Home » Waraysi

DHAGAYSO: 15 Shabaab ah oo lagu qabtay iyagoo hub ku haysta magaalada Muqdisho

Dec 27, 2012
Taliska nabad sugida gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay dhalinyaro Shabaab ah oo watay hub ay doonayeen in ay amaan xumo ugu gaystaan magaalada Muqdisho. Ciidamada nabad sugida ayaa howlgalka ay ay la kaashadeen ciidamada booliiska Soomaaliyeed waxaa ay kusoo qab qabteen rag tiradooda ay gaarayso 15-ruux o dhamaantood falalka amnidarada ah ee ka dhaca Magaalada Muqdisho lagu eedeeyay. Howlgaladan... 

DHAGAYSO: Guri kuyaal Magaalada Jowhar oo hub iyo waxyaabaha qarxa laga helay

Dec 25, 2012
Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Nabadsugida ay gacanta ku dhigeen miinooyin kala duwan. Sida u warbaahinta usheegay Afhayeenka Maamulka Gobalka shabeelaha Dhexe daa’uud Xaaji Ciiro ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Nabadsugida ayaa howlgal kala duwan oo ay iska kaashadeen ay ugu suragashay... 

DHAGAYSO: Xasan Sh oo kahadlay Maamul usamaynta gobollada dalka, sharuud adagna ku xiray

Dec 10, 2012
Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa si kulul kaga hadlay maamulada ka jira gudaha gobollada dalka kuwaas oo uu sheegay in dhibaato ay ka dhalan karto. Waxaa uu si gooni ah usoo hadal qaaday maamul usamaynta Jubbooyinka, Hiiraan iyo Galgaduud, Bay iyo Bakool iyo kuwa kale oo badan. Madaxweynaha dowlada ayaan sheegay in maamuladaas oo an si nidaamsan loo dhisin ay kala fogayn karaan... 

DHAGAYSO AlShabaab: Puntland waxaan ka dilnay 30 askari anagana afar ayaa naga dhimatay

Dec 6, 2012
Xarakada Alshabaab ayaa ka hadashay dagaal xoogan oo dhexmaray ciidamadooda iyo kuwa Maamul Goboleedka Puntland Soomaaliya,kaasoo ka dhacay Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari. Afayeenka Alshabaab ee dhinaca Howlgalada Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta Alshabaab ku sheegay in ay dagaal xoogan la galeen Puntland, isagoo sheegay inay khasaaro lixaad leh gaarsiiyeen. Waxaa... 

Duqa Magaalada Muqdisho Tarsan oo sheegay inuusan daacad u ahayn madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif ama Xasan Sheekh Maxamuud toona (Dhageyso)

Dec 4, 2012
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamrrd Axmed Nuur Tarzan ayaa waxaa wareysi gaar ah la yeelatay BBC-da Laanta afka Soomaaliya, waxaana uu kaga hadlay arimo dhowr ah. Maxamuud Axmed Nuur Tarzan ayaa la weydiiyay Su’aal ahayd in uu Saaxiib dhow la ahaa Madaxweynihii Dowlada KMG Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, waxaana uu yiri sidan. “Aniga waajib bay igu tahay in madaxweyne kasta oo si doorasho... 

Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo si adag kaga hadlay Isbaaro taala Ex-contro Afgooye

Nov 19, 2012
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ah guddoomiyaha gobolka Banadir ayaa sheegay in isbaarada Taalo isgoyska Ex-Control Afgooye ay u taalo dad gaar ah kuwaas oo uu sheegay inay si xoog ah ku haystaan. Tarsan oo arrintaan ka hadlayay ayaa yiri “Isbaarada Taala Isgoyska Ex-Control waa mid Xaaraan ah.” Mudane Tarsan ayaa sheegay in ciidamadii ka joogay isgoyskaas ay kasoo qaateen isla markaasna wixii... 

DHAGAYSO: Drs Fowsiyo oo maanta la dhaariyay hadal cusubna jeedisay

Nov 19, 2012
Wasiirka arimaha Dibbada ee dalka Soomaaliya, ahna R/wasaare ku xigeen Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta si rasmi ah xilka kula wareegtay kadib markii xaflad ay ka dhacday xarunta Wasaarada Arimaha Dibada ee magaalada Muqdisho. Wasiirka arimaha dibbada Fowsiya Xaaji ayaa marka hore waxay hambalyo u jeedisay dhamaan shaqaalaha wasaaradaasi iyo wasiirkii hore ee wasaarada arimaha dibbada, iyadoo... 

DHAGAYSO: Ahlu Sunna Waljamaaca oo si adag kaga hadashay Maamulka loo samaynayo Jubooyinka

Nov 18, 2012
Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka Gedo ayaa si adag kaga hadlay arinta ku aadan maamulka loo samaynayo gobollada Jubooyinka. Dadaalo maamul loogu samaynayo deegaanada Jubbaland oo kala Jubbada Hoose , Jubbada Dhexe iyo Gobolka Gedo ayaa waxaa ay ka soconayaan gudaha Kismaayo iyo magaalada Nairobi. Isagoo lahadlayay qaar kamid ah saxaafada Afhayeenka Ahlu sunna ee Gobolada Koofureed Sheikh Maxamed... 

DHAGAYSO: Ra’isul Wasaaraha oo ka hadlay Maamul u samaynta Jubooyinka

Nov 14, 2012
Ra’isul Wasaaraha dowlada Soomaaliya Dr. Cabdi Faraax Shirdoon (Saacid) ayaa si adag kaga hadlay arimaha maamul u samaynta goboladda Jubooyinka. Waxaa uu sheegay in maamul u samaynta gobolada dalka ay tahay howl u taal shacabka degan gobolada, dowlada Soomaaliyana ay gacan ka siinayso. Dr. Saacid ayaa si gaar ah kaga hadlay xaalada Maamul u samaynta Jubooyinka oo muddooyinkaan danbe uu khilaaf... 

DHAGAYSO: Caalin oo xilkii Galmudug ku wareejiyay Timo Kalajeex

Nov 12, 2012
Khilaafkii dhanka maamulka ahaa ee Galmudug State ayaa umuuqda mid kasii daraya kadib markii xilwareejin ay ka dhacday magaaladda Gaalkacyo. Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa Maanta Xilka Madaxtinimada Galmudug ku Wareejiyay Madaxweyne Maxamuud Cabdi Cilmi Timo Kalajeex oo kamid ah Madaxweynayaasha Galmudug. Timo Kalajeex waxaa madaxtinimada loo doortay Xiligii Madaxweyne...