Kismayo, SOMALIA - Waxaa Allgedo ay ugu talo gashay in ay wareysi dhinacyo badan taabanaya ay la yeelato wasiirka wasaaradda dib u dhiska iyo dib u dejinta Col. Barre Aadan Shire oo iminka ku sugan xaruntiisa magaalada Kismaayo, wareysigaas oo ka koobnaa su’aalo waaqici ah oo quseeya xaaladda guud ee gobollada Jubbooyinka iyo Gedo iyo weliba dowladda lagu dhisay dalka Keyna ee Soomaaliyeed ayaa waxa uu Col. Barre Aadan Shire diiday inuu gebi ahaanba bixiyo wareysigaas sabab la'aan.
Waxa dhowr jeer aannu ugu tagnay xaruntiisa Baranwaa ee magaalada Kismaayo waxana aannu isku daynay in aannu ku qancinno Col. Barre inuu waqti na siiyo uu noogu warramo, waxase suurto gal noqon wayday in uu Col. Barre xurmeeyo su’aalahaas oo runtii wax tar u lahaa bulshada Sade. Waxana uu Col. Barre si buuxda u diiday inuu wareysigaas oo ay bulshadu naga sugaysay bixiyo. Ahmed Mohamed Aden (Timajilic) Tifaftiraha Allgedo, Somalia ahmedtimajilic@hotmail.com
allgedo@allgedo.com
All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved. contact us at: webmaster@allgedo.com