|
Mahad kuligeed ilaahay ayay u sugnaatey nabad
gelyo iyo naxariis nabigeena korkiisa ha ahaato,
intaa kadib waxaan marka hore hambalyo iyo
salaan diiran hawada u marinayaa dhamaan
maamulka iyo waliba bahweynta Allgedo Online,
waxaana idin leyahay walaale-yaal waad ku mahad
san tihiin sida is xilqaanka leh ee aad noogu
suura geliseen inaan helno meel aan fikirkanaga
isku waydaarsano haddaan nahay reer Gedo iyo
waliba Soomali weynba. Intaa ka dib, aniga
waxay fikir ahaan ila tahay in uu ku jiro
horumarka Gedo intalada Gedo loo daayo reer Gedo
ama dadka Gedo u dhashey, taas waxaan ula jeedaa
sidaad la socotaanba markii ay bur burtey
xukuumadii milatariga ahayd sanadkii 1991kii,
waxaa gobolka gedo ku soo firdhaday dad dhalasha
ahaan ka soo jeedo Sade, laakiin aan u dhalan
gobolka Gedo, kuwaasoo ku yimid gobolka hayb
qabiil, waayo marxaladda markaa Soomaaliya ka
aloosneyd ayaa ahayd mid hayb sooc ah ama qabiil
qabiil u dirir ah, taas ayaa waxay fududaysey
inuu qof walbo oo sheeganaayo Sade uu si fudud
ku yimaado ama uu ugu soo cararo Gedo.
Tusaase; bal cid kaleba iska daaye, xitaa waxaa
carar ku yimid Gedo madax weynihii xiligaas
talada laga xayuubiyey alaha u naxariistee
Maxamed Siyaad Bare oo laftiisa kamid ahaa
dadkii Gedo ku yimid magaca qabiilka, waayo
waxuu ahaa nin dhalasho ahaan ka soo jeeda
beesha sade. Sidaa owgeed, ayay daw u noqotay
in uu ruux kasta oo reer Sade ahaaba Gedo usoo
cararo. Haddaba dadkii faraha badnaa ee dhalasho
ahaanta Sade iyagu ku yimid qaxa Gedo ee lahaa
saraakii iyo rayidba ayaa waxay isku dayeen inay
la wareegaan taladii Gedo ayagoo ka faa
iidaysanaayo xiligii qalaf sanaa ee markaa guud
ahaan ay ku sugnayd Soomaaliya, waayo xiligu
waxuu ahaa xili aad la isugu tixgeliyo
qabyaaladda iyo yaa reer hebel ah. Haddaba,
waxaa u suurta gashey qolyooyinkii reer
Galguduudeedka ahaa inay wax ku yeeshaan amaba
ay talada ugu sareysa ee Gedo gacanta ku dhigaan
iyo iyagoo markii danbe noqdey madaxii ugu
sareeyay ee ururkii SNF oo markaas fadhiguusu
ahaa Gedo, markii ay arintaa dhacdayna Gedo iyo
reer Gedaba waxay la kulmeen dhib tiro badan oo
dhimasho, dhaqaalo xumo, wax barasho la aan, iyo
caafimaad xumaba leh, iyadoo ay isla marakaana
bulshada reer gedo dhamaan waayeen wax yaabaha
aas aasiga ah ee uu ubaahan yahay banii adamka,
waayo- Gedo waxay noqotey meel Galguduud laga
xukumo, Galguduudna sida la og yahay waxaa ku
yar hor umarka, haddaba markii ay dhacdaas
foosha xun dhacday ee ay kalifeen dadka aan u
dhalan Gobolka ee ayagu talada gobolku gacanta u
gashey ayaa waxaa bilowdey kacdoon ay sameeyeen
bulshada reer Gedo. Walow ay dad badani ku naf
waayeen kacdoonkaas, hadana waxaa la dhihi karaa
danbiila yaashii wadanka waa laga eriyey walow
ay ku danbeeyaan meelo gobolka kamida hadana
inta badan gobolku taladooda way ku yaraatey.
Hadeer ayuu u muuqdaa gobolku mid ka soo
kabsanaayo hagar-daamadii ay u gaysteen
qolooyinkii ree Galguduudeedka ahaa.
Gebo-gebadii,
Waxaan anigu mar labaad leeyahay hor marka Gedo
waxuu ku jiraa talada oo loo daayo reer Gedo,
waxaana kula talin lahaa dadka reer Gedo inay ka
fogaadaan wax kastoo keeni kara ama gobolka ku
ridi kara horukac la’aan, waxaana kamid ah
waxyaabahaas gobolka dib u dhaca u keeni kara:
Dagaalada, khilaaf baahsan,iyo isfahan la,aan.
Marka waxaan idin leeyahay aniga, walaaleyaal
markaan talada gobolka waxaad moodaa inay ku soo
noqoneyso reer Gedo gacantooda oo la fahmey
qowlaysatadii ka soo hayaantey gal guduud.
Waxaa kaloon idin leeyahay, u fekera sidii aad
dadkiina iyo dalkiina u hor marin lahaydeen oo
iska jira dibindaabyada dadka aan u dhalan Gedo
oo waligiin yaanan la idinku qaldin magac qabiil
iyo reer hebel, ogaadana qabiiladu ayagoo isla
dhashey in ay haddana kala degaan yihiin, nin
nin guriisa u maamulaana ma jiro ee taas la
socda.
Wabilaahi towfiiq
Alankey
xxxcade@hotmail.com
Afeef: Aragtida ama figradda qoraalkaan waxay qaas ku tahay qoraaga maqaalka,
ciddii dooneysana waxay kala xariiri kartaa qoraaga uu magaciisu kor ku qoran yahay.
|
|
|