys oo horey ay waxyeelo uga soo gaartay abaartii ku dhufatay gobolada koonfureed ay haatan ku jiraan xaalad aad u liidato oo ka adag tii hore kaddibmarkii ay isugu darsoomeen macaluul, roobab iyo colaado.
Mudane...
Wareysi uu bixiyay Cabdiweli Bishaar oo ah G/xigeenka Ururka Eastado halkan ka dhageyso
Guddoomiye ku xigeenka Ururka East African Development Organization (EASTADO), isla markaana ah afhayeenka isla Ururkaas mudane Cabdiweli Bishaar Aden ayaa wareysi maanta uu siiyay wariye Axmed Cumar Saalixi ayaa waxuu waxba kama jiraan ku tilmaanay in Ururkii bur-buray ee SDSI uu yahay mid wali shaqeynayo.
Wareysiga...
Wareysi gaar ah oo ay Allgedo la yeelatay Col. Cabaas Ibraahin Gurey March 18, 2010 halkan ka dhageyso
Wareysi gaar ah oo ay Allgedo la yeelatay Col. Cabaas Ibraahin Gurey March 18, 2010 halkan ka dhageyso:
Wareysiga Col. Cabaas
Ka dhageyso (mp3)
Col. Cabaas waxuu ka mid yahay Saraakiishii hore ee Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan, waxaana aad looga yaqaan gobolada Koofurta Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Jubbooyinka, Bay, Bakool iyo Gedo. Marka aan wareysiga la yeelanay waxuu sargaalku ku sgnaa magaalada...
