|
Ka yimid Qeybtii 1-aad ee Nairobi (1):
Weli sheekadii waa socotaa oo
Waxaa hadalkii wata Maxamed-Dheere oo ku qoslay jeneraal Moorgan,
oo asaga garkiisa xantoobinaya yiri:
-
Ma xaq dad baad maanta Xuseen Caydiid kala hadlaysaa? Haddii uu hadda
deynta lagu leeyahay in uu bixiyo damco kalleyba wuxuu ku bixinayaa waa
xaq dad kale lahaayeen.
Cabdiqaasim waxaa la moodaa in uusan maqlayn hadallada socda, oo
keligiis buu isla sheekaysanayaa, waxaana dhegtiisa ku dhacay ereyadii
ugu danbeeyey oo ahaa “Xaq dad lahaayeen”. Wuxuu Cabdiqaasim niyadda
iska yiri: “Waa maxay dadka ducafada ah oo ka hadlaya xaq dad?
Soomaaliya xoog baa ka jira ee ma xaq ka jira?”. Intaasi markii ay
maskaxdiisa ku soo dhacday buu isla markiiba wuxuu afka ka yiri:
-
Labaatan dal madaxweynayaashood baannu aniga iyo walaalkay mudane
Ismaaciil Cumar Geelle miis kula fariisannay.
Cabdiqaasim wuxuu tiriyey magacyo badan oo madaxweyneyaal afrikaan ah,
waxay magacyadu ahaayeen magacyo adag oo laga dareemayo in uu maalmo
badan xafidayey, waxaana asaga oo aan weli magacyadii dhammayn hadalkii
ka dhexgalay kornayl Cabdullaahi Yuusuf, oo yiri:
-
War heedhe in aad nimankaas oo dhan magacyadooda xafiiddaa muhiim ma
aha. Waxaa mihiim ah in shacabka hubka laga dhigo.
Cabdiqaasim weli maskaxdiisu waxay ku maqan tahay madaxweyneyaasha, si
fiicanna uma uu dhegaysan hadalkii kornaylka, wuxuuna yiri:
-
Habeen dhexdaas ah waxaan dusha ka xafiday dhammaan madaxweyneyaasha
Afrika magacyadooda, waxaanna uga sii gudbey madaxweyneyaasha qaaradaha
kale, markii aan boqol meelahaas dusha ka qabtay baan kuwii ugu
horreeyey illaawey, markaas ayaan dib ugu soo laabtay, oo waxaan is iri
“Bal kuwa afrikaanka iyo dalalka carabta magacyadooda ha illaawin!”.
Xuseen Caydiid iyo xaaji Muuse Suudi waxay u arkaan in arrinta uu
Cabdiqaasim ka hadlay ay muhiim tahay, wuxuuna Xuseen niyadda iska yiri
“Aniguna waa in aan caawa xafidaa boqol madaxweyne magacyadood”, waxaana
hadalkii galay xaaji Muuse Suudi oo yiri:
-
Yee Cabdiqaasinow waraaq dhinne ma iigu qori kertaa magacyadooda? Beri
gashow shantoo magacaan xafidaahe.
Wajiga xaaji Muuse Suudi waxaa laga dareemay daacadnimo, wuxuuna u ekaa
nin daalibul cilmi ah, waxaana hadal lamafilaan ah la soo boodey
Maxamed-Dheere, oo yiri:
-
Yaa ya’! Ar ma suurado quraanaa?
Xaa laga dheefaa magacooda?
Waxaa qoslay kuwa badan oo qabqableyaasha iskala joogey, waxaana
qosolkii dhixdhixda ahaa ka qaybqaatay Barre Hiiraale. Cismaan-Caato
ayaa istaagey asaga oo aan qosol iyo xanaaq midna laga dareemayn.
Labo masalo ayuu u istaagey. Midda kowaad waa in uu tubaako afka ugu
jirtey iska soo tufo, midda labaadna waa in uu kafee ka soo shubto
teermuus miiska saarnaa. Markii uu kafee shubtay baa waxaa la hadlay
xaaji Muuse Suudi oo yiri:
-
Yee Cimaanow kafe ii keen!
Waxaa u jawaabey Maxamed Qanyare, oo yiri:
-
Xuu kuugu keenaa, qof kastaa ayadaa shubanaydee?
Cismaan-Caato waxaa la moodaa in uusan maqal hadalkii xaajiga, wuxuuna
la dhaqaaqay koob uu buuxdhaafiyey oo balbalqanaya. Wuxuu la agfariistay
Axmed Cumar Jees oo surweel cad xiran, oo cod uu xanaaq ku dheexan yahay
ku yiri:
-
Awowgi la gub ha na wasakhay! Hunguri xumi iyo fidmo….
Cismaan-Caato wuxuu fahmey in uu Axmed Cumar Jees soo wado hadal ku
saabsan geeridii Alle ha u naxariisto ee jeneraal Maxamed Faarax
Caydiid, wuxuuna yiri:
-
Waryaa nin weyn baa tahaye….
Intii uusan Cismaan hadalkii dhammaysan baa waxaa istaagey Axmed Cumar
Jees, wuxuuna asaga oo feer weyn duubanaya yiri:
-
Wallee in aan kadh kaaga siin!
Cismaan-Caato wuxuu koobkii kafeega ahaa Axmed oo taagan kaga sayriyey
caloosha iyo inta ka hoosaysa, waxaana rag badan oo meesha fadhiyey
daarey firdhaadkii kafeega. Kornal Cabdullaahi Yuusu lugaha ayaa waxaa
ka gaarey dhibco kulul oo kafee ah, Cabdiqaasinna lawga ayuu kafee kaga
qubtay, laakiin nasiib wanaag wuxuu qabaa surweel madow.
Feerkii Axmed Cumar Jees wuxuu ku aaddana wajiga Cismaan-Caato, laakiin
waa uu ka gabbaday oo feerkii wuxuu ka dusey garabka iyo surka
dhexdooda, wuxuuna dhudhunka Axmed xoqay surka Cismaan oo sii kacaya. In
kasta oo uu Ahmed ka ballaaran yahay Cismaan haddana baaxadda qofku
dagaalka waxba kama ay tarto. Axmed wuxuu saljugle ugu dhacay
Cabdiqaasim oo ka danbeeyey, waxaana ka yeertay sharqan ay dadkii oo
dhami wada istaageen.
Cismaan oo indhaha ka galalacsiinaya ayaa waxaa qabtay Maxamed Qanyare,
oo ku yiri:
-
Aryaa maha shiraa loo imaadaye dagaal looma imaane day hee!
Xaaji Muuse Suudi oo uu hadalka Qanyare dhegtiisa ku dhacay baa wuxuu
yiri:
-
Aryaadha maha madaxweynaa laga soo jeriyaye minaad dagaal rabtaan
Kaaraan isugu imaada.
Cabdiqaasim waxaa aad u xanuunaysa lugtii uu saljuglaha ugaga dhacay
Axmed Cumar Jees, waxaana asaga oo dhutinaya garabgalay Barre Hiiraale,
oo ka durkiyey meeshii uu dagaalku ka socdey. Jeneraal Moorgan oo aan
hadlayn baa wuxuu eegayaa Axmed Cumar oo asaga oo dhulka ka sii kacaya
uu gacanta hayo Xuseen Caydiid. Axmed Cumar Jees markii uu istaagey buu
wuxuu hoos u eegay surweelkiisii caddaa oo uu kafeegii dooriyey, wuxuuna
asaga oo naxsan yiri:
-
Abow tanoo kale! Bal eegga gaalkaa xumi siduu ii galay!
Cabdiqaasim oo uu Barre Hiiraale gacanta hayo ayaa wuxuu taagan yahay
kuraastii laga kacay shishadooda, waxayna ka sheekaysanayaan arrin aan
si fiican loo maqlayn, oo ay Moorgan dhegtiisa ku soo duushay
Cabdiqaasim oo leh:
-
Alle ha u naxariisto ee madaxweyne Maxamed Siyaad…
Moorgan in soddogiis loo ducaynayo iyo in kale ma uu kala jecla, isla
markaas ma uu kala jecla in ay Cismaan-Caato iyo Axmed diriraan iyo in
kale, waxaana Moorgan canaantay Maxamed Qanyare oo yiri:
-
Aryaadha, Moorgan iyo Maxamed-Dheere, xaad ragga qabashadooda noogu
xasdaydaan?
Qanyare wuxuu ku dhibtooday Cismaan-Caato oo farabbaxsanaya, waxaana u
jawaabey xaaji Muuse Suudi oo yiri:
-
Eebow nebiga waa runtaa!
Waxaa iridda ka soo galay
gudoomiyaha gudiga fududeynta shirka dib u heshiisiinta Soomaalida
Bethuell Kiplagat,
waxaana isla markiiba ingiriis af soomaali u eg kula hadlay kornayl
Cabdullaahi Yuusuf oo ku yiri:
-
Nin aan markii uu halkaan yimid hoggaamiye ahayni sidee buu barlammaan u
soo xuli doonaa?
Gudoomiyaha gudiga fududeynta shirka dib u heshiisiinta Soomaalida
Bethuell Kiplagat
wuxuu la yaabban yahay in ay qabqableyaasha oo dhami taagtaagan yihiin,
mana uu fahmin in uu meesha dagaal ka socdey, waayo Cismaan-Caato markii
uu arkay buu dagaalkii daayey.
Qoraaladii hore ee ee
Gabayga Sad libaax la xaiiray:
Gabayga Sad
Libaax oo ahaa Gabay aad iyo aad u xiiso badan ayaa waxaa jawaabo kasoo
bixiyay dhowr qof, jawaabihiina waa kuwaan hoose:
Gabaygii "Sad Libaax"
(Guji
halkan)
By:
Shaafici Xassan Maxamed
Sad
Libaax iyo Muusanow! 
By:
Cali Shire Jaamac
Gabaygii
”Sad
libaax” oo xiisado kiciyey
(Riix halkan)
By:
Shaafici Xassan Maxamed
Nayroobi (1)
By:
Shaafici Xassan Maxamed
|