HOME | NEWS | FORUM | MAQAALLO | GEDO | FEEDBACK | SIGN/VIEW: GUESTBOOK    

 

University of Gedo
A project under 
consideration

 

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 


 

December 29, 2004

NABSIGII SHEKHAASHA EE LA ARKAY IYO CUQUBADA SOO SOCOTA EE SAMSAM!     

 

Markaan arkay ninka la yiraahdo Faysal Ali Waraabe oo hawshiisii mucaaradnimada aheyd gabay oo leh, "Samsam arrinkeeda ha laga aamuso" iyo Somalida qaarkooda badan oo yiraahda markeey wax isdiidsiinayaan  ''Anagu waxaas dhaqan uma lihin", ayaa waxay igu dhalisay in aan raad raaco dhaqankaan suuban ee Somaalidu ku faanto. Marka, aniga oo markaygii horaba ka soo horjeeday maahmaahda ah "Caado la gooyo carro Alleey leedahay" ,ayaa dhaqankeenii iiga soo baxday caadooyin xun xun oo tira badan oo nasiib darrana ilaa iyo maantana taagan .Foolxumooyinkaasna waxaa ka mid ahaa dilka,dhaca xoolaha & degaanka dadka kale,dumarka la soo dhaco oo la guursado oo kufsiga waxba aan ka duwaneyn,sedbursi iyo xaqiraadda dadka laga tirada badan yahay ama kuwa la heyb sooco oo meelaha qaarkood loo diidi jiray waxa la yiraahdo lahaanshaha hantida.Dhanka xeerka la dhigtana waxaa furneyd in laandheerayaashu ay isticmaalaan "La jiifiyaa banaan , la joojiyaa banaan."

 

Berri horena , waxaa dhacday in beel wadaadnimo darteed Somaalida oo dhan la degeneyd , mamnuucna ay aheyd in la dhaco wakhtigaas, ayaa waxaa geel  ka  dhacay si lama filaan ah beesha Ciidagale oo jooga heerkay ugu awoodda badnaayeen , uguna xushmadda mudnaayeen. Beesha la dhacay oo Sheekhaasha aheydna waxay isku dayeen oo ku baryootameen "Ciidagalow Geela noo celiya". Colkii Ciidagale  waxay ku jeesjeeseen afhayeenkii Sheekhaasha oo ahaa Sheekh Cumar Madoobe, waxayna ku yiraahdeen,"Sheekh Cumarow inta dambaanu ku carraabineynaaye, xaggee geela kugu celinaa". Intaas ka dib, ayaa Sheekh Cumar oo dhalay wadaadka la yiraahdo Sheek Aadan Dheere ee qabrigiisa lagu siyaarto Wardhiigleey   wuxuu la fadhiista in uu inkaar ku rido Cidagale, uuna u qaxo Xamar.Intuusan qaxin , wuxuu kaloo tiriyey gabay guhaan ah, wuxuuna yiri:-

 
Rag cokani hadduu calasta dhamo, waa is celiyaaye
 
Intaad soo cabteen baad haddana, nagu carrawdeene
 
Aniguna Cammaan raaciyey, iyo curadkii Yaasiine  
 
Casiisoow adaan ku cawdaye, Ciidagale naafi
 
Allahayoow cir soo hooray , iyo caadba laga waayo
 
Allahayoow adhiga caal ka geli, oonay ciir lulanin
 
Allahayoow cagweyntooda geel, ceedhis lagu oodo
 
Carrabkooda Eeboow ka yeel, culumadii eednay
 

Sheekh Cumar intaas Ciidagale uguma harin, wuuxna tiriyey gabayo kaloo badan oo ay ka mid tahay tixdaan soo socota:-
 
Gorgorkay sidiisa u lashaa, oodan garanayne
 
Awliyo guhaad culus la timi, gaadhka kaa qabatay
 
Goor iyo ayaan bahal giblani, guray dhallaankiina
 
Guulliyo Allaan ku baryee, geela Arab raaca!
 

Haddaan markaan hoos u soo degenna, waxaan la wada soconaa in markii leys lahaa xaqii baa feeraha ka dillaacay oo la riday rijiimkii Siyaad  in "Ka darroo dibi dhal" ay dhacday. Tusaale ahaan, ururkii qabiilka ku dhisnaa ee SNM oo Illaahay u sahlay in degaanadoodii dhib yari ku galaan  ayaa intii eyan salkuba dhigan waxay ku durduriyeen beelaha aan Isaaqa aheyn ee la dega sida Gudabiirsi oo lagu sandulleeyey gooni isu taagga ee Iidoor oo eyan rabin, oo gebi ahaanba la qabsada. Hartiga oo iyaguna guryo, beero iyo degaanaba laga heysto & beelaha la heyb sooco oo laga titiray (Ethnic cleansing)  meelaha ay Isaaqu degan yihiin oo dhan, gaar ahaana Hargeeysa iyagoo haatan qaxooti ku ah Puntland gaar ahaanna Bosaaso.Waxaa kaloo Isaaqu ay xasuuqeen qaxootihii ka yimid Kililka shanaad ee Itoobiya oo markaas waqooyiga joogay. Waxaana taas ka siii darnyed sidii waxashtinimada laheyd oo ay iskula dhaqmeen markii ay dagaallo is daba joob ah ay kala dhaceen Burco ,Hageeysa, Berbera  sanooyin kala gedisan.Si kastaba wax ha u dhaceene, maanta maamulka waqooyiga Illaahay wuxuu gacanta u geshay intii la dagaallantay oo la jirtay Maxamed Siyaad oo iyaduba la oran karo waa nabsigii laga dhexlay falalkii foosha xumaa ee SNM, ee marka  tii Sheekhaal iyo sheekh Cumar Madoobe halkee bay ku dambeeysay..

 

Arrintaan markaad meelo badan ka fiiriso , waxaad garaneysaa in inkaartii Shekhaal iyo Sheekh Cumar Madoobe ayan beylah noqon, sidaasna waxaan u leeyahay anigoo arkay asraarihii Sheekhu uu Ciidagale Illah ugu baryey oo ku dhacay sida :-

 
1. Ciidagale waxay ku jeesjeeseen Sheekhaal, iyagiina waxaa ku jeesjeesay Habar Awl sida Muuse
    Biixi, Habar Yuunis sida Cawil oo ku yiri "beeshii laga adkaaday".Si gooni ahna wuxuu Riyaale u
    ihaaneeyey Suldaanka Cidagele markii u ku tilmaamay  "Beenaale" mar ay suldaanku ay ka soo
    yeertay in ay heshiisiinayaan qabiilka Hawiyaha sidii Isaaqa uu heshiiyey oo kale.
2. Sheekhaal waxay ku baryoontantay in Geella loo celiyo, Ciidagale hadda wuxuu  ku calaacalaa in
    suuqii bacaadlaha ahaa ee laga burburiyey loogu magdhabo in kan cusub wax laga siiyo waana
    loo  diidan yahay tiina.
3. Sheekhaal geela markii laga dhacay weey qaxeen , Ciidagalena markii Hargeeys looga xoog
    batayna,lana dhacay iyaguna weey qaxeen.
4. Ciidagle maanta ma aha kiisii hore, Arabkii ay liidahayeen Sheekhaalna ayaa maanta maamulka
    Hargeeysa ugu awood badan , kuna leh Wasiiro & Gud. ku-xigeenka barlamaanba.Maalin
    dhoweydna waxaa dhacday in Faysal Waraabe uu maamulka uu ka amaanay Edna iyo C/qadir
    Jirde oo labaduba ah Arab Daanweyne, marka soo ma soo bixin guhaankii ahaa "Guulliyo Allaan
    kuu baryee , geela Arab raaca", maantana maamulka ayaa ah geela.
 

Tusaalooyinkaasna , waxay nooga digayaan in qofka uusan isa siinin wakhtiga uu markaas  uu taagan yahay oo keliya , balse wanaagga uu keyd ka dhigto ,xasuustana  berri iyo tan ay keeni karto.Dhowrkii billood ee la soo dhaafay ee xaqdarrida loo heystay Samsam, ayaa waxaa jiray ,dadka illeyn isku caqli maahee, kuwa lahaa wakhtiga yeenaan iskaga lumin arrintaas sida Faysal iyo kuwo lagu xiray iyagoo xaqiiqada raadinaya sida nin barlamaanka Hargeeysa ka tirsanaa & kuwi qareenada u ahaa gabadha dhiban. 

 

Waxaan u maleeynayaa in qadiyadda Samsam ay noqotay tii Somaalida kala fikradaha ah mideeysay oo dad badan ay ka danqadeen ,waxaana lagu taageeray maqaaladii ugu badnaa  ee qof  caadi ah laga qoro, waxaa loo tiriyey buraanburo, nin waalid u ahna wuxuu tiriyey gabay uu ku soo qaatay gabdhiisa iyo ninka salfaday,waana kan gabaygaas :-

 
 

Sadka gabadha laga helay

Sareeyuhu ka meersaday

Sumalkiyo wan laga qalay

Sooryada ka maqan tahay

Shanta sano ku aynidan

Samirkaa u hooyo ah

Suldaan baa u aabe ah

Samaankaa u marag furi

Su'aalbaa ka daba iman

Sokeyaa ku kala dhiman

 

Nin rag ahi sifaaliyo

Salka meesha  lagu wado

Wuu saadaalin karayaa

Siday doonto yeeshaye

Samsam waa hashii siman

Waa saymo qurux badan

Waa sugaan barwaaqiyo

Ubax Sool ku yaaloo

Sareediyo udgoon badan

 

Ninka seef u qaatee

Oogadeeda sulubka ah

Usha saarayow maqal

Sulux iyo heshiiskii

Seeraad ku oodoo

Cirka siigo gelisoo

Salow iyo colaad iyo

Sunbaad qooshatee garo!

 

Ugu dambeyntiina , maamulka Hargeeysa ee uu ku tilmaamay Jaamac Mohamed Qalib  in ay yihiin jawaasiistii  & hangashtii Siyaad ayaa waxaa leyska garanayey si ay u duudsiyaan xuquuqda Samsam in xukun  "iidheh ah"  ay ku ridaan si marka dambe loo yiraahdo waa la cafiyey. Hadda qorshixii hore ayaa la fuliyey balse waxaa dhiman kii kale.

Wax kasta oo ay ku dhamaatana, cuqubada loo geystay gabdhan yar waa ay ka soo bixi doonto kuwii geystay .Intii aan maqaalkaan aan qorayeyna waxaa Hargeeysa ku geeriyooday Faysal Cali Waraabe aabihiis , sidoo kalena waxaa Xamar ku dhintay Skeekh ku abtirsada Shekh Cumar Madoobe  ee tan Samsamna aan dhowrno.


 

 
Aardoon Dirir
burashadley@hotmail.com

 

 

 

Fiiro-gaar ah:  Fariinta uu xambaarsan yahay qoraalka sare waxuu gaar u yahay qoraaga uu magaciisa kor ku qoran yahay, sidaas darteedna, allgedo wax shaqo ah kuma lahan. 



allgedo@allgedo.com


 





 

 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com