HOME | NEWS | FORUM | MAQAALLO | GEDO | FEEDBACK | SIGN/VIEW: GUESTBOOK

 

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 
Dec. 4, 12, 04
 

Somali Reconstruction And Social Development

Asemamiehenkatu 4

00520 Helsinki

 Finland

Phone 358-40-7507265

Fax 358-9-1552196

Email Sorasod@gawab.com

 

Ku Beelaha Soomaaliyeed ee kudaqaalamaya Gelinsoor

Ku Baarlamaanka Federaalka ah ee soomaaliyeed

Ku culima awdiinka soomaaliyeed

Ujeedo:  Baaqnabadeed

 

Gudoomiyaha Ururka  SRASD  Idiris Hasan Farah  isaga oo kuhadlayo magaca maamulka SRASD usoojeedibayaa baaqnabadeed  walaalaha soomaaliyeed ee kudagaalamaya Gelinsoor oo katirsan G/Gelguduud  in ay joojiyaan xamada  la isuguna yimaado miiska wada hadalka, si looga baaqsado dhiigsiidaato, sidookale walaalaha dagaalamaya waxaan xasuusinayaa in  soomaalidu kadaashay dagaalka  sokeeye isla markaana dagaal wiilbaa kudhintee wiili kumadhasho. Hadaba walaalaha kudagaalamaya Gelinsoor waxaan kacodsanaynaa in ay uturaan shacabkooda, deegaankooda iyo wiilashooda iyo guud ahaan umada soomaaliyeed ee  uu aafeeyay dagaalada sokeeye, isla markaana hantida  lagu bixinayo  dagaalka  waxaa kamudan  inloo adeegsado horumarinta  bulshada.

Intaa kadib masuuliinta kale iyo baarlamaanka soomaaliyeed ee ay waraaqdaani sida tooska ah oo gusocoto kacodsanaynaa in ay uguntadaan sidii loo joojinlahaa dagaalka kasoconayo Gelinsoor sida oogu dhaqsaha badan isla markaana looguntado sidii looga hortagilahaa  dhamaanba dagaalada sokeeye ee kusoo noqnoqdo guud ahaan Soomaaliya, si ay usuurogasho noolal. 

Waxaan rajaynaynaa nabad waarta in uu Rabi na wada siiyo.  Aamiin.




Gudoomiyaha ururka SRASD.
Idiris Hassan Farah
idirishf@hotmail.com

 


allgedo@allgedo.com

 

 

 

 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com