-
Ma aha Feysaloow goosashadu reero
kala guuray
-
Oo arigi kala guranayoo geeli
kala soocday
-
Oo xoolihii
kala geddiyoo gobolba meel aaday
-
Oo awrku
maqashii ku guray xariggana u giijay
-
Mar uun buu
nikaaxani guntamay gaasir ma ahayne
-
Gundhiggiyo
heshiiskii la galay miyaadan soo gaarin
-
Gu’gaagaa yar
ee Feysaloow gacaloow aashaada
-
Inaad gacan labaad doorataa kuuma
soo geline
-
Afartaa intaan kaga gudboo waan
gunaanadaye
-
Maxkamaddiini gabar lagu habsaday
gadatay dhiiggeeda
-
Go’aankeedii nacasnimo ma waan
gobi ka shuureynin
-
Ma golayaashii
iyo guurtigibaa garasho naafoobay
-
Ma gablamay
Cigaal ficil xun waa laga gadoodaaye
-
Guddiga
habar-magaadlahoo wanjalay gabaraan qaan-gaarin
-
Oo si ay god
ugu sii ridaan weli la goobaaya
-
Wax taariikhda
galayaa jiroo lagu gumoobaaye
-
Ku gaar-yeela
ficilkaa ninkii gabadha eedeeyay
-
Gaangeeti
jaqaleysigii waydin gaasiraye
-
Geenyada yaroo
soo martiday guriga sheybkiinna
-
Amay gabadhu
ka hinaastay waa gob iyo xeerkeede
-
Oo odaygu
garan waayay waxa gubaya xaaskiisa
-
Haddii gogosha
lagu hiifayoo lagu gantaaleeyay
-
Gar maahayn
inuu gabadha xiroo cadow u geeyaaye
-
Go’aankiisa
nacasnimo mawaan gobi ka shuureynin
-
Nebi Yuusuf
wixii gaaraybaa meesha soo galaye
-
Zam-Zamna kiis
ma gelin ee Maseyr guuxayaa xiraye
-
Guntii hadalku
waa kaa haddaad garan kareysiine
-
Beel yahay
gadoodayoo go’daydoo gabar ku ciil beeshay
-
Oo inan yaroo
guri gashay ay kaga gariirsiisay
-
Oo garan
waayay wuxu waa gabaraan wax idin gaarsiinin
-
Ma weydnaan gabdhaha sharaf u
hayn garasho yeelkeede
-
Gun iyo baar ma gaangeetigaa
gubaya ruuxiinna
-
Gobos-nowdii xabashida miyaa tan
idin gaarsiisay
-
Gablan talo adduuneey maxaa
galaya Taariikhda
-
Gacal ma lahan nabad-sugiddu waa
shuuci gaamuraye
-
God buu idinku riday odaygii aad
garabsanayseene
-
Geenyada darmaantaa rag waa
gacalo eegaaye
-
Waxaan gacani qaban baa jiroo
Gobi ka sheexdaaye
-
Mar waa gabar, mar waa idiin
gayaan, mana ay qaan-gaarin
-
Marna guri Nin weyn bay gashoo
waad u gudubteene
-
Hubna gacanta kumey sidane waad
gubi lahaydeene
-
Gun miyaad tihiin ficil xun waa
laga gadoodaaye
-
Saqiir magan il-galacle ah miyey
idin ka geyn weyday
-
Maxaa gabar qariibahoo martiya
loo argaagixiyay
-
Lixdankii nikaaxi aan galnood
gacanta soo taagtay
-
Anna aan guddoon kugu aqbaloon
kaawada u giijay
-
Guntana aan badweynta u dhignaa
goo is leedahaye
-
Ma gil-gili
kadhiin boqon sanoo gocosho riintiine
-
Halkaan
feylashiinni u gudbiyay amase gaarsiiyay
-
Feysaloow ma
gaadhiin Tikrena garanba maayaane
-
Inaad naga
go’diin iyo bal daa gaalo raacnimo e’
-
Gundhiggiyo
heshiiskii adigu amaadan soo gaarin
-
Gulufkiyo
hinaaskiini waa soo gabaabsadaye
-
Go’aankii
Tikrihu Feysaloow waa gabaa hirige
-
Gidaar adag
rabaa u dhigay si aan la iiga kaa goyne
-
Intey caradu kaa go’i un baad
gooni joog tahaye
-
Inaan gacan labaad kaaga haro
iima soo geline