|
Afeef:
Figrada, aragtida iyo nuxurka uu bogaan xambaarsan yahay waxay gaar u
tahay qoraha. Allgedoonline wax lug iyo mas'uulayad ah kuma laha
aragtidan. Allgedo waa saxaafad madax banaan waxeyna soo dhaweyneysaa
aragtiyadaha kala duwan si kastaba ha u xag jireenee.
Carruur
By:
Shaafici
X.Maxamed
August, 6, 04
Inta aynaan carruurta qoraalkaan kulul
lagu dhengadayn doono hoos u sii gelin ayeynu qiraynaa in barlammaanka
Soomaaliya qabiil lagu qaybsadaa ay ahayd fidmo iyo qooq uu Ismaaciil
Cumar Ceelle ummadda soomaaliyeed ku dhebidhistay oo uu ku soo sayriyey
faddaro aan weligood laga mayri karin.
In aynu dhaqsahaas ugu degdegno
canbaaraynta qabyaaladda waxaa keenay in ay tolnimada iyo sinjisoocu
yihiin tiirarka ugu waaweyn oo dhaqanka soomaalida u xabaalan, isla
markaas diinta sharafta leh oo aynu haysannaa dhaqankii ay ka timid
wuxuu ahaa caado ay qabyaaladdu gogol iyo guri u ahayd, oo waxay diintu
xoojisey in ay tolnimada qabyaaladda ama qabiilku tahay wax uu ilaahay
dadka ugu deeqay oo uu mubag khayr lihi ku walaaqan yahay.
Qabiilnimada
Soomaalidu
waa wax weligeed lagu soo jirey, oo lagama yaabo in ay dhaqso u tiranto
maaddaama ay saddex kooxood oo kharribani faafiyaan oo ay isu kaashadaan.
Kooxda kowaad oo dulliga ahi waa shacabka oo uu qabiil
kastaa isugu sheekeeyo in laga gardaran yahay, waana run oo waa laga
gardaran yahay maaddaama aan loo oggolayn in uu madaxweynuhu ayaga
noqdo.
Kuwa labaad waa siyaasiyiin aysan
qabiilooyinkoodu dalka gudihiisa run ahaantii ku tiro badnayn, oo
degaanka iyo degmooyinka ay qoladoodu xoolaha ku dhaqdaan cuqdad
yaraaneed ka qaba sida Ismaaciil Cumar Geelle iyo Cabdiqaasim Salaad
Xassan, sidaas awgeedna xamaasad qabiil ama xatooyo iyo dhac u haliilaya
in ay ku duudsiyaan oo ay ku xaqdarreeyaan qabiilooyinka soomaalida ugu
baaxadda weyn, sida beesha uu Shaatiguduud hoggaamiyo iyo agoontii uu ka
tegey Alle ha u naxariisto ee Cali-Dhuux Aadan.
Kooxda saddexaad waa wadaaddada cajaladaha duuba oo
caamada u sheega daliilo qabyaaladda ama qabiilka ku ammaanaya in uu
yahay bandow uu Rabbi soomaalida iyo carabta ku soo rogey, kuwaas oo aan
ogayn in ay daliilahaasi fududaynayaan in ay qabiilooyinka cawaanta ahi
weligood islaayaan, oo aan laga horumarin dhibaatada innaga iyo ummado
kale ina naafaysay, oo metelan Afganistaan iyo Yemen asaaggood ka
reebtay.
Meel kasta wadaaddadu waxay la taagan yihiin fidinta
qabyaaladda. Shirkii aad u macnaha darnaa oo Carta wuxuu Cumar-Faaruuq
ahaa xildhibaan ka socda beeshiisa oo dhammaantood joogjooga gudaha
jamhuuriyadda federaalka ah ee Itoobiya, waxaana runtii in shiikhaas uu
qabiil soo dirsado u dhaantey in barlammaan kooxo ama degaan ku salaysan
uu u galo kooxda ”Islaax” oo ka mid ah boqollaalka firqo ee diinta Rabbi
siyaalo kala duwan u kala rumaysan oo isugu khilaafa, isuguna caaya.
Qoraalkaan yar waxaynu masuuliyad iyo xilkasnimo buuxda
iska saaraynaa in aan lagu arag erey been ah, sidaas awgeed waxaa ka
gubtahanyoon doona kuwa qabyaalladda caabuda, kuwa beenta jecel iyo kuwa
uu madaxooda ka buuxo jeermis ay ku reebtay been hore loogu afuufay oo
aan sal ku lahayn xaqiiqada soomaalida, waana qoraal xaq ah oo ku soo
beegmay xilli ay ummaddu u baahan yihiin in ay ka baxaan tuugada iyo
kufsiga naagaha.
Horta barlammaanka waxaa fiicnayd in lagu saleeyo degaan,
oo uu aag kastaa helo xubno aan qabiil laga soo dirin ee dhulkooda
metela. Aragtidaas qofka ka soo horjeedaa oo ka naxayaa waa qof aan u
dheganuglayn ama ka didaya in ay ummadda soomaaliyeed horumaraan
ama
ay
waddankooda iyo guryohooda jeclaadaan, wuxuuna qofkaas baadiyaysani u
dhaarsan in uu dadka isku diro ama uu raashin dhac iyo xatooyo ah ka
qufto bukaarro masaggo iyo galley oo ku duugan Bay iyo Bakool.
Xildhibaan gob ah oo degmo uu ku soo barbaaray ka yimid
iyo tuug ruugaya tubaako uu xaday oo qabiil ku soo galay barlammaanka oo
la wada og yahay in uu xoolo uusan lahayn jeebka ku sito ama aan dalkaba
ku dhalan ee uu Adisababa ama Nayroobi walanbaysi uga soo haajirey miyaa
isku mid ah?
Wallaahi in aysan isku mid ahayn.
Qabiil soomaalida oo dhan haddii la isu geeyo 50% (kala
bar) ah iyo mid 50 qof ah baa waxay Carta iyo meelo kale ku murmayeen
”Labo qabiil baynu nahay ee inoo
kala
bara!”,
haddana waxaaba laga yaabaa in uusan kontonkaas ruux ku jirin qof u
qalma in uu ku biiro hay’adda sharcidejinta ummadda soomaaliyeed. Sidaas
awgeed intii wax la qaban lahaa waxaan laga dhammaanayn cuqdad
qabiil
iyo in dalka laga adeejiyo waxmarato iyo mooryaan tuugo ah, waxaana
meesha ka baxaysa in xildhibaanka soomaaliyeed la garto meel uu ku
dhashay iyo meel uu ka yimid, oo uu dalka oo dhammi u kharribmo sidii
laanta afka soomaaliga ee BBC oo haatan noqotayfasataleeti
ay Yuusuf Garaad iyo ciyaal kale qoyaanka isaga tiraan!
Toddobaadkii la soo dhaafay waxaa iscaayey Yuusuf Garaad
oo ah tifaftiraha laanta iyo hoggaamiye qabiil oo magaciisa lagu sheegay
in la yiraahdo Xirsi Moorgan. Waxaa cayda bilaabay tifaftiraha laanta
BBC oo hoggaamiyaha qabiilka ka diyaariyey hadal lala yaabay
oo
jabhadnimo ahaa.
Xirsi Moorgan oo Soomaaliya jooga ayaa waxaa BBC ka
hadlay Yuusuf Garaad oo la moodo in uu dili lahaa haddii uu Xirsi
Moorgan goob dagaal ku qaban lahaa, wuxuuna ku soo oogey dhawr denbi,
isla markaas waa uu ku digtey. Dhawrka denbi waxay ahaayeen in uu Xirsi
Moorgan waa hore xumeeyey qabiilka Somaliland, oo uu uga jeedey in uu
isku diro qabiilka Somaliland iyo Xirsi Moorgan!
Midda labaad wuxuu Yuusuf Garaad ku xijiyey in uu Xirsi
Moorgan xumeeyey qolada ay ku abtirsadaan asaga Yuusuf Garaad ah iyo
mudane Cabdiqaasim, oo aan Xirsi Moorgan laga jeclayn Dhuusamarreeb
agaggaarkeeda.
Yuusuf Garaad intaas ugama uu harin ciilka uu Xirsi Moorgan u qabo ee
wuxuu ku daray in markii ay qabiilkiisa USC rabeen in ay degaankooda
(Galgaduud ilaa Xamar) ka sifeeyaan dadka aan u dhalan siiba qabiilka
Xirsi Moorgan iyo Maslax Maxamed Siyaad uu Xirsi Moorgan ahaa wasiirka
gaashaandhigga.
Asaga oo hadalkii Xirsi Moorgan wata ayuu Yuusuf wuxuu ku nuuxnuuxsaday
in Moorgan uu markaas ka dib bilaabay in uu ka mid noqdo qabqableyaasha
dagaallada qabiilooyinka, oo uu gaarey heer uu marmar qaxooti noqday
markii laga akaday.
Markii uu Xirsi Moorgan ku diray qabiilkiisa iyo qabiilka Somaliland
ayuu uga sii gudbey in uu ku digto, wuxuuna yiri hadal sidaan ahaa:
”Maxay kuugu taal waxaa Xirsi Moorgan dagaal kafool kafool ah magaalada
Kismaanyo subax barqadii kaga saaray Cabdiqaasim Salaad Xassan iyo
raggiisa”!
Maalintii ay wiilasha BBC sidaas u caayeen Xirsi Moorgan iyo qabiilkiisa
maalintii ku xigtey waxaa isla meeshaas ka qaylinayey asagii (Xirsi
Moorgan) oo ay qabyaaladdaas isku xagxagteen Yuusuf Garaad, wuxuuna
asaga oo caraysan lahaa: ”Waryaa ma aan dhiman ee waa aan noolahay!”.
In aynu BBC ka hadalno muraadkeennu ma ahayn ee waxaynu rabney in aan ka
digno in aysan wax kastaa u kharribmin sida laanta BBC, oo qabyaaladda
la iska ilaaliyo, wuxuuna maqaalku ku saabsanaa in ay jiraan carruur
soomaaliyeed, laakiin waxaynu ku bilownay in laga qurxoonaa in
barlammaanka lagu qaybiyo qabyaalad.
Hal qabiil haddii dalka oo dhan looga
guuro kuma ay heshiin karaan qabiil, laakiin haddii maamulka iyo
xulitaannadu ay u fidsanaadaan hab degmo waxaa dadka u furmaysa
maskaxda, waxaana u hagaagaya mustaqbalka. Waxaa la noqonayaa qaran
degmooyin leh oo u dhigma qarannada ay ka jiraan maamullada xalaasha ahi
”Dabkii uu munaafaq shido miskiin baa ku gubta” oo waxaa
eegga lagu gubanayaa qabyaaladdii uu Ismaaciil Cumar Geelle jeclaa,
waxaana hubaal ah in aan laga baxayn boqollaal sannadood, oo waa sida
loo galay. Debinkaas la galay dhexdiisa ayuu shirka hadda socdaa ku
jirey, wuxuuse ahaa meel la isugu keenay raggii dalka hubka yaallaa uu
gacanta ugu jirey oo haddii ay isku wax taageeraan ay caddahay in ay
nabadda Soomaaliya soo dhawaanayso.
Waanadaas aynu qabyaaladda ka digney ka gadaal waxaynu gelaynaa qaybaha
ay carruurtu ku kala baxaan. Waxaa la wada og yahay in aysan carruurtu
markii nacnac loo qaybinayano kala sugi karin, ee uu mid kastaa rabo
asaga hortii wax la siiyo, oo uusan dareemi karin dareenka iyo baahida
carruurta kale.
Qabqableyaasha
Naag dumaal lagu aroosay baa waxay ogaatey in uu ninkii ka dhintay ka
cadcaddaa midkii markaas la mashquulsanaa, waxayna tiri: ”Lugtaydoy
ninba mar ku qaad”! Waagii hore markii la isu galmoonayo lug baa kor loo
taagi jirey oo ninku naagta lug buu ku dhegi jirey, ee siyaalaha habboon
oo maanta la isu jimaaco lama aqoon. Horta qabqableyaashu waa dad oo
isku mid ma aha, waxaana ku jira qaar soomaalida kuwa ugu liita ka mid
ah iyo kuwa soomaalida dadka ugu roon ka mid ah. Shanta farood ilaahay
ma uu simin.
Waxaan qabqableyaasha ka wadaa raggii dalka hubka yaal qaybsaday, oo
colaadda iyo nabadduba ay gacnohooda galeen, ee kama aan wado qof ayagu
intaas ay haystaan kaga masayrsan oo ku maaga in ay dagaal huriyaan,
kaas oo ka sii liidan lahaa haddii uu xoogaa hub ah iyo mooryaan isla
heli lahaa.
Hadalka haddii la soo koobo waxay xilli xoogaa dheer ku guuldarraysteen
in ay hubka ay hayaan isku keenaan oo ay dalka gacan dawladeed geliyaan,
waxaana taas keentay in aysan ahayn dad isfahmi kara ama isku
taariikhnololeed ah, oo markii ay isu yimaadaan wuxuu midba ka hadlaa
wax aan kan kale heerkiisa ahayn. Waxaa kale oo kala fogeeyey in uu mid
kastaa qabyaalad ku xisaabtamo ee uusan aqoontiisa iyo kartidiisa ku
fiirin hawsha meesha taal.
Waxaa jira kuwo yar oo markii
ay hadlayaan uu qofku fahmayo waxyaalihii ay sheegeen oo qofkii neceb
iyo midkii jeceliba ay hadal iyo hawlba ogaan karaan dhaqdhaqaaqooda,
isla markaas waxaa jira kuwo uu qofkii dhegaystaa is oranayo ”Sidee bay
ku dhici kartaa in uu qofkaani dad metelayo?”.
Intaas waxaa dheer in aysan qaarkood rabin in dalka dawlad laga dhiso,
oo ay ugu wacan yihiin labo arrimood. Midda kowaad waa in ay beeshoodu
haystaan hanti ay qolyo kale lahaayeen, midda labaadna waa in ay rabaan
in ay tacab xoolaad oo sharci darro ah ka unuunufaan inta uu dalku
kharriban yahay, isla markaas ay dawlad la’aanru sii dheeraato si loo
illaawo hantida ummadda ku kala maqan. Kooxdaan waxaa ka mid ah
Cabdiqaasim iyo Cismaan-Caato.
Kuwa sidaas u fakaraya waxaa
lagu garan karaa dhawr arrimood, oo ay ka mid yihiin in ay xoolaha aad u
raadiyaan oo ay dhac, baryo iyo tuugo si kasta oo ay hanti ku hanan
karaan u qamaamaan. Haddii ay dhoofaan dan aan lacag ahayn dalka ugama
ay maqna, haddii ay joogaanna boob iyo beero daroogo ah iyo xoolo
dhaddig oo la dhoofiyo iyo dhirta oo dhuxul laga dhigo ayey ku hawlan
yihiin.
Calaamadda labaad oo kuwa
nabadda iyo dawladnimada Soomaaliya fogeeya lagu garan karaa waa in ay
ka naxaan in meel dalka ka mid ah laga sameeyo maamul iyo kala danbayn,
waayo waxay rabaan in uusan waddanku wax boolis ah yeelan oo ay meel
kasta ka soo xadi karaan alaabta taal iyo in ay durugto rajada laga qabo
dawlad ka shaqaysa Soomaaliya oo leh askar ammaanka sugta.
Hal degmo oo waddanka ka mid ah haddii maamul laga asaaso waxay u
yeelaan magacyo iyo eedaymo ay ka mid tahay in uu qofkii meel wax ka
qabtaa ku xiran yahay Itoobiya iyo Keenya, ayaguna ay jecel yihiin
walaalaha carbeed! Haddii uu qof tuug ahi carab jeclaado ama uu lacag u
doonto maxay macne ah oo leedahay?! Aragtidaan liidata oo dalka
nabaddiisa lagu jillaafeeyo waxaa xanbaara kooxo makas ah oo aan ogayn
sida looga soo horjeedo nabadda Soomaaliya iyo shakhsiyaadka ka soo
horjeeda, isla markaas aan oran karin qofka tuugga ah oo waxaas ku
hadlaya ”Adigu kumaad ahayd?”.
Haddii shir qaran la isugu
yimaado waxay kuwa nabadda Soomaaliya fogaynayaa ku dadaalaan labo
arrimood. Midda kowaad waa in uu shirku fashilmo si in shir kale loo
abaabulaa ay u qaadato muddo sannaddo ah, taasina ayaga waa u guul,
maxaa yeelay waxay awalba rabeen in dawladnimada Soomaaliya xilli dheer
la moogaado si ay danihii aynu soo sheegnay ugu meelmaraan.
Midda labaad oo ay shirarka ka raajiciyaan waa in ay ka soo baxdo dawlad
aan haba yaraato ee dalka ka shaqayn oo lagu baryo adduunka, taas oo uu
shakhsi ayaga ka mid ahi iska leeyahay. Dawladda noocaas ahi marka
kowaad xagga dhaqaalaha ka ay dari mayso oo risaaqaddii la raadinayey
baa ka qoyan, waxaana mushaar looga helayaa mooryaan qabiil oo lagu
weeraro qabiilooyinkii uu dhaco ku socdey, marka labaadna waxay dawladdu
la diriraysa qof kasta oo isku daya in uu meel Soomaaliya ka mid ah ka
sameeyo maamul ay shacabku ku nastaan, marka saddexaadna waxay
adkaynaysaa in shir qaran la isugu yimaado oo waxay difaac u tahay
danihii ahaa in aysan Soomaaliya yeelan dawlad boolis iyo shanshuuro
leh.
Ganacsiga iyo danaha noocaan ah waxaa garab lagaga helaa cadow
soomaliyeed oo isugu jira soomaali damiirlaayelaal ah sida madaxda
Jibuuti iyo ajaanib ay ka mid yihiin tuugo caalami ahi. Danaysato
shisheeye ah baa rabta in ay Soomaaliya ku raagto sida ay tahay, waxaana
u fududeeya dad soomaaliyeed oo moodaya in ay dantooda shakhsiyeed ama
qabiil ku jirto in la fogeeyo dawlad shacabka hubka ka dhigta oo
nabaddii soo celisa.
Qabqableyaasha qaarkood waxay intii uu dalku kala daadsanaa galeen ceeb
ah in ay ku dhawaaqeen in ay qaar Soomaaliya ka mid ah goosanayaan,
waxayna sabab uga dhigeen ”Reer hebel baannu ka caroonnay!”. Soomaalidu
waxay ku maahmaahdaa ”Nin magaalo ka caroodow yaa ku og?!”, sidaas
awgeed kuwaas waxmagarata ah oo dalka Soomaaliya iyo ummadda
soomaaliyeed moodey labo dhoocilood oo habuub caano ah kala shubanayaa
waa kuwa ugu aragti xun qabqableyaasha, waana kuwo ay taariikhdu
nacaladi doonto, waayo waxay najaasaynayaan midnimada qaranka Soomaaliya
oo suubban.
Qabqablaha waxaa fiican in uusan ku dhawaaqin in uu dalka qaar
goosanayo, oo uusan isla soo taagin cuqdad uu leeyahay ”Reer hebel baan
ka cararayaa!” iyo in uusan meesha uu joogo daroogo ku beerin iyo in
uusan la heshiin tuugo cadow ah oo dalka sun ku duugaya, isla markaasna
uusan xaaraan ku qaadanaya miraha dalka ka soo go’a.
Wadaaddada
Wadaaddadu ma ay laha
siyaasiyiin ay kaga sabatobaxaan mugdiyada adduunka, waxayna xagga
siyaasadda ka fahamsan yihiin labo erey, oo kala ah ”Carab” iyo
”Itoobiya”! Wax ay danta soomaalida guud tahay iyo wax ay ayaga dantoodu
tahay midna ma ay garanayaan, waxayna isugu sheekeeyaan in uu jiro nin
fiican oo Usaama Laaddin la yiraahdo iyo dal xun oo Maraykan la yiraahdo
iyo in ay soomaalidu la dan tahay Usaama iyo qoladiisa.
Sidii Usaama
loola midoobi lahaa oo Maraykan loola diriri lahaa ma ay fahamsana, isla
markaas sidii siyaasadda carabta, midda talyaaniga iyo midda Itoobiya ay
uga garan lahaayeen kooxaha soomaalida ma ay oga.
Waxay ku
socdaan mugdi! Xawilaadda lacagta kuma ay xuma marka loo eego dadka
kale, waayo xagga ammaanada iyo xagga in xaafadaha lacag la geeyo waxaa
la hubaa in ay ku wanaagsan yihiin.
Haddii ay arkaan
qabqable mid kale ku xifaalaynaya ama ku dacaayadaynaya in uu Yuhuud ama
Zanbia xariir la yeelahay uuna carabta ka fog tahay waxay moodayaan in
uu midkii warkaas sheegay rasuulkii oo kale yahay midka kalena uu
Abuujahal oo kale yahay.
Kuwa cajaladaha laga duubo
qaarkood waxay ku dhaqmaan qabyaaladda, waxayna hab qabyaaladeed ugu
kala eexdaan qabqableyaasha, dabadeedna kuwo caamo ah oo cajaladaha kala
duubta ayaa waxay moodaan in midkii uu shiikhu caayaa uu gaal yahay,
midkii uu qabiil ahaan u raaco ama uu lacag ka rabaana uu ilaahay u dhow
yahay, ka dibna waxaa abuurmay aragtiyo dafiic ah oo ay diintu u kala
eexato qabqableyaasha qabiilooyinka, oo ay weliba u eexato kuwa ugu
xaaraan cun badan.
Dhacii badnaa iyo tuugadii
koofurta Soomaaliya ka dhacay kama ay hadlaan, ee waxay ka doodaan in uu
Maxamed-Dheere dad wajigooda qarsada uga shakiyey arrimo nabadgelo
awgood! Magaalooyinka Marka, Xamar iyo Baraawe waxaa la deggan yahay
boqol kun oo guri oo dadkii lahaa la laayey ama laga qaxiyey, waxaana la
moodaa in ay diintu xalaalaysay marka la eego sida ay wadaaddadu uga
aamuseen!
Diintu xilligaan waa dukaan lagu ganacsado ama waa geedo ay
qabiilooyinku isugu soo gabbadaan markii ay murmayaan, ee ma aha wax
ummadda si xaq ah oo caafimaad ah loogu sheego. Qof ku nool hoyaad uusan
lahayn oo cuna hanti uusan lahayn baa wuxuu ku doodayaa ”Axdi qarameedka
meel baan diinta waafaqsanayn!”.
Wuxuu
rabaa in uu dawlad la soo dhiso kaga hortago ereyadaas caaqnimada ah si
aan inta hubka laga dhigo looga saarin beeraha uu ka qaaday dadkii
lahaa, oo aysan carruurtiisu uga bixin guriga ay u degganaayeen dhawr
iyo tobankii sannadood ee la soo dhaafay.
Wadaaddada qaarkood
qabiilkii ama qofkii ay shuufaan waxay caydooda u ekaysiiyaan diin,
waxaana isaga khaldan carabta oo aysan ka dabaalan karin siyaasad ahaan
oo aysan kala aqoon boqorrada faasiqiinta ah iyo asaxaabtii rasuulka iyo
siyaasadda soomaalida oo aysan waxba ka ogayn meel loo wado iyo meel
laga wado.
Siyaasad ahaan waxaa ugu roon kuwii aynu soo sheegnay oo isku wada
qabyaalad iyo diin, taasna macneheedu ma aha in ay shakhsiyaad fiican
yihiin, ee soomaalida ayaa ku maahmahda ”Waxba wax bay dhaamaan”. Haddii
uu qofku qabiillada qaar ka soo horjeedo, uuna yahay shiikh tafsiirka
yaqaan wuxuu mari karaa waddo siyaasadeed oo aysan dadka caaqyada ahi
fahmi karin, waxaana waddadaas maray oo ku barwaaqoobey shiikh
Cumar-Faaruuq iyo rag kale!
Horta waa in ay dad badani ogaadaan in aad diinta ilaahay fidisid, oo
lagaa duubo cajalado badan, ka dibna waa in aad xariir la lahaatid
qabqableyaasha aad xulufaysan kartid xagga qabiilka oo kuu waafaqi kara
caaddifaddaada qabyaaladeed. Labo faa’iido ayaad ka helaysaa
qabqablahaas, waana in uu lacag ku siiyo iyo in uu qabiilkaaga iyo kiisa
mideeyo. Adigu markaas dadka caamada ah oo qabiil kasta ka kooban waa in
aad labo arrimood ka fulisid. Midda kowaad in qabqablaha aad jeceshahay
kuwa ka soo horjeeda aad diin ahaan ugu dirtid, iyo in aad laftooda sida
xoolihii u maashid oo aad maalkooda jeebabka ku uruursatid.
Xagga dhaqaalaha waxay farsamada noocaan ahi ku fiican tahay in labo
ilood oo dhaqaale u irmaan yihiin ninkii fahma, waxayna kala yihiin
lacag uga imanaysa qabqablaha uu u shaqeeyo iyo lacagta dadweynaha ka
soo uruuraysa, oo aan qabiil loo eegayn ee xataa qabiilka uu shiikhu
neceb yahay ay bixinayaan.
Waddadaasi waxay ka mid tahay
siyaasadaha ugu waaweyn oo ay wadaaddada soomaalidu ilaa maanta dalka ka
muujiyeen, waaana arrin muddooyinkaan danbe soo fashilmaysa oo keentay
in uusan qofka soomaaliga ahi aamminin qof diin fidinaya, oo la sugayo
inta xukuumad laga helayo si ay u kala soocmaan qabyaaladda iyo diinta
islaamku.
Calooshood u
shaqaysteyaasha:
Dadka soomaalida ahi waxay wada og yihiin
in ay shacabka badankiisu la xadraynayaan jacayl ay u qabaan qabyaalad
iyo caaddifad reerreer loo kala dudo, waxaase yaab leh in ay jiraan dad
aan qabiil jeclayn oo laga yaabo in ay xataa qabiilkooda wax ka laayaan
oo markii ay beeluhi isxasuuqayaan ay xabbadoodu u dhacdo dhanka
qoladooda!
In uu qofku qabyaalad iyo
xamaasad ka fogaadaa waa arrin wanaagsan, waxaana loo qabaa baahi weyn
si looga baxo dhibaatada, laakiin taas macneheedu ma aha in aad
qabiilkaaga ama mid kale nebcaadid, isla markaas ma aha in aad cuntodoon
tahay.
Qofka damiirkiisa iyo aragtidiisu haddii
ay qado iyo quraac ku xirmaan laguma tilmaami karo in uu ka xoroobey
qabiil, lagumana sheegi karo qof soomaali ah, waayo barri ka maalin buu
wuxuu cunto u doonanayaa dalka Itoobiya asaga oo jaajuusaya ummadda
soomaaliyeed.
Dad badan oo weliba u badan
dad wax bartay baa waxaa ku dhacay jirro aydhiska ka xun oo ah in uu
risaaqad xun keli ah baadigoobo, oo uusan dalka Soomaaliya dhibta
haysata ka xanuunsan ee uu noloshiisa uruursado shilimo ceebeed.
Kuwa sidaan ahi haddii ay shir gobol ama
soomaaliyeed aadayaan waxay dantoodu tahay sidii ay inta shirka la joogo
u heli lahaayeen khamro iyo jeebgashi, badadeedna aysan uga qadeen wixii
risaaqad ah oo ka yimaada hawsha ka dhalandoonta shirka.
Soomaalidu waxay ku
maahmaahdaa “Nin walba tankiisa ayey qodaxdu u tagtaa” oo laga wado
qofkii qodax ku joogsada waxay mudaysaa hadba inta uu culayskiisu yahay,
oo haddii uu culus yahay aad bay u mudaysaa. Haddaba kooxda noocaan ahi
isku miisaan ma aha, oo qaar baa waxay cayrsadaan qaad ay ayaamo cunaan,
qaarna waxay ku xisaabtamaan malaayiin lacag ah oo ku shubanta lanbar ay
bank ku leeyihiin.
Culaysta caloosha loogu shaqaystaa wuxuu
ku kala xiran yahay saddex arrimood, oo midda kowaad waa in uu qofku
dalka ka soo qabtay jago sare oo uu heli karo magac aan laga eegin meel
hoose oo qado wanaagsan loogu oggolaan karo. Midda labaad waa in uu
aqoon leeyahay, siiba waa in uu leeyahay aqoon xiriirrada caalamiga ah
iyo dhaqaalaha ku saabsan. Midda saddexaad waa in uu yahay qof u abuuran
turufo iyo khiyaamo, oo ku habboon in uu si damiir la’aan ah u gali karo
waddooyinka noocaan ah.
Saddexdaas calaamo haddii
uu qof isku darsado wuxuu ka mid noqonayaa kuwa ugu nasiib daban uguna
dheereeya tartanka caloosha lala cayaaro, isla markaas haddii labo ama
mid ku sifoobo wuxuu feenanayaa lafo badan oo xaaraan ah.
Dadka dabeecadahaan lihi
waa cadowga ummadda soomaaliyeed, waana manaxeyaal aan dalka iyo dadka
midna rabin, oo sidii ay lacag ku heli lahaayeen baa kala weyn
soomaalida oo dhan, qabiilkooda, waalidkood iyo walaalohood.
Haddii ay shir
aadaan kama aha in la gaaro xukuumad dalkooda nabad ku soo dabbaasha, ee
waxay rabaan in ay indhaha la raacaan cuntada iyo xoolaha uu shirku
riman yahay, waxayna la xulufoobaan hadba meesha ugu dhow oo ay coloosha
wax uga heli karaan. Waa dad aad u caqiido xun oo aan sheegi karin xal
ummadeed, waxayna ku meeraystaan in ay ammaanaan qofkii ku fura jid yar
oo qayilaadeed.
Cadowgoodu waa qofkii laga
dareemo in uu samaynayo siyaasad iyo maamul hirgelaya oo sharci ah, oo
ugu horrayn tillaabo ka qaadaya hubka iyo nabadda, ugana sii gudbaya in
aysan hay’aduhu noqon wax uu qof meel iska joogaa cunto nin kaga cuno,
ee ay noqdaan wax laga shaqeeyo oo u taagan danaha ummadda.
Kuwa calooshooda u
shaqeeyaa wax dan ah kama ay laha kala googo’a dalka ka jira, hubka
waddanka ku faafay oo aafeeyey, isbaarooyinka iyo tuugada koofurta
Soomaaliya muddada dheer ka buuxey iyo sida loo dulmiyo qofkii laga xoog
roon yahay. Maatadii iyo dalkii oo cadow shisheeye iyo mooryaan u
dayacan bay waxay cayrsadaan shilimo aan ku soo gelayn hab asluub iyo
iimaan ku dhisan.
Gorayadu markii ay roob ku
ordayso raadkeeda lama arko, oo tillaabadeedu waa boqol mitir, kuwaanuna
markii ay meel shilimo looga sheegay ku yaacaan waa ay tillaabo dheer
yihiin, laakiin markii shaqo xalaal ah loo kallaho ama talo dhab ah wax
laga weydiiyo waa dadka kuwa ugu tayo liita, uguna dood ku nuxur daran.
Markii ay ogaadaan
in uu waxqabad dhab ahi meel ka unkamay waxaa ku dhaca jirro ay
moodayaan in uu calafkoodu dhadayo, waxayna la meehannaabaan fidmo aan
yool lahayn, oo calooshooda keli ah ka turjumaysa, weligoodna lama arag
wax ay qabteen oo aan ahayn in lagu maadaysto xoolo ay si foolxun
jeedkooda ugu leexiyeen iyo in ay meelo ihaanaysan ka soo lafaysteen.
Calooshoodu ma ay buuxsanto oo wax ay
qaadaan dib looma arko, markii hawl gobol ama ummadeed la hayona lama
arko, oo xan nacasnimo ah bay la nuxnux leeyaan, markii ay shilimo
uriyaanna waxay dadka jiirayaan ayaga oo malabsanaya.
Haddii inta marduuf
qaad ah loo dhiibo loo diro in ay hooyadood soo gawracaan waxay la
ordaan mindi saawir ah, mana ay eegaan barri iyo aayaha carruurtooda, ee
waxay ujeedaan cuntada markaas u muuqata, mana ay laha karti ay runta
ugu bareeraan oo waxaa sidii uu rabo ka yeeli kara qof aan jeclayn oo
dullaynaya.
Magac iyo ammaan haddii ay
doonayaan waxay ka raadiyaan xas cidlo ah oo ay ku hungoobayaan, waxayna
weligood ka muuqdaan meel ihaano, oo ma ay leh burji iyo awood ay ku
qanciyaan waxgaradka ummadda iyo dadka jecel in shacabka soomaaliyeed
laga soo uruuriyo qoryaha ay isku dulminayaan, oo shaqooyin loo abuuro.
Ammaan aysan u
qalmin bay si aan habboonayn ugu raadjoogaan ayaga oo loo jeedo in ay
yihiin maangaabyo aan xishoon oo aan lahayn damiir fayow, caqiido fiican
iyo dadnimo ay u dhasheen oo tusa in ay ummaddooda la jeclaadaan nabad
iyo in laga saaro halaagga ay quusayaan.
Kuwaani adduunka
waxay ka cunayaan oon aan sharaf lahayn, waxayna ka huwanayaan maryo
ceebeed, waxay u hoyanayaan aqallo fadeexadeed, waxayna u dhimanayaan
fulenimo iyo cuqdad aan ku habboonayn qof dal iyo dad leh.
Talo
Labo arrimood oo aynu hore u soo taabannay
baa muhiim ah, waana in qabiilkii jamhuuriyadda in uu qaar goosto damca
laga diido iyo in shacabka hubka laga uruuriyo. Labadaas arrimood midda
hore wax culays ah ma ay laha oo ummadda soomaaliyeed oo dhan baa
taageersan, waana lagu guulaystey oo maanta wax shiddo ahi kama ay
taagna.
Arrinta ah in waddanka
gacan dawladeed la geliyo waxaa sidii aynu soo sheegnay hortaagan dad
raba in ay mugdiga uu dalku ku jiro kaga danaystaan oo aan dhawaan la
helin nabad iyo xasillooni. Waxaa keenay in aynu nabadda iyo hubka gaar
u taabanno in aynu og nahay waxa ugu darani in ay tahay in ay shacabku
shacab noqdaan, oo ay hubka iska dhiibaan, waayo in dalka la nabadeeyo
wax aan ahayn laguma gaari karo waxyaalaha la tebayo.
Waxaa hubaal ah haddii ay beelaha qaarkood
diidaan in jamhuuriyadda la nabadeeyo oo ay ku adkaystaan in ay ka
cagojiidaan in la helo siyaasad midaysan iyo maamul shaqeeya aysan
suurtoobayn in la helo soomaali nabad ah, maxaa yeelay qabiilna mid kale
kuma uu khasmi karo danta guud, oo sababaha arrinta Soomaaliya daahiyey
waxaa ka mid ah middaas.
Waxyaalaha beenta ah oo in
ay qabqableyaashu maskaxdooda ka saaraan ay ayaga iyo ummaddaba u fiican
tahay waxaa ka mid ah in ay nabadaynta dalku beel gaar ah ama shakhsi
soomaali ah ku tahay dhibaato. Qabiil hubaysan oo ay haddii la xisaabiyo
maalin kasta ka dhintaan labaataneeye qof oo aan habeenkii nabad ku
seexan, oo suuqa nabad ku mari karini maxay faa’iido ah oo haystaan?!
Qabqablaha ay xerada ugu jiraan kooxda dhallinyarada ah oo aan mid
magaciisa qori kara lagu arag, oo shacabka intooda taagta daran ku
dulmiyaa muxuu waxaas ku gaarayaa?!
Waddada uu u sii macaansanayo oo ah in uu
soomaalida iyo dalkoodaba si khaldan shilimo xaaraan ah uga raadsado iyo
in uusan cidna ka haybaysan oo uu hameen iyo maalin duullaan ku jiro
waxaa asaga iyo ummaddaba u dhaanta in uu la midoodo kuwa kale oo hubka
haysta, dabadeedna uu ka qaybqaato nabadaynta iyo hawlaha lagu soo
celinayo midninmadii ummadda. Haddii uu ganacsanayo waxaa u fiican in
dalka oo nabad ah oo ay carruurta soomaaliyeed iskoollo dhigtaan uu
canshuur iska bixiyo oo uu noqdo ganacsade soomaaliyeed oo ku faraxsan
in uu leeyahay dal nabad ah iyo dad ay wax u kala socdaan, asaguna uu
adduunka sharaf ku lahaado oo aan meeshii uu tagaba lagu xadgudbin.
Qabiilkiisa iyo asaga ma wuusan Rabbi siin
karin risaaqad aan ahayn in ay isbaaro waddooyinka dhigtaan iyo in ay
hindise madow u maraan calafkii uu ilaahay u qoray? Dhallinyarada lagu
wacyigelinayo in tuugo iyo dhac uu mustaqbalkoodu yahay waxaa u fiican
in loogu beddelo in ay soomaalidu yihiin dad walaalo ah, dalkuna uu
yahay dal soomaaliyeed, oo haddii uu nabadoodo ay furmayaan jidadkii
nolosha loo mari lahaa.
Guri dundunsan oo xaaraan ah iyo beer uu
qofkii lahaa diley qofka soomaaliga ah ilaahay risaaqaddiisa kuma uu
xirin, oo waxaa furmi doona mashruucyo dalka oo dhan lagu guryeeya si uu
qof kastaa u helo hoy uusan cidna ka qaadin, isla markaas waxaa
abuurmaya shaqooyin uu nabad ugu jarmaado oo uu lagac ku helo asaga oo
aan qof soomaali ah dilin.
Magaalada Muqdisho isku
celcelis waxaa maalin kasta lagu kufsadaa 500 ilaa 600 oo dumar ah,
waxaana haddii ay nabadowdo furmaya shukaansi caadi ah oo uu nin kastaa
middii uu ka helo la xaasiibo iyo guur xalaal ah, ninkii danbe oo gabar
xoogana waxaa loo dhiibayaa boolis soomaaliyeed.
Dekadihii hore haddii la
furo kuwo cusubna la dhiso, isla markaas ay goobaha duullimaadku si
caadi ah u shaqeeyaan wuxuu qofka soomaaliga ahi helayaa shirkado badan
oo uu middii uu rabo u shaqeeyo. Waxaa kale oo shaqooyin badan laga heli
doonaa ciidamada qaranka iyo hay’adaha kala duwan.
Meel kasta wuxuu
qofka soomaaliga ahi ku mari doonaa nabad, wuxuuna helayaa dukument
sharciyaysan oo uu soomaali kastaa xaq u leeyahay ayada oo aan la dhibin,
oo aan lagu xadgudbin. Wuxuu qofku illaawayaa shirkadaha xawilaadda iyo
shaxaadka, oo wuxuu ku mashquulayaa shaqadiisa, waxayna carruurtiisu
helayaan waxbarasho fiican, waayo waxaa dalka nabadda ah ku soo
laabanaya oo hawlgelaya dadkii soomaaliyeed oo bannaannada ku kala
firiqsanaa.
Waxa ugu xun oo uu qofku noqdaa waa “tuug”,
waxa ugu fiican oo uu noqdaana waa shaqaale. Waxa ugu weyn oo maanta loo
baahan yahay waa nabad, waxaana loo mari karaa in ay qabqableyaashu isu
keenaan hubka, isla markaas la qorsheeyo sidii hubka oo dhan isku maamul
loogu gacangelin lahaa
Ha ku mashquulin in aad nin
madaxweyne loo doortay fiirsatid ee niyadda ku hay sidii nabad lagu heli
lahaa, waxaadna ogaataa in qofkii nabadda iyo hubka wax ka qabtaa uu ku
taagan yahay waddadii nolosha loo mari lahaa. “Yaa wasiir ah!”
maskaxdaada ha ku daalin ee waxay wasaaraddu qabatay ku xisaabtan.
Taliyaha saldhiga booliska ha ku farxin in uu kuu eexdo, ee ku farax in
uu boolisku xaqaaqa kuu waardiyeeyo oo aan lagu dulmiyin.
In aad adigu qori
isku waardiyaysid waxaa ka fiican in uusan jirin qof qori sita oo aad
iska waardiyaysaa, oo uu hubka oo dhammi ku jiro gacanta ciidammada
qaranka, isla markaas aysan ciidamada qaranku ku dulmiyin, oo ay
ahaadaan waardiye adiga kuu shaqeeya oo aad muuqaalkooda ku faraxdid.
Debedaha ha eegin ee dalka
eeg! Ha ka sheekayn ”Golaha ammaanka” iyo hay’ado caalami ah ee ka fakar
ammaanka xaafadda aad ku nooshay iyo hay’adaha adiga kuu adeega.
Caaddifadda qabiilka iska saar, waayo qabiilka kale laftiisa ayaa
xamaasad qaba oo haddii aad labadiinnu isnacdaan waxaa la waayayaa
Soomaaliya.
Soomaaliya! Soomaaliya! Ha
noqon tuug soomaalida xada, hana raadin in aad gaar ugu noolaatid wax
aadan gooni u lahayn, waayo waxaa lumaysa kalsoonida. Haddii ay
kalsoonidu lunto wuxuu qof kastaa qaadanayaa qori ama toorrey, waxaadna
waayeysaa waddo aad nolosha u martid
Ma waxaad ku
kalsoon tahay in uu awoodda dalka gacanta ku dhigo nin aad isku
dhowdihiin xagga qabiilka? Maxaa diidaya in ay awooddu adiga gacantaada
gasho? In xafiis kasta oo aad tagtid lagu qanciyo oo aadan dareemin in
uu jiro qof xuquuqdaada ku seejiyaa ayaa ah awooddaada.
Awooddaadii
meeday? Maxaa awooddaada adiga kaa dheereeyey oo aad marti ugu tahay
madaxweyne kula qolo ah, oo aad uga baqaysaa madaxweyne aan kula qabiil
ahayn? Sidee baad ku heli kartaa in aadan qofna ka cabsan, oo aad adiga
iyo madaxweynaha aad ka baqaysid ama aad magangelaysaa aad isku mid ku
noqon lahaydeen.
Wuxuu yahay
madaxweynuhu?
Maxaad ka aamminsan tahay?
Waxaad ka aammintey wax aan jirin oo ah in uu kaa awood sarreeyo! Sidee
baad ku ogaatey in uu leeyahay awood aadan lahayn? Waxaad ku ogaatey in
aadan weligaa soo marin nolol caddaalad ku dhisan. Madaxweynuhu ama
wasiirku wuxuu u shaqotagaa xafiis uu ka qabto hawlo ka yar kuwa aad
adigu dalka u haysid, oo uu sharcigu u qeexayo. Hawlohoodu kama ay
sharaf badna kuwa aad qabatid. Hantida idiin dhexaysa uma ay laha awood
ay ku qaataan sida aadan adiguba ugu lahayn, haddii ay u yeeshanna ma ay
aha madaxweyne iyo wasiir ee waa qabqableyaal dagaal.
Shaqo ay mushaar ku helaan oo taada oo kale ah wax ka badan haddii ay
awoodaan waxaa kaa maqan ama qof kale ka maqan xaq, waana sababta aad u
baqaysid oo aad u moodaysid in uu madaxweynuhu yahay wax macne weyn leh!
Sawirka maskaxdaada ku jiraa ma aha hoggaamiye ummadeed iyo masuul
hay’adeed ee waa sawir ”tuug!”. Waxaad rabtaa in uu tuug qoladiinna ahi
xado hantida ummadda oo uu soomaalida dulmiyo! Nolol aan tuugnimo ahayn
in aad ka fakartid maxaa kuu diidey?
Maxaa walwal
iyo shaki noloshaada geliyey?
Qori iyo
lacag! Qoriga in aan lagugu dulmin ma la samayn karaa oo lagugu
waardiyeeyo adiga iyo carruurtaada?
Ma la samayn karaa in uusan
madaxweynaha aad ka baqaysaa heli karin lacag aadan adigu heli karin?
Maxaa nin kula mid ah u saamaxaya in uu qorigii qaranka adiga oo miskiin
ah kugu dulmiyo, sidee buuse u awoodaa in uu dhaqaalaha dalka adiga oo
rafaadsan iska qaato.
Waxaad ka baqaysaa in
aan danahaaga waxba laga qaban oo adiga daalac laguu raacdo, isla
markaas magacaaga iyo magaca qaranka lagu uruursado canshuuro aadan
aqoon wax lagu qabto iyo hantiyo kale oo ay ku falaadaan niman aad
saxaafadda magacyadooda ka maqashid oo aadan jeclayn.
Go’aankii ugu danbeeyey oo aad qaadatay wuxuu ahaa in aan lagu noolaan
karin Soomaaliya iyo in ay noloshu tahay qaxootinnimo, waxaadna qabtaa
quus ah in magaca Soomaaliya qofkii metelaa uu dadka laayo oo uu lagac
meelahaas ku xasaysto.
Horta maanta
laga bilaabo adiga ayaa madaxweyne ah! Maya waxaad tahay wasiirkuxigeen!
Waa ilaahay mahaddiis haddii ay wax awood ahi maanta gacantaada soo
galeen!
Haddaba maxaa talo ah? Konton sannadood ka dib
carruurtaadu xaggee bay joogi doonaan? Maya konton sannadood waa ay kugu
badan yihiin ee labaatan sannadood ka dib qofkii buug kaa qoraa muxuu
qorayaa? Saddex waxyaalood baan anigu waxaan qori doonaa labaatan
sannaadood ka dib. Midda kowaad waa hubka iyo katiinadaha, midda labaad
waa hantidii dalka, intaas ka dib laftaada ayaan daalac kuu raacanayaa.
Ogow in aanan erey been ah qorayn!
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se
|