Maansada iyo mujtamaca
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se
Haddii labada erey oo kor
ku yaal xariirka ka dhexeeya iyo sida ay isu saameeyaan uu qof sheego
in uu ka faalloon doono waxaa hubaal ah in ay dad badani u qaadan
lahaayeen in uu soo bandhigi doono mawduuc aan xiiso lahayn oo aysan
naftoodu u hiloobayn, waxayna dadku sugayaan in la sheegi doono
taariikho aan macaan lahayn oo ku saabsan sidii ay maansooyinka iyo
mujtamacyadu u soo askunmeen ama ay u soo jireen iyo dhacdooyin keenay
in maansooyin la curiyey, oo aan dareen xiiso badan iyo saamayn
nafsadeed ku yeelan karin dadka, sababtuna ay tahay in shucuurta
mujtamaca iyo dhadhanka waxa laga hadlayaa ay kala xayiran yihiin, ka
dibna uu hadalku hungo oo kale noqonayo, oo aysan ujeeddadu u
sahlanayn sida ayada oo laga faallooday calaaqaadka ka dhexeeya maal
iyo mujtamac ama nin iyo naag. Rajada laga qabo in qofka arrintaas ka
faalloonayaa uu dareenka dadka soo jiito waxaa yareeya walaac iyo
walwal laga baqayo in uu hadalku noqon doono sharqan aan macne sii
ridan lahayn ama wax duuduuban oo aan xogtiisa loo heli karin si
qeexan oo ay naftu ku xasisho, ee loo guudmari doono qaab isku
cabbursan oo la moodo in la isku khasbayo dadka iyo maansada oo ay
yihiin weel iyo aabbur aan islahayn, isla markaasna la moodo in dad
gaar ahi ay isu baaqayaan oo dulmar iyo calaamado la isku afgaranayo
ama uu qofka wax sheegayaa dan la’aan ama xujo midkood dadka
maqashiinayo, ee uusan rabin in ay dadku la wadaagaan fahamka iyo
dareenka uu u leeyahay in ay maansada iyo mujtamacu isu geli karaan
sida ay caanaha iyo biyuhu isu geli karaan, iyo sida ay maansada iyo
asagu isu dareemayaan.
Haddii aan mujtamaca iyo
maansada midna lagu xadgudbin oo aan laga beensheegin ee mid kasta
sida uu yahay loo eego oo tayadiisa iyo qaabsocodkiisa aan midka kale
lagu khasbin waxaa muuqan karta in aysan maansadu ahayn wax la
wadaago, taasina ma aha in uu qofka curiyey dadka waayo’aragnimo iyo
aqoon nololeed kaga duwan yahay, ee waa in ay gudaha maansada ku jirto
cimilo leexsan ama durugsan oo aan mujtamaca sida ay tahay loo
dareensiin karin, taas oo aan ku lug lahayn in ay lid isku yihiin
ujeeddada ay maansadu u dan leedahay iyo damaca iyo hadafka ay
bulshadu u heellan yihiin ama ay ku qanacsan yihiin, oo khibradda iyo
damaca curiyuhu waxay ku xaddidnaan karaan ama ay ku sinnaan karaan
heerka uu mujtamacu joogo, taas oo caddayn u ah in uusan curiyuhu
mujtamaca kaga duwanayn in uu danaha uga hadlo si aysan inta kale
garan karin, ee uu dadka kale kaga geddisan yahay in uu cimilada
maansada wax ka dareemi karo, wuxuuna dareenkaasi gaarsiisnaan karaa
heerar kala shisheeya oo gudaha maansada lagu sii kala dareen weyn
yahay nooc ka mid ah.
In kasta oo uusan
mujtamacu ku wada diirsan karin cimilada dareenka maansada haddana
waxaa jirta saamayn aan gudaha maansada ku jirin oo ay bulshadu ka
heli karaan maanso cursan, waana saamayn aan lagu gaari karin in
mujtamaca iyo maansada midkood la dhalan dooriyo si ay isugu soo
durkaan, oo ay bulshadu u soo gasho cimilada maansada ama ay maansadu
noqoto dareen guud oo la wada qabi karo, waayo waa labo arrimood oo
aan midna la helayn haddii si kasta loo dadaalo. Haddii cimilada
maansada laga soo durko oo loo soo dhawaado mujtamaca waxaa yaraanaysa
saamayntii aan dareenka ahayn oo ay maansadu bulshada ku samayn
lahayd, oo ah saamayn xagga wacyiga iyo fahamsiinta danaha ah ee aan
waxba la wadaagin cimilada gaarka u ah maansada oo leh culaab aan loo
soo jiidi karin xagga mujtamaca. Saamaynta mujtamaca oo ujeeddooyinka
iyo danaha nolosha ama wax kale la xariirtaa waxay maansada u koroddaa
ama u kobocdaa markii laga fogeeyo cimilada bulshada oo dhab loogu
durkiyo dareenka u gaarka ah maansada ee haddii bulshada xaggooda la
soo aado waxaa jiraya mujtamac oo maanso ma ay jirayso, taas oo aynu
uga jeedno in uu curiyaha fiicani ka dheer yahay istustus ka xayiraya
in uu ku raaxaysto cimilada maansada, oo uu macneheedu yahay in uu
yahay qof dabiici ka ah mujtamaca oo si uu dareemayo ee uusan
dadaalayn ula tashanaya jawiga maansada, taas oo keenaysa in uusan ku
istireexin mujtamaca ee uu iyo dareenkiisa iyo jaalleyaashiis kula
raaxayso cimilada maansada, ka dibna ay mujtamaca danohooda wataa
ulajeedda ay ku saabsan tahay ku qiiroodaan ama ay u nuglaadaan hanuun
lagu xardhay naqshado iyo midabbo laga soo dhoofiyey cimilada
maansada, oo ay curiyaha iyo maansadu keligood dareen ahaan isugu
deensadeen ama isu khushuuceen, oo ka fog dadaal aan dareen lahayn oo
gudaha maansada ah iyo istustus xagga mujtamaca ah.
Xariirka keli ah oo
mujtamaca iyo curiyaha maansada ka dhexeeyaa waa ujeeddada ay maansadu
ka hadlayso, oo aan aalaaba dhaafsiisnayn dan uu qof kastaa aragti ka
dhiiban karo, taasina waxaa markhaanti u tahay in mujtamacu aysan ku
lug weyn lahayn maansada dhabteeda ee ay khaas tahay, haddana
sawirrada iyo wax kasta uu qofka maansoodaa soo celinayaa waa noloshii
guud, oo asaga iyo mujtamacu meel ma ay kala jiraan, hase yeesho ee
humaagyada ay mujtamacu ka qaadan karaan waayo’aragnimadooda ayaa
waxay u dhow yihiin waxyaalo aan cusbayn oo uu qof kastaa tooskii uu u
fakarayey uga jeedo, halka waxyaalaha ay maansada fiicani soo celisaa
ay si durugsan oo duwan u abaabulan yihiin, taasna maansada keli ah ma
aha ee hadalka cursan badankiisa ayaa lala wadaajin karaa.
Danaha ay maansadu ku
ujeeddaysan tahay lug run ah kuma ay laha tayadeeda ah in laga soo
dhoofiyey jawigeeda dhabta ah, oo qof kastaa danta uu raadinayaa asaga
ayey jirtaa, aragtiyaha dadkuna guud ahaan maanso ma ay aha, oo
cimilada maansadu waa ay ka madaxbannaan tahay kala jiidashada danaha
nolosha, taas oo looga jeedo in aragti kasta oo ay jilasaa aysan
haddii cimiladeeda laga keenay saamayn karin tayadeeda maansonimo,
haddii uusan qofkeedu cimiladeeda geli karinna aysan aragtidiisu
maanso ahayn, ee uu weli ku jiro hummaagyadii iyo cabbiraadihii tooska
dhow u taataabanayey nolosha oo gudaha mujtamaca lagaga dhaqmayey,
waxaana intaas inoo sii dheer in danaynta iyo xiisaha ay mujtamacu
hadal la sheegay u qabaan uusan xaqiijin karin in cimilada maansada
laga soo dhoofiyey, maxaa yeelay dareenka ay cimilada maansada ka
helayaan waxaa ka weyn dareenka ay ka qabaan danaha ay kala
jiidanayaan, oo cimilada maansada xogta laga qabo yaraanteeda iyo
caaddifadaha ay dareemayaan baa waxay calwinaysaa in aan xaqdarro iyo
meelkadhac lagu samayn maansada iyo mujtamaca midna, waxaana ka sii
daran in mujtamaca aan cimilada maansada u gudbi karin qaarkood ay
damaaci aan fiicnayn ku holliyaan in ay kharash la’aan ku dhoofaan,
dabadeedna dareenkii iyo hadalkii mujtamaca qaarkiis uu maansadii
cimilada kale laga soo dhoofiyey miis la soo fariisto, miiskaas oo uu
fadhiyo xaakim aan labada cimilo kala dareemi karin, isla markaas ku
hafsan danaha iyo caaddifadaha mujtamaca!
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se