HOME | NEWS | FORUM | MAQAALLO | GEDO | FEEDBACK | SIGN/VIEW: GUESTBOOK    

 

G.E.D.O.
Luq Education Development Project
 

 

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 
Jan. 7, 2005

 

XAQA FEERUHUU KA DILAACAA?

 

 

Waxaa la isku khilaafay sababta dhabta ah ee ka dambaysay rididaankii dawladdii uu soo dhisay Prime Minister Mohamed Ali Ghedi. Kooxaha isku khilaafay waxaan u kala qaadaynaa laba koox: koox raacsanaa habka uu Prime Minister ku wax u soo dhisay iyo koox ka soo horjeedsaday.

 

Kooxda ku raacsanaa dhismahaas waxay ku fasireen taageeridooda in ay fahmeen arrinta sidaas ku kaliftay Prime Minister.  Waxay yiraahdeen in ay jirto dawlad la’aan, beel kastana rabta in ay iska dhex arkaan, mana dhici karto in 275 teena aan noqono Wasiiro, Wasiiro ku xigeeno, iyo Wasiiro dawladeed.   Samirkaas aan samaynay baa waxay tahay arrin aan ugu tanasulnay oo aan ognahay in aan annaguba hadda aan xil fiican hayno,  haddii aan rabno xilal kalena dawladu waa fara badan tahay markii ay dhisanto ayaan raadsan doonaa, waa haddii aan rabno.

 

Kooxda kale ee ka soo horjeesaday, waxay ku fasireen ka soo horjeedkooda ay ka soo horjeedaan siyaabo badan oo si dhaqso leh isku burburiyay.  Siyaabaha ay kaga soo horjeedeen waa: 

A) Dawladu waa fara badan tahay
B) Xamar weeye caasimada

C) Waxaan dhowraynaa sharciga iyo dastuurka
D) Wasiirado badan na looma magacaabin jifadeena, eeg jifadaas waxay isku qaateen intaas oo jago. E) Xilka iima qalmo.

 

“XAQA FEERUHUU KA DILAACAA” horaa loo yiri, aniguna ma oran, waxaa isla waqti dhow ay ku burbureen sidii xumbo oo kale fikradahooda, iyagoo isla markiiba ogolaaday inka badan intii la soo dhisay horay. 

 

Waxaa ugu horaysa tirade oo ragii kaga soo horjeesaday ay ayaga ugu horeeyeen in ay ansixiyaan.  Waxaa ku xigay kuwii boorka isku qariyay ee caasimada iyo sharciyada isku qariyay oo qosolkoodii laga joogi waayay markii la ansaxiyay.  Waxaa ku xigay kuwii jifadayda looma magacaabin wasiiro badan, oo iyaguna arkay tirada jifooyinka, halkaaas ugu sacabo tumay, inkastoo la is oran karo kooxdan waxa sacabka ka keenay waa filan waa iyo jahwareer.  Maalmaha soo socdana waxaad maqli doontaa kooxdii ku doodi jiray “Xilka iima Qalma” oo farxad meel la fariisan waayay, inkastoo sida la saadaalinayo aysan helaynin meeshii horay loo siiyay.

 

Marka arrintu waa “XAQA FEERUHUU KA DILAACAA”  iyo “LABA WAJIILE MA XISHOODO”.

 

 

Mohamed Ali

Journalist

soomaalihanoolaato@yahoo.com

 

Fiiro gaar ah:  Fariinta uu wato qoraalka sare waxuu u gaar yahay qoraaga uu magaciisa kor ku qoran yahay, sidaas awgeed, Allgedo shaqo kuma lahan.
 



allgedo@allgedo.com


 

 

 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com