|
Jawaab ku saabsan sidee Gedo xal loogu
heli lahaa? |
Waxaan marka hore salaan iyo bogaadin u gudbinayaa dhamaan dadka isku soo
dubariday boga internetka ee Allgedo iyo sida ay ugu dadalaan xal u helida
Gedo. Salaantaa ka dib, waxaan rabaa inaan wax yar ka irahdo sida Gedo xal
loogu heli lahaa.
1. Xalaka Gedo wuxuu ku xiran yahay xalka guud ee dalka ee waa in marka hore
taa la xusuusnaada. Waayo, waxaa taa daliil u ah meelaha nidaamka ka jira
ee Soomaliya waxaa ka dhaca dhibaatooyin, sababta oo ah dalka wuu isku wada
xiran yahay.
2. Gedo xalkeeda wuxuu ku xiran yahay dadkeeda cid kalana wax wayn kama
qaban karta inkastoo dadka reer Gedaha ah lagu xanto dad aan is indha
buuxin karin in ay yihiin oo mar waliba u maleeya dadka walaalhood oo ka yimid Galguduud
inay daba fadhiyaan. Taaso inta badan dadka wax u kuur gala ay ku
tilmaamaan in Gedo ay ka degi la'dahay ragaa siyaasiinta sheeganaya oo
guryahoodii intay wax ka qaban waayeen Gedo shaqo ka dhigtay, oo wax kale iska
daaye aan dib ugu noqon karin degaanada lagu yaqaanay ee ay deganaan jireen
sida Dhuusamareeb iyo meela badan oo ka mid ah Gobolka Galguduud.
3.Gedo xilagan aan ku jirno xalka ugu wayn ee ay u baahan tahay waa dhinaca
horumarinta iyo in maamul loo sameeyo.
Fathiya Jibril
fj0515s3771@blueyonder.co.uk
Afeef: Aragtida ama figradda qoraalkaan waxay qaas ku tahay qoraaga maqaalka,
ciddii dooneysana waxay kala xariiri kartaa qoraaga uu magaciisu kor ku qoran yahay.
|