Marka hore waxaan mahad
gaar ah u celinayaa dhamaan saaxiibada
allgedo gaar ahaan howl wadeenadiisa oo wax
badan dadka u huray,waxaana lee yahay ha
noqda sanadka cusub mid nabad sita
aamiin,hadii aan u soo noqdo maqaalkayga oo
aan cinwaan uga dhigay ma dadka ayaa
dagaalsan mise dagaal oogayaasha?
Waa su'aal jaawaabteeda ay fudud tahay waa
hadii runta laga sheegayo,maxaa yeelay dadka
soomalida waa dad ay ka dhaxayso walaalnimo
diineed,mid rixin, darisnimo luuqad iyo
dhaqan marka ma jirto sabab ay uga
dhamaanwayso colaad aan ujeedo lahayn,waxa
had iyo jeer colaada uga dhamaan la'dahay
waa dagaal oogayaasha dhiiga dadka raba inay
ka taajiraan ama ay magac aysan horay u
lahayn u helaan,anigoo tixraacayo waraysigii
aad la yeelateen maxamuud sayid aadan waxaan
dhihi karaa anoonan si shaqsi ah wax uga
sheegaynin, wuxuu daba maray xaqiiqada
dhabta ah ee ka jirta gobalka gedo maxaa
yeelay wuxuu hormuud ka ahaa dagaalo badan
oo naf iyo maalba lagu waayey oo aan wax
ujeedo ah lahayn oo wiliba uu isticmaalayey cadowga
soo jireenka ee umada soomaaliyeed oo ay u
sii dheerayd maamul xumo iyo karti daro
hogaamineed,dagaaladii uu isaga hogaanka u
hayey wili way ka sii socdaan gobalka waana
ognahay inaysan gobalka ka jirin wax nabad
ah amaba u muuqda,tusaale 3da degmo ee uu
ururka SNF-SRRC gacanta ku hayeen kama jirto
wax wado shaqayn ah waxaana ognahay inay
jirto isu hub uruursi kooxda dhexdeeda ah
marka inuu maanta yiraahdo gobalka nabad
ayaa ka jirta ama isu socodka dadku waa
caadi waxaan u arkaa inay la mid yahay jees
jees dadka gobalka uu ku jees jeesayo
meeshii u qiran lahaa dhibaatooyinkii ay
umada u geeysteen isaga iyo saaxiibadiisa ku
dalacay dhiiga dadka kuna noqday xildhubaano.
Hadabo anigoo soo koobay
maqaalkaygan wax badan oo jirayna ka
gaabsaday waxaa is waydiin mudan nimakii
awoodi waayey inay xal u helaan 3 magaalo
ama gobal xaq kaa maqan ma kuu soo
dhicinayaan?,jawaabtu waxaan u dhaafayaa
SADE...