HOME | NEWS |MAQAALLO | GEDO | FEEDBACK

SIGN/VIEW: GUESTBOOK

logo logo
 
 

Sad libaax

 Waa gabay uu tiriyay Abwaan:
Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se

June 12, 2004
 

Nin soomaali ah oo magaciisa la yiraahdo Cabdirashiid Faarax Xassan-Cadde ayaa wuxuu muddo dheer igu saluugsanaa in aanan wax gabay ah curin. Saluugmadaasi waxay taagneyd xilli dheer oo dheer, oo aanan wax halcelin ah ka bixin, waxaase eegga 01-07-2004 (kowda bisha toddobaad labada kun iyo afarta) qoran gabay magaciisa la yiraahdo ”Sad libaax”, oo aan isaga xayuubiyey dhalliishii iyo saluugmadii dushayda ku xasilay.

Ulajeeddada iyo hadafka ”Sad libaax” waxaa fasirkooda leh ummadda, waxaanse anigu samaynayaa hawl yar oo aan ku fududaynayo ereyo aan moodey in ay dadka qaarkood ku adkaan karaan. Waxaan ereyada u soo hormariyey in uu akhristuhu inta uusan gabayga bilaabin kalmadaha isha mariyo si uu uga badbaado in uu erey maansada ku jiraa dareenkiisa geli waayo, waxaana kalmadaha ku tusaalaysan miro gabay ah oo ay ereyadaasi ku jiraan.

Si ay hawshu u fududaato ayaan kalmadaha waxaan isugu xijiyey sida higaadda qaamuusku isugu xigto, oo qofkii adeegsan jirey qaamuus wuxuu dhaqso u heli doonaa ereygii uu inta uu gabayga akhrinayo ka qaloodo. Sidaas awgeed lamahuraan ma aha in hortii ereyada la eego, oo waxaa loo boodi karaa gabayga, dabadeedna waxaa gadaal loo soo eegi karaa ereyada fasiran.

Saabaan = alaabada guriga sida miisaska, kuraasta, sariiraha iyo wax kasta oo lagu dhaqmo. (Saabaanta niman baan guryaha, sadaf ku reebayne).

Saabbir = cayr, dad aan wax xoolo ah lahayn. (Siraad baa u baxay duulashii, saabbirka ahaaye).

Saajac = geesi. (Salamadlaha diyaaradahayaga, saajac baa wadine).

Saan = harag. (Sitaac duug ah iyo lagama tegin, saanta xoolaha’e).

Saancaddo = ayaan darro, nasiib la’aan aad u xun. (Saancaddiyo halaag baa ku dhacay, saracii beernaaye).

Saari = guntiino iyo garbosaar isku maro ah, oo qurux badan. (Niman baa santuuqyada dhaciyo, saaridii dumare).

Saaruq = mirif, saxarro ama qashin biyaha dulsabbeeya. (Sarqaankaba waxaa inagu ridey, saaruq daallin ahe).

Saawir = bir afbeeshay, sida mindi aan waxba goyn karin. (Sallaaddiyo waxaa la isku diley, toorrey saawir ahe).

Saayibid = udbo ama qoryo madaxa saraf ku leh oo gaadiidka badda oo yaryar lagu wado. (Udbahaan ku saayibi lahayn, sarafta loo qaabye).

Yaayir = turriinsho iyo dhaqaalayn. (Sallaxnaan dadnimo iyo la waa, saayir nololeede).

Sabbakh = rinji ama wax kale oo midab beddeli kara. (Sabbakhii haweenkaa la dhigay, gudaha Siinaye).

Sabbuux = bil magaceed. (Sabbuuxii gugaa wuxuu la yimid, sagallo waaweyne).

Sabeen = lax dhallin yar. (Rag sabeen ku noolaan jiraa, sooryo weyn heline).

Sabo = agaggaar. Waxaa badanaaba loo adeegdasaa fagaagga guryaha iyo kaalinnada ceelasha. (Salwo iyo farxadi waa in ay, sabada yaallaane).

Sacaf = timir lafaha laga guray oo inta la isku rafaaqey subag lagu daray. (Sacaf timir ah iyo way yar tahay, sahay la qaataaye).

Sacsac = dhaandhaan. (Sacsaceenna iyo way bateen, sagagarkeeniiye).

Sactar = geed ugdoon oo cuntada lagu carfiyo. (Sactarkii la boob iyo gabdhaha, silisyadoodiiye).

Sadaaddo = jiirago’, daal ay oogada iyo muruqyadu aad u xanuunaan. (Sadaaddiyo waxaa inagu badan, sahasho dhiillo ahe).

Sadaf = dhagxan ay baddu soo tufto oo gudo iyo qalbacyo leh. (Saabaanta niman baan guryaha, sadaf ku reebayne).

Sadaq = ulo dhuudhuuban, oo inta xargo la iskula sameeyo la goglado. (Sadaq lagu fariistiyo ma jiro, geed sanoobbir ahe).

Sadax = oogada guryaha ama gurada doomaha iyo maraakiibta. (Sadcaal bay u bixin doonyihii, sadaxa weynaaye).

Saddexanyo = hub iswata oo ka kooban labo waran oo kala yar iyo gaashaan. (Saddexanyada warmaha waa la dhigin, samayohoodiiye).

Safiih = maangaab. (Safiih iyo waxaa inaga mid ah, soonge doqoneede).

Safrad = kharaar ama gaajo hamuun subax ah. (Safraddiyo dadkii lagu dibridey, haybta saransoorka).

Sagagar = qof ay maskaxdiisu dhimman tahay. (Sacsaceenna iyo way bateen, sagagarkeenniiye).

Sagal = daliigo aroortii cirka kaga yaal dhanka ay qorraxdu ka soo baxayso, oo lagu saadaaliyo in uu dhawaan roob da’i doono. (Sabbuuxii gugaa wuxuu la yimid, sagallo waaweyne).

Sahasho = sal la’aan aan meel lagu xasilin, oo dhaqdhaqaaqa jirka la badiyo. (Sadaaddiyo waxaa inagu badan, sahasho dhiillo ahe).

Sajarasho = galaafasho, in uu qof denbiile ahi dad aan eed gelin u soo jiido wax aysan galabsan. (Kuwii ina sajarey waxaa ka roon, gaal saliib xirane).

Sakaarwaran = wax sidii la doono laga yeeli karo, oo diyaar ah. (Hayeeshee dantaan uga socdaa, ii sakaarwarane).

Sakati = baqdin lala fiigo, oo mar kasta wadnofug iyo wiswis lagu jiro. (Sakatigii la naxay bay dadkii, saaqday waalliduye).

Sakiiro = lugo sidii ay u abuurnaayeen uu cudur ka beddeley, oo uu qaabkoodu xumaaday. (Sunbay baa waddada taagan iyo, tuug sakiiro lehe).

Salaaf = khaafsanaan uu fudayd weliyo oo uusan qofku hadalkiisa ka fiirsan karin, ee uu waxii maskaxdiisa ku soo dhacaba la soo boodo. (Waatay salsaliyeen wax badan, duul salaaf lihiye).

Salab = hub. (Salabka iyo qoryaha dawlad baa, loo sallimayaaye).

Salamadle = shinbir weyn oo sida diyaaradaha aad hawada ugu fogaata. (Salamadlaha diyaaradahayaga, saajac baa wadine).

Salbuuko = digir uu midabkeedu cagaar yahay, oo yaryar. (Sabuul iyo galley iyo la waa, digir salbuuko ahe).

Sallaaddo = waran yar. (Sallaaddiyo waxaa la isku diley, toorrey saawir ahe).

Sallaan = jaranjar. (Sallaankeeda lama koro haddaan, waagu saamixine).

Saloogan = wax dheer oo muruxsan oo soo turmaagan. (Salow iyo colaad baa wax badan, nagu saloognaaye).

Saloolasho = in cagaha fooggooda inta la isku taago addimada hore meel sare lagu soo haabto. (Saraar horumareed waa in ay, kor u salooshaane).

Salow = qaylada nooc ka mid ah, oo ku timaadda qalalaaso. (Salow iyo colaad baa wax badan, nagu saloognaaye).

Salwo = cayaaraha nooc ka mid ah. (Salwo iyo farxadi waa in ay, sabada yaallaane).

Samayo = usha waranka lagu daabo. (Saddexanyada warmaha waa la dhigin, samayohoodiiye).

Samoolad = guga marka ay barwaaqadiisu ugu badan tahay. (Way wada samooladin dadkii, sooganta ahaaye).

Sangaalle = dixiri geela sankiisa ku abuurma, oo markii uu geela ku kaco wareeriya. (Sidii geel sangaalloobey baa, saynta loo ruxine).

Sanoobbir = geed alwaaxda laga sameeyo, oo miro bixiya, oo aysan abaartu caleemaha ka qaadin. (Sadaq lagu fariistiyo ma jiro, geed sanoobbir ahe).

Saqle = orod fardood oo gaabin ah, oo qofka aan fuulidda aad u aqooni uu badanaaba faraska ku wado. (Saqle iyo fardaa lagaga iman, Saaxil iyo Shiikhe).

Saraar = meel sare dusheed. (Saraar horumareed waa in ay, kor u salooshaane).

Sarab = rammaali, ulo wax lagu dhiso. (Sarabka iyo albaabada rag baa, sida habeenkiiye).

Saransoor = isgale, meel ay labo wax iska galaan, sida labo maro oo isku tolan. (Safraddiyo dadkii lagu dibridey, haybta saransoorka).

Sarco = qallal, jirro loo suuxo. (Sarco loo qallalay baad, naftii socotay mooddaaye).

Sardhayn = hurdo dhaqso loo gamo’. (Saqda dhimashadii aakhiraa, lagu sardheeyaye).

Sareedo = barwaaqo. (Sareediyo wanaag baa, qalbiga laga saraadshaaye).

Sarriig = xishood. (Salfudaydka maansadu adeer, waa sarriig xumo’e).

Sarriijin = in timo ama dhogor la rifo, oo aan xanuunka laga nixin, ama dun iyo wax la mid si xun loo tifo. (Soddomeeye iyo dhawr gu bay, ina sarriijeene).

Sarwaan = ul dheer oo aan dhuubnayn, oo sida badan aan toosnayn. (Sarwaan iyo ul baan qorannay iyo, siiqe xoog badane).

Sarwacan = si khaas ah loo argo ama gooni loo eegayo. (Soojeedka iyo qalinka waa, loo sarwacayaaye).

Saryan = biciid lab ah, oo aad weyn. (Saryankii biciidkiyo dhammaa, kuman sagaaro ahe).

Sati = shay sida qufad ama dhiil u tolan oo alaabta yaryar lagu gurto, oo caw ka samaysan. (Sati booliyaa lagu gorgorin, sicir belaayo ahe).

Sawaxan = qaylo sida libaax cartay oo kale ah. (Afartaas sawaxan horudhacoy, salashey haaddii dheh).

Saxal = xiddig ay dadka xiddigiyaa sheegaan in markii ay asaga iyo xiddigga mariiqu u tagaan xiddigaha naabka ay abaari xumi dhacdo. (Sayaariinta naabkaa hardiyey, saxal abaareede).

Sayaariin = xiddigo. (Sayaariinta naabkaa hardiyey, saxal abaareede).

Sayax = dhul uu roob ku da’ay oo qoyan. (Sayax lagu negaadoo ma jiro, saxansaxoodaaye).

Saylaan = madaxa ama garabka ay daruurta da’aysaa kor u bixiso. (Saylaan galbeed iyo diraac, saymo laga waaye).

Seenyoon = aan geeso lahayn. (Afartaas sarbeeb duugan iyo, hadallo seenyoon dheh).

Seeraarin = dulmarin tuuryo ah, sida in geed shishadiis dhagax lagu tuuro oo aan geedka la taabsiin. (Dadkii tixaha seeraarin jirey, samir ha qaateene).

Sees = shay qodxo leh oo dhasha xoolaha gafuurka loogu xiro si ay hooyadood uga cararto markii ay qodxuhu mudaan, dabadeebna ay u gurto. (Sac ballaaran oo wuu yar yahay, sees ku gurayaaye).

Seeto = dabar, xarig xoolaha labadooda jeeni lagaga la iskula xiro si aysan meel fog u aadin. (Haddaan caawa seetada ka furay, waa si gooni ahe).

Seexaw = warjeef, in wax badan isku mar la baaba’sho. (Seexawda waxa laga dhigaa, siiqdii geedaha’e).

Senge = farax dhufaan ah, oo weyn. (Weligay sengaha waxaan koraa, saaka oo kale’e).

Sibir = shamiito. (Soosaar warshadaliyo shaqaa, sibirka loo qoyne).

Sibraar = xab, harag xoolaha si farsamaysan looga bixiyo ama la tolay oo caanaha ama biyaha lagu shubto. (Sibraarraa waxaa loogu shubin, suluxa dhayda ahe).

Sidig = labo ama saddex neef oo hal ilmo ahi wada nuugo oo kuwa aan dhalin loo maqaarsaaray ama lagu tolay, amaba caano ama xab loo mariyey. (Waxaa sidigta gaawaha u culay, soobil iyo liide).

Sidix = murjuc, ilmo dad oo dhawaan dhashay. (Sandullaa waxaa inagu waday, sidixyo shaydaane).

Sifaar = nooc caws ah. (Sifaar baa ka bixin  meeluhuu, suudigii gubaye).

Siibad = xero ood dheer oo shamcan leh, oo uusan dugaaggu u soo dhici karin, xooluhuna aysan marna ka boodi karin. (Waxaa saani loo gelahayaa, siibaddii hora’e).

Siig = ugaar waaweyn oo dheerdheer. (Siig baa u qalan duulashii, soomanaan jiraye).

Siilaanyo = bahallada guud oo sixirta la isku yiraahdo nooc ka mid ah. Waa bahal yar. (Siilaanyo lama dhaafo iyo, soongurtoo kala’e).

Siiq = geed webiyada ka baxa. (Seexawda waxa laga dhigaa, siiqdii geedaha’e).

Siiqe = ul weyn oo sida badan aan qurxoonayn, oo aan si fiican kurtumada looga jarin. (Sarwaan iyo ul baan qorannay iyo, siiqe xoog badane).

Sikhlaysan = bir lagu afeeyey soofe ilko yaryar (sikhle) si ay xiirexiire u noqoto. (Warankii sikhlaysnaa dadkii, seeduhuu jaraye).

Silqo = kalluun. (Silaqadii kalluun lama hayiyo, sugufyadeediiye).

Sindiiq = qof niyadda gaal ka ah. (Sindiiq iyo waxaa ina xukuma, saani beenlow ahe).

Sinjaar = rafiiq, in meel loo wada safro, siiba in uu gaadiidka baddu isweheshado. (Sinjaar iyo wanaag bay habluhu, suuqadda u ruxine).

Sinjidhaan = qof dadkiisa ceeb u soo jiida. (Sinjidhaannadii waxaa beddelin, saalax loo boga’e).

Sirir = ceego, in cunaha wax nool lagu dhego oo la rafaadiyo. (Sirir baa dhacaye waa in aan, saatan loo noqone).

Sirsir = dhul adag sida dhagax subaan ah ama digdig gawaan ah. (Sirsir baa wuxuu inagu helay, dibir sabbaaxa ahe).

Sisin = geed saliid laga sameeyo. (Sisin laguma oga meelihii, siinadda lahaaye).

Sitaac = suuman feeran oo fardaha surka looga lulo. (Sitaac duug ah iyo lagama tegin, saantii xoolaha’e).

Soddonguuro = in ay abaar ama doog ama wax kale soddonkii sanaba mar dhacaan, sida abaarihii 1974 iyo 2004 Soomaaliya ka dhacay. (Soddonguuro baas bay indhuhu, nala sarcaadeene).

Sogob = orgi dhufaanan. (Sogob buuran lama iibiyiyo, sumallo waaweyne).

Solansiin = hanuunin, in qof arrin la waafajiyo. (Sikashada ilaah lagu durkaan, la ina solansiine).

Soocanti = xul, dadka intooda arrin gaar ah in ay fuliyaan ku habboon. (Soocantiyi jirrada waa in ay, sixirfuryeeyaane).

Soof = xoolo. (Soof caano badiyaa ma jiro, soorihii guga’e).

Soogan = wax kala jiidan oo aan dhumuc lahayn, oo soo taagan. (Way wada samooladin dadkii, sooganta ahaaye).

Soohnaan = xarig ama wax kale oo qaab gaar ah loo sameeyey. (Sinjisooca waxaa lagu beddelan, qarankii soohnaaye).

Soohdin = xudduud ama seere. (Waa laga sokeeyoobayaa, soohdin gaal dhigaye).

Sool = dhul aan biyo laga helin. (Suti dhiig leh iyo weerar baa, soolka loo xulaye).

Soolan = gooni ah, aan la wehelin. (Siijeedka ceebeed midnimo, soolan baa xigine).

Soomaggale = geed uu cubbay ama cudbi ka baxo oo cad. (Sugul iyo madow baa beddeley, soomaagalihiiye).

Soongur = bahal dabaggaale la moodo, kase duwan. (Siilaanyo lama dhaafo iyo, soongurtoo kala’e).

Soormaweydo = Waa marka uu gugu xoogaysto. (Gugu wuxuu samaadaa, waqtiga soormaweydada’e).

Sooyaan = qaylo badan oo sarraysa. (Surweellada waxaa loo gashaday, col iyo sooyaane).

Subeeciyad = dhar xariir ah oo faraq leh. (Subeeciyad qurxoon lama arkoo, lagu sudeefaaye).

Subxaanyo = halaq aan sun lahayn. (Subxaanyadiyo dabaggaallahaan, sahal u laynaaye).

Sudeefid = socod dalxiis ah. (Subeeciyad qurxoon lama arkoo, lagu sudeefaaye).

Sugiye = kawaanle, hilible. (Waxaa suunka loo xiranayaa, sugiye hawleede).

Sullan = oday ay dad ka soo farcameen. (Sullanka iyo abtiriskeennu waa, sanabbadeenniiye).

Sumal = wan qoor ah. (Sogob buuran lama iibiyiyo, sumallo waaweyne).

Sumuc = baalooto, xabbadda inteeda baxda oo aan gumuca, baaruudda iyo fuuqa ahayn. (Sumuca iyo baaruudda waa, lagu suxuurtaaye).

Sunbaax = sanuun ama udug wax dufan leh oo la shiilayo ka soo baxday. (Waa laga sunbaax raacayaa, buurta suurad ahe).

Sunbay = gooryaanka caloosha gala qaar ka mid ah. (Sunbay baa waddada taagan iyo, tuug sakiiro lehe).

Suqayar = dadka doomaha ka shaqeeya intooda ay hawluhu ku cusub yihiin. (Sayidkeenna iyo waysu iman, suqayarteenniiye).

Suqul = gooryaan xoolaha iyo dadkaba caloosha la gala. (Sabbaax iyo malaayiin ka badan, suqulladeenniiye).

Sur = malabka nooc ka mid ah, oo uu durde sameeyo, oo ka kooban gaws iyo miid. (Sannifaadda buugtaa sidii, sur u macaanaane).

Sursuur = meel ciriiri ah, oo aan la mari karin. (Hawdkii sursuuraha lahaa, saxare weeyaane).

Suti = difaac nafta loo huro, oo jilibka loo laabto. (Suti dhiig leh iyo weerar baa, soolka loo xulaye).

Suudi = kulaylka qorraxda. (Sifaar baa ka bixin meeluhuu, suudigii gubaye).

Suuqad = siyaakhadda ay dumarku isku qurxiyaan, sida dahabka. (Sinjaar iyo wanaag bay habluhu, suuqadda u ruxine).

Suuradin = siyaalaha wax loo tiriyo nooc ka mid. (Sifsifka iyo tiradeenna waa, la ina suuradine).

Suurid = hurdo aad u daran. (Way sabatabbaxayaan dadkii, suursanaan jiraye).

Suxubbi = waxyaalo uusan qashin ku jirin oo hufan. (Inaan suxubbidii dayey baad, igu saluugteene).

 

 

Cabdiyow sansaan gabay muddaad, iga sugayseene

Inaan suxubbidii daayey baad, igu saluugteene

Anna samanku ima farin inaan, tiriyo siinleye

 

Saadaasha roobkuba xilliga, way la socotaaye

Saylaan galbeed iyo diraac, saymo laga waaye

Gugu wuxuu samaadaa waqtiga, soormaweydada’e

 

Sideedana Rashiidow murtiyi, seeflabbood ma lahe

Salfudaydka maansadu adeer, waa sarriig xumo’e

Sallaankeeda lama koro haddaan, waagu saamixine

 

Hadday niman sabbeeyeen anigu, tayda waan sugaye

Sahankeedu jeer uu i diro, waan silloonahaye

Dharaartuu sidkeedii go’aan, sax u iraahdaaye

 

Haddaan maanta seetada ka furay, waa si gooni ahe

Weligay sengaha waxaan koraa, saaka oo kale’e

Waa subaxyadaydii hadduu, sawdku ii baxaye

 

Salaaddii xiddigahaba iftiin, suuliyaa jira’e

Aniguna haddaan sawlaxoo, seeriga afuufo

Nin walboo surtaag lagu yaqiin, suuxdin baan geline

 

Sanac iyo buruud uunku way, kala sarreeyaane

Sawaariikhda gabay maalintii, la isku saxariirsho

Dadkii tixaha seeraarin jirey, samir ha qaateene

 

Niman baa sarqami jirey kolkaan, saahidka ahaaye

Sarmaseegtadoodii badnayd, lagu saliilyooye

Waxay saanaddoodii ahayd, seero iyo beene

 

Surinkeeda lama marin tixdii, suubbanta ahayde

Waxaa sidigta gaawaha u culay, soobil iyo liide

Saxariirtay maansadu kolkay, silicdilyeeyeene

 

Sulufkeeda goortaan ka haray, saaqid la i moodye

Waatay salsaliyeen wax badan, duul salaaf lihiye

Cawaan sidii suufle aar, micida soofayne

 

Afartaas sawaxan horudhacoy, salashey haaddii dheh

Sad libaax la tegey iyo biciid, sararo waaweyn dheh

Hayeeshee dantaan uga socdaa, ii sakaarwarane

 

Nimanyohow siyaasadu mar bay, kaa sirgaxantaaye

Marna way samaataa sidii, caano saafi ahe

Soomaalinimadii hadduu, suureheed yimide

 

Safxadeenna khayr baa ku dhigan, samanka maanta ahe

Siraad baa u baxay duulashii, saabbirka ahaaye

Sabbuuxii gugaa wuxuu la yimid, sagallo waaweyne

 

Sargaal iyo wadaad haatan waan, sacabbin doonnaaye

Sirqaddii Allay bariday iyo, sebiyadeenniiye

Sareediyo wanaag baa qalbiga, laga saraadshaaye

 

Ummaddii la kala sooci jirey, saab quray geline

Waa laga sookeeyoobayaa, soohdin gaal dhigaye

Soomaalilaan iyo ma jiro, seere gooni ahe

 

Safar baa ka iman inamadii, sugayey Maandeeqe

Sallaxley raggii joogey way, soo sunsumayaane

Saamaha Hargeysiyo Burcaa, siigo weyn kicine

 

Silil iyo waxaa laga imaan, Saylacdii kora’e

Waa laga sunbaax raacayaa, buurta Suurad ahe

Socotada Berbera waxay ku iman, saacad gudeheede

 

Saqle iyo fardaa lagaga iman, Saaxil iyo Shiikhe

Siijeedka ceebeed midnimo, soolan baa xigine

Waxaa saani loo gelahayaa, siibaddii hore’e

 

Silsiladaha qabiilkaa la jarin, sida xaqiiqdaahe

Saxarrada shakiga nimanku way, sayrinahayaane

Ilaah baa subxaanee niyadu, saaxi bay noqone

 

Sumuqsumuqda iyo dhiilladiyo, saarku way bixine

Sinjisooca waxa lagu beddelan, qarankii soohnaaye

Sarrifaadda nimankii la tegey, saami bay geline

 

Sakaraadka goortii dawada, lagu salaameeyo

Way wada subkanayaan dadkii, siifadda lahaaye

Safiiriyo waxay helahayaan, saajiniin badane

 

Goortii saldana fiican iyo, sadaqo loo dhiibo

Salli iyo waxay badaniyaan, suurad Faataxo’e

Waxaa suufi lagu noqon wardiga, saalixiinka ahe

 

Salaad iyo waxay baranayaan, subaca diineede

Safka waxay u gelayaan, inay wada sujuudaane

Surkuna wuxuu aqbalayaa, tusbaxa surashadiisiiye

 

Sigaar gaajo lagu nuugayaa, waa saboolnimo’e

Sanbuuqadiyo way guban yihiin, saabka feeruhuye

Sanbabada waxaa laga daweyn, sun iyo tiibiiye

 

Saha maanta yimid waa rajada, sababeheediiye

Rag sabeen ku noolaan jiraa, sooryo weyn heline

Sayladdii fakhriga waxaa beddelin, khayr samaawi ahe

 

Siig baa u qalan duulashii, soommanaan jiraye

Way wada samooladin dadkii, sooganta ahaaye

Sibraarada waxaa loogu shubin, suluxa dhaydaahe

 

Afartaas sarbeeb duugan iyo, hadallo seenyoon dheh

Weligay ma saafee murtida, sogordahaygii dheh

Sumad kalena meel waa inaan, sarin u yeelaaye

 

Safiih iyo waxaa inaga mid ah, soonge doqoneede

Sacsaceenna iyo way bateen, sagagarkeeniiye

Subaaca iyo mooryaanta waa, lagu sanbooraaye

 

Sabbaax iyo malaayiin ka badan, suqulladeeniiye

Sunbay baa waddada taagan iyo, tuug sakiiro lehe

Sarqaankaba waxaa inagu ridey, saaruq daallin ahe

 

Salow iyo colaad baa wax badan, nagu saloognaaye

Sallaadiyo waxaa la isku diley, toorrey saawir ahe

Sarwaan iyo ul baan qorannay iyo, siiqe xoog badane

 

Surweellada waxaa loo gashaday, col iyo sooyaane

Suti dhiig leh iyo weerar baa, soolka loo xulaye

Warankii sikhlaysnaa dadkii, seeduhuu jaraye

 

Sigsigtii madfaca loo malee, suurkii aakhiro’e

Sonkoroowga loo wada bukaa, waa saskii dhacaye

Sakatigii la naxay bay dadkii, saaqday waalliduye

 

Silaaxiyo hubkii waxay noqdeen, suuqa caanaha’e

Aakaha siddada dheeri waa, suusucoo kale’e

Sumuca iyo baaruudda waa, lagu suxuurtaaye

 

Saljuglaa waxaa loola dhacay, seexdin geeri ahe

Saqda dhimashadii aakhiraa, lagu sardheeyaaye

Sarco loo qallalay baad naftii, socotay mooddaaye

 

Nin sagaashan gaariyo la dirir, kii siddeed jiraye

Sixirkii qabiilkaa niyada, laga siyaartaaye

Sullanka iyo abtiriskeennu waa, sanabbadeeniiye

 

Soddog iyo waxaan toogannaa, seedigeen run ahe

Sindiiq iyo waxaa ina xukuma, saani beenlow ahe

Saqajaan daroogada cunaa, suudka noo xirane

 

Sandullaa waxaa inagu waday, sidixyo shaydaane

Kuwii ina sajarey waxaa ka roon, gaal saliib xirane

Soddomeeye iyo dhawr gu bay, ina sarriijeene

 

Sadaaddiyo waxaa inagu badan, sahasho dhiillo ahe

Sahwi iyo waxaan wada qabnaa, sibiq illowsho ahe

Sidii geel sangaalloobey baa, saynta loo ruxine

 

Subxaayadiyo dabaggaalahaan, sahal u laynaaye

Siilaanyo lama dhaafo iyo, soongurtoo kale’e

Saryankii biciidkiyo dhammaa, kuman sagaaro ahe

 

Niman baa santuuqyada dhaciyo, saaridii dumare

Sabaad iyo rag baa xaday hablaha, saqafohoodiiye

Saabbuunta lama dhaafin iyo, dhalo saliideede

 

Sactarkii la boob iyo gabdhaha, silisyadoodiiye

Sacfaraanka iyo uunsigaan, loo saldhigahayne

Sabbakhii haweenkaa la dhigay, gudaha Siinaye

 

Sanuud baa waxaa laga dayaa, saxanno ceebeede

Salliyaa la kala boobay iyo, kuman sariiroode

Sitaac duug ah iyo lagama tegin, saantii xoolaha’e

 

Sati booliyaa lagu gorgorin, sicir belaayo ahe

Saabaanta niman baan guryaha, sadaf ku reebayne

Sarraxa iyo tunkaa lagu guraa, saqafyo reeroode

 

Salool baa waxaa lagu xadaa, sacabbo waaweyne

Sarabka iyo albaabada rag baa, sida habeenkiiye

Saakada habraha meel xillaa, lagaga siibaaye

 

Saancaddiyo halaag baa ku dhacay, saracii beernaaye

Seexawda waxa laga dhigaa, siiqdii geedaha’e

Saytuunka miraha leh bir baa, lagu sakuumaaye

 

Hawdkii sursuuraha lahaa, saxare weeyaane

Sisin laguma oga meelihii, siinadda lahaaye

Sabiib iyo ayaantaan ma jirin, geed sarmaan ahiye

 

Sarreenkii waxaa gubey rag aan, samafal yeelayne

Sabuul iyo galley iyo la waa, digir salbuuko ahe

Sugul iyo madow baa beddeley, soomagalihiiye

 

Sogob buuran lama iibiyiyo, sumallo waaweyne

Sac ballaaran oo wuu yar yahay, sees ku gurayaaye

Awr sabarro weyn oo ma jiro, suulmadoobe ahe

 

Sixin iyo garoor iyo ma jiro, solay la dheefaaye

Soof caano badiyaa ma jiro, soorihii guga’e

Martida soodhaweyn looma huro, salagleheediiye

 

Sacaf timir ah iyo way yar tahay, sahay la qaataaye

Saagooti iyo wuu yar yahay, sikhi wax dhiibaaye

Serbi lagu hirtoo wuu yar yahay, lagu samaadaaye

 

Sawaabtii xaqiyo way yar tahay, siiradii nebiye

Sifo khayr leh iyo way yar tahay, salaf la raacaaye

Sikashada ilaah lagu durkaan, la ina solansiine

 

Sinbayr baa waxaa laga maraa, Sabiyo Yaasiine

Saamayn Quraan iyo ma jiro, sadar ilaahaye

Sabbaxooyin iyo Baqara waa, laga saqaafaaye

 

Sallaxnaan dadnimo iyo la waa, saayir nololeede

Sukulnaan haruur lama hayiyo, oon sabaayad ahe

Sidataal barwaaqiyo la waa, soonfur dheregeede

 

Sankuneefle uriyaa ma jiro, caraf sanuuneede

Sayax lagu negaadoo ma jiro, saxansaxoodaaye

Sadaq lagu fariistiyo ma jiro, geed sanoobbir ahe

 

Silqadii kalluun lama hayiyo, sudufyadeediiye

Sarihii dhisnaa lama arkiyo, sabaraddoodiiye

Sancadii shaqada lama hayiyo, hawlo saayida’e

 

Subeeciyad qurxoon lama arkoo, lagu sudeefaaye

Sanjibiilihii oo dhan buu, suus ka buuxsamaye

Suyuc baa bilowdoo dadkii, sulub ahaan waaye

 

Sayaariinta naabkaa hardiyey, saxal abaareede

Soddonguuro baas bay indhuhu, nala sarcaadeene

Sirsir baa wuxuu inagu helay, dibir sabbaaxo ahe

 

Hayeeshee godkii lagu sidbaday, soobax baa xigine

Waan sarakacaynaa muddaan, si xun u noolayne

Sulux iyo heshiis haatanay, suurtagelayaane

 

Sayidkeenna iyo waysu iman, suqayar teenniiye

Sinjaar iyo wanaag bay habluhu, suuqadda u ruxine

Su’aalihii xumaa waxaa beddelin, nabad saxiixeede

 

Saddexanyada warmaha waa la digin, samayahoodiiye

Salabka iyo qoryaha dawlad baa, loo sallimayaaye

Siriq baa la gelin tuugadii, suxulka dheerayde

 

Soocantiyi jirrada waa in ay, sixirfuryeeyaane

Sinjidhaannadii waxaa beddelin, saalax loo boga’e

Wuu sabatobaxayaa dadkii, suursanaan jiraye

 

Udbahaan ku saayibi lahayn, sarafta loo qaabye

soosaar warshadaliiyo shaqaa, sibirka loo qoyne

Waxaa suunka loo xiranayaa, sugiye hawleede

 

Samsam iyo xareed baa la darin, siiladdaan marane

Sifaar baa ka bixin meeluhuu, suudigii gubaye

Salamadlaha diyaaradahayaga, saajac baa wadine

 

Sadcaal bay u bixin doonyihii, sadaxa weynaaye

Sifsifka iyo tiradeenna waa, la ina suuradine

Soojeedka iyo qalinka waa, loo sarwacayaaye

 

Sannifaadda buugtaa sidii, sur u macaanaane

Safradda iyo dadkii lagu dibridey, haybta saransoorka

Saraar horumareed waa in ay, kor u salooshaane

 

Sabti iyo jumcaba waa in ay, nolol salaaxaane

Salwo iyo farxadi waa in ay, sabada yaallaane

Sirir baa dhacaye waa in aan, saatan loo noqone

 

 

Shaafici Xassan Maxamed

E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se

 


 

 

 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: allgedo@allgedo.com