HOME | NEWS | FORUM | MAQAALLO | GEDO | FEEDBACK | SIGN/VIEW: GUESTBOOK    

 

University of Gedo
A project under 
consideration

 

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 


December 28, 2004

 

SOOMAALIYA WAA  CEELNA OOMA QODNA CIDINA OOMA MAQNA

Inta aanan ugalin dulucda maqaalkaygaan ,baan marka hore rabaa in aan cabiro arimo dhawr ah.  aan ku horeeyee, shaki kumajiro xiligaan lajoogo  qof kastaa oo soomaali ah uu iswaydiinayo su aalo badan marka laga hadlaayo masiirka soomaalidu ku dambayn doonto iyo waxa kasoobixidoono  shirka Nayroobi iyo waliba hadii ay waxkasoobaxaan  sida ay ushaqayn doonaan? maadaaba oo aan ognahay meesha ay ku dambaysay dawladii Carte,

Arintu sakastaa ha ahaateee  akhristaw waxaan aaminsanahay in qofka aan garanaynin waxii lasoo dhaafay, aanu garankarin waxa joogo iyo waxa soo socda toona oo aan oola jeedo soomaalida waxaa soo maray marxalado kaladuwan in kastaa oo xiligii oogu adkaa hada lagu jiro isla markaana sanadba sanadka kadambeeyo  uu dhibku siisiyaadayo,haba la iskudayo in lajoojiyo mush kilada Soomaaliya, lanaqabtay shirar badan shirirkaas oo aan laga gaarin wax hurumar ah oo lataabankaro marka laga reebo shirka hada kasocdo  Nairoby , kaas oo lagu yaglaalay Baarlamaan, madaxwayne, balse wali aan ladhamays tirin guud ahaan hadafkii lasheegay in shirka lagalahaa,  hadaba intaanan gudo galin arinka aan qalinka iyo waraaqda uqaatay,ayaan  idin xasuusinayaa in aan shirka kenya kaqayb galay labojeer ayadoo aan kaqoray  maqaal  magaciisu ahaa  warbixintii Eldoret sidoo kale waxaan kahadlay in aan ladooran Cabdulaahi yuusuf waxaanan kaqoray maqaal  layiaahdo warkadaaya yaan ladooran  sidoo kale waxaan maqaal kadiyaariyay qudbadii uu jeediyay habaynkii ladoortay waxayna ahayd maxaad kaxasuusataa qudbadii Cabdulaahi Yuusuf  arimahaas oo dhan waxay ahaayeen arimo aan kucabirayo hadba marxalada taagan si aan udareen siiyo umada soomaaliyeed waxa aan ka ogahay  dibibdaabyada loo maleegayo guud ahaan umada soomaaliyeed,taana waxaad kafahmi kartaa in ay rumoobeen guud ahaanba arimihii aan horay u cabiray ee kusaabsanaa shirka soomaalida  ee kenya iyo in ay adagtahay natiijo hufan oo kasoo baxdo shirkaas, hadaba aydoo uu arinku sidaa yahay baanrabaa in aan  kahadlo Dabka saameeyay dhamaan soomaaliya xagee kabilawday? yaashiday Dabka? yaa huriyay? yaadiiday inladamiyo?  waayo soomaalidu way kumaahmaahdaa doqoni qufacday meel laga gaarayna ma oga !! oo aan oolajeedo soomaalidu mawaxay noqondoontaa arinkii sadexdii Dibi oo midba mar laga takhalusay kadibna kii udambeeyay lagu yiri tolkaa waa tagaye maxaad sugaysaa!!, kadibna awoodi waayay waxaan calaacal iyo tiiraanjo ahayn!, sidaa darteed waxaan rabaa in aan xuso dabka damintiisa maaraloowaayay waxaa shiday Jahli, eex iyo musuqmaasuq, waxaa huriyay Ethiopia waxaa diidan in ladamiyo Ethiopia hadaba cadawga Soomaaliyeed (Ethiopa) iyo kuwakale ayaa waxaa u qorshaysan sanadka 2015 inay helaan bada dheer ee soomaliya inta kahoraysana laga shaqeeyo sidii soomaalida la isugu saladilahaa hawshaas oo hada umarayso cadawga soomaaliyeed meel la isku halayn karo, ayadoo kafaa iidaysanayso soomaalida kuwooda caqligoodu aadka uhooseeyo iyo kowooda  aqoonta iyo xadaaradu ku yartahay siiba kuwa uu qabiilku madaxmaray!!  waxaadna  arkaysaa Shaqsiyaad soomaalida kamid ah oo uwaashay xukun iyo saldano in ay lawaaloobeen Ethiopiyaanka kuna taamayaa in ay mar gacanta ugaliyaan  soomaaliya kadib markay ku fogaatay cadaawada ay u qabaan qabiilada kale kadib marakay u waayeen tabar ay ku maquuniyaan. ,waxaadna dareemi kartaa dadka soomaalida horboodayo oo kala ah  Dagaaloogayaal iyo oday dhaqameed ama haloogu yeero Ugaas,Suldaan, Malaaq Garaad ,Boqor iwm .kuwaas oo aanan lagaranaynin cida dooratay iyo cida kaqaadikarto jagada midna,sida dhabta ahna inbadan oo kamid ah iyaga waxay mushaar kaqaataan Ethiopia mana ahan arin ay qarsadaan taasina waa mida keentay in xaalka soomaaliya maara loowaayowaayo raga nahor boodayo ayaa mushaar kuqaato baa ba eena!!!

 

hadaba hadii aan usoo laabano shirka soomaalida ee kenya waxay ila tahay shirkaas manoqon doono shirkii oogu dambeeyay ee looga hadlo Nabada soomaaliya  waayo arimihii lafdhabarka u ahaa sababtii keentay burburka soomaaliya ayaan wali suulin (taagan.)

Ø      Musuqmaasuq iyo eex iyo jahli oo biirsaday QABIIL

Ø      faragalin cadaw shisheeye

Ø      daba dhilifyo  hantiyay taladii dalka

Sidaa darteed  iima muqato sabab muujinayso in  shirka kenya isku ujeedo laga yahay  waayo dagaaladii oogu xumaa waxay dhaceen intii uu shirkaas socday ,shirka markuu socday asbuuc waxaa dhacay dagaal kii Luuq kaas oo ay ku nafwaayeen in kabadan 100,  guud ahaana in tii uu socday shirkaas waxaa dhacayay dagaalo waawayn  sidii dagaalkii Puntland  mana jirin cid kahadashay, tusaale e markii ladhisay baarlamaanka kumeel gaarka ah waxaa bilawday Dagaalkii Jubooyinka kaas oo galaaftay naf iyo Maalba, sidoo kale marii ladoortay madaxwaynaha waxaa bilawday dagaalkii somalilann iyo Puntland, sidoo kale markii ladhisay golahii wasiirada ee kalsoonida lagala noqday waxaa bilaabmay dagaalkii Gobolada dhexe (Dhabad) taas oo kutusayso in aanay jirin isu soodhawansho lagaaray haba yaraatee iyo wax raad ah oo ku yeeshay nabada soomaaliya   shirkaas socday in kabadan 2 sano,runtiina waxaan qabaa in uu oogasiidaray, waxaas oo dhacdo ah waxay kutusatysaa  in ay suuro gal tahay  dawlada ka imaan doonto Kenya in ay horseedi karto dagaal aan maaro loohelin sanooyinka soo socdo!!  sidaa darteed baan dhihikarnaa soomaalida ceelna ooma qodna cidina oomamaqna.

Hadaba akhristaw arintu sikastaaba ha ahaatee anigu waxaan rajaynayaa in soomaalidu baraarugi doonto isla markaana kabixi doonto dhibkaan iyo shidadaan ee adigu maxay kulatahay?

Qoraaladii hore ee Iddiris:


  Warkadaaya yaanladooran?
War-saxaafadeed iyo baaq xabad joojin ah oo uu soo saaray Guddoomiyaha ururka Somali Reconstruction And Social Development Mr. Idiris Hasan Farah 

  FAALO: Maxaad Ka Xasuusataa Khudbadii 1aad Ee Cabdullahi Yusuf? iyo
Warbixin ka qayb galkii aan ka qayb galay shirkii Eldoret, Kenya.

waxaan joogay shirkaa Oktoobar 20 ilaa Nofeembar 1, 2002

 

 

 Idiris Farah
idirishf@hotmail.com




Fiiro gaar ah:  Fariinta ay wataan qoraalada sare waxay u gaar tahay qoraaga uu magaciisa sare ku qoran yahay, sidaas awgeedna allgedo wax shaqo ah kuma lahan.



allgedo@allgedo.com
 

 

 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com