|
|
Mareexaan soo Alle malahan!!
Go’aan
siyaasadeed ku aadan wax-garadka ummadda:
Ka dib markii aan qiimeeynayey muddo dheer xaaladda siyaasadeed,
dhaqaale iyo bulsho ee Somaaliya, barasho dheerna aan u yeeshey
taariikhda taxanaha ah ee dalka laga bilaabo ilaa iyo qarnigii 14aad oo
marba meel sindhiganeysey (habsaneysey) una kala qaybsaneyd guud-ahaan
dhaqan reer miyi ah, boqortooyooyinkii ka talinayey Saylac iyo Harar oo
ay Abasiiniya isku gaagbeeleen, sababteyna in Amiir Axmed-Gurey iyo
Amiir Nuurkii Ciis Mareexaan ay muddo ugu yaraan sagaal sano ah
gumeysanayeen Abasiinya (itoobiya) inta badan, dabadeedna muddo dheer ka
dib, nasiib daro ku dhammaatey, oo isbaheysi aad u ballaaran oo ka
koobnaa reer Shawa(amxaaro) iyo boortaqiis ay hareeyeen, jabiyeena
Soomaalidii, dabadeedna u soo yahoomeen meesha hadda Soomaalidu
dagantahay qaarna ay ku kala ambadeen geeska Afrika ayna galeen xaalad
gumeysi meel kasta oo ay ku noolaayeen. Gumeystayaashaas oo ay ugu xoog
roonaayeen, Talyaaniga, Ingiriiska, Fransiiska, Itoobiya, Masar,
Boortaqiiska iyo kuwo kaleba, taasoo Sayidkii la dagaalamaayey
gumeystihii muddo kow iyo labaatan sano ah oo la’isku halaagmey, oo ay
ku lumeen ciidamadiisii iyo asagiiba.
Dabadeed la soo gaarey dowladnimo
aan diyaar loo aheyn oo cirka ka soo dhacdey lixdankii, rafaad badana
lagala kulmey fahmideedii muddadii ay la waleehaabayeen (kufaa-dhacayeen)
dad aan ehel u aheyn dowladnimada iyo waxa ay u taagantahey toona,
dhaxasheyna in ay ciidamadii la wareegaan hogaaminta dalka si ay u
badbaadiyaan, madaxbanaanida iyo xornimada dalka taasoo gabi ka sii
dhaceysey, kuwaas oo ahaa markaas dadka ugu aqoonta badnaa lana dhihi
karo waxey ahaayeen nuxurkii ummadda (Cream of the crops) kuwaas oo
shaqo wacan qabtey, kasbeyna in loo dhaqaaqo jahada qaranimada oo la
dhihi karo waxaa la gaarey heerkii la gaarsiinkarey soomaaliya uguna
sareeyey abidkeed, aan qabana in ay adagtahay sida loo heli doono
heerkaas hor’umarineed mar kale, taasoo in muddo ah lagu mintidayey
hor’umarkaas ilaa sideedtimaadkii kana bidey gacmaheenna, ayna ku xigtey
wax lagu sheegi karo aduunrogmad (aduungadoon) oo qiyaastii aduunku soo
marey muddo hore oo aan ka yareeyn 500 ilaa 1000 sano, ayna habbooneyn
in waqtigaan casriga ah lala kulmo xaalado saan oo kale ah iyo dib u
dhac lixaadkaas leh, lalana simi karo waqtigii jabkii Harar iyo Saylac
oo la kala ambadey.
Markii aan si dhab ah u
milicsadey qiimeeyeyna xaaladda Soomaalida ay ku sugantahey hadda oo aan
marnaba ka fursaneyn, ayna ugu haboontahey in lagu xalliyo
maamul-goboleedyo, micnaheeduna yahey in la isu xalliyo gobol-gobol
markaasna la yimaado dowlad Soomaaliyeed oo tayo leh muddo kastaba ha
qaadatee, si kale markaan u dhigo, in la isu xalliyo qof-qof, reer-reer,
qabiil-qabiil, dhan kale markii loo yiraahdana, tuulo-tuulo, degmo-degmo,
gobol-gobol, dabadeedna Soomaaliweyn taya leh la abuuro, si ayna u
dhicin in raaciye gubo dalka mar danbe si sahlan, in la xoojiyo gobolada
maamuladooda si ay isu caawiyaan looguna samata baxo haddii gobol kale
uu qallibmo si aan loo wada ceyrtoobin maalin qur ah sidii ka dhacdey
dalka 1991 kii.
Intaa ka dib, ummadda reer Sade
oo ka mid ah ummadaha ugu waaweyn Soomaaliya, xag dhuleed, dad, dhaqaale,
siyaasad, taariikh, tayo, tiro iyo wadaniyad, ilaaheyna ku manneystey
dhulka ugu khayraadka badan wadanka oo ay ka baahanyahiin kana
macaluushanyahin hoggaanin-tayeed la’aan awgeed iyo damac-shaqsiyeed
khayr yar ayaan halkaan waxaan kusoo bandhigayaa go’aano muhiim u ah oo
aan isleeyahey waa looga bixi karaa haantaa-wilifka ama rafaadka
angajiyey/guriyeyna caqligii bani’aadanimada looga fadhiyey in ay ku
dhaqmaan mar kasta, gaar-ahaan markii xaaladu ciiryaamo madow gasho sida
dhacdeyba. Ogaada ummad walba intixaan way soo martey waana mareeysaa
waxaana lagu qiimeeyaa sida ay uga baxdo arimaha qalafsan ee soo wajaha,
taasoo qaarna ku lumbadaan meermeertada oo laga sheekeeyo, kuwana ka
dulboodaan oo ay ka sheekeeyaan kuwii ku dhex dhumey xaaraama-cunadii
gudcurka galisey mustaqbalkii ummadda. Sidaa darted, wax la qaadan karo
ma ahan sinaba ummadda reer Sade oo hormuud ugu aheyd Soomaaliya, xagga
waxbaridda ummadda, xariirada caalamiga ah oo lagu xiro Soomaaliya
aduunweynaha carbeed, xoreeyntii dalalka afrikada madow (k.Afrika)
itoobiyada Malas Zinaawi iyo Eritrea laga xoreeyey gumeysiga, iyo
Soomaaliweyn raadintii lagu xoreeynayey Soomaaligalbeed, NFD iyo
Djabuuti in ay manta oo la rabey in lagu deydo ay sidaan u maamul
la’yahiin 14 sano oo la tashan waayey. Talada adaa ku nool ee ayadu kuma
noola ayaa la yiraahdaa, aan dhaho talada lafteedu adiga ayey kugu
nooshahey, waayo haddii aaden tashanba taladii waa dhimaneysaa oo ehel
bay u baahantahey adna sidoo kale oo waad isku nooshahiin, sidaa darted,
waxaan ku talinayaa sidaan aan hoos ku soo sheegi doono:
Laga bilaabo manta oo ay
taariikhdu tahey 12/26/04 waxaan go’aaminayaa sidatan, maadaama aan ahey
muwaadhin u dhashey ummadda aan kor ku soo sheegey:
·
Waa in aragti-qeexan (vision)loo yeeshaa mustaqbalka dhow
iyo dheerba si loo badbaadiyo haybadda jiilka soo koraaya iyo
karaamadooda bani’aadamnimo
·
Waa in sharci la isku waafaqsanyahey la sameestaa, wax
walbana lagu saleeyaa
·
Waa in dowlad-goboleed tayo leh laga dhisaa dhulka ummaddu
degto, si loo sahlo, loona hor’mariyo nabadgalyada, siyaasadda, ilaha
dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, iyo arimaha bulshada lana
gaarsiiyo dadka himilo lagu naaloodo oo barwaaqo ah
·
Waa in la kaashadaa walaalaha Soomaaliyeed, khaasatan kuwa
dariska ah iyo dowladaha dariska ahba
·
Waa in siyaasadda reer Sade ay ahaataa mid furan
dhaqan-ahaan iyo siyaasad-ahaanba casrina ah, kuna dhisnaataa yaa wax
qabankara, iyada oo qofkastana laga faa’iideysanaayo
·
Waa in qof kasta oo reer Sade ah uu si hagar la’aan ah uga
qayb qaataa qurxinta ummaddiisa oo uu ka bilaabaayo naftiisa ilaa ummada
guud-ahaan…Sida waxbarashada, dhaqaalaha iyo arimaha bulshada
·
Waa in dhammaan meel ay joogaanba gudaha iyo dibaddaba ay
galaan dalka dadka wax garadka ah ee reer Sade, si ay ula howlgalaan
ummaddooda, gaar-ahaan dadka khibradda gaarka ah u leh arimaha bulshada
oo dibadaha iska jooga.
·
Waa in xaley dhaley laga noqdaa waxii dhacey oo samaha la
eegaa
·
Waa in wax la rabaa ay jiraan (dan) ayna caddahey lana
gaaraa qiima kastana loo huraa, nabadna lagu gaaraa dantaas
·
Waa in Soomaaliweyne la raadiyaa laguna soo celiyaa
sharafteedii bidey ka dib markii la sugo qodobada sare oo dhan, quruxdii
ay ku naalooneysey waqtiyadii ay ugu fiicneyd ee ka horeeyey
sagaashankii waqti kasta ha qaadatee.
Waxaan halkaan ku qeexayaa sida aan u rabo in loo abuuro
dowlad-goboleedka, si loo baahiyo loona gaarsiiyo awood-qaybsi sugan
qabaailada wada daga dhulka, ha’ahaato Sadeha dhexdiisa ama kuwa la daga,
si loo helo maamul isu dheeli-tiran oo shaqeeya:
Tusaale:
Dhulka Gedoland ayaan u qaybinayaa afar gobol oo la isku yiraahdo Gedo
state, Kismaayo oo ah J/H iyo Bu’aale oo ah J/Dhexe iyo Gedo state ayaa
ah JubbaValleyland iyo gobolada dhexe oo hal gobol oo xooggan ah,
Caabudwaaqna ay u tahey caasimadda oo ah Caabudwaaq state, meeshaas oo
la’isku yiraahdo mamul-goleedka JubbaValleyLand and Galguduud state oo
ka kooban todobo gobol, kaasoo leh sedex degmo midkiiba iyo kabadan,
halkaas oo ay khasab tahey in tuulooyin loo magacaabo degmooyin sida ay
ugu kala baahanyahiin goboladu. “dalka adaa leh adna dadkiisii ayaa
tahey u shaqee uguna shaqeeyso danahaaga” Dowlad-goboleedkaas ka kooban
todobada gobol oo ay caasimadda guud tahey Kismaayo waxuu leeyahey
sedexdii hay’adood oo kale ah, golaha sharci-dejinta (baarlamaan),
golaha fulinta, (wasiiro) iyo golaha xeer-ilaalinta (maxkamadaha). Isla
markaasna waxaa dowladdu leedahey, Madaxweyne, sedex madaxweyne ku
xigeen hadba sidii loogu baahdo, wasiiro, w/kuxigeeno, gudoomiyaha
Baarlamaanka iyo ku xigeeno, godoomiyaha golaha Guurtida iyo ku xigeeno,
gudoomiye gobolo iyo ku xigeeno, gudoomiyaal degmo iyo ku xigeeno,
maareeyayaal, agaasimayaal iyo ku xigeenadooda, safiiro/wakiilo u jooga
dalalka ay danahu ka dhexeeyaan, khaasatan kuwa xaduudu ka dhexeyso,
“wax kasta oo aad ka rabi karto magac-u yaal meel kale yaala waxaad ka
heleysaa dalkaaga ee ha isku leynina ciiryaamada”
Dowlad-goboleedku waxuu mas’uul uga noqonayaa ummadda, ilaalinta
xorriyadda, heybadda, karaameynta shacbiga dagan dhulka hoos yimaada,
isla markaasna ay ku hagayaan dadka hor’umarinta ilaha dhaqaalaha ayna u
canshuurayaan si sax ah oo waafaqsan sharcigii lagu heshiiyo, kuna
socodsiinaya hor’u socdnimada ilaha hor’umarineed ee ummadda si qiyaasan,
isuna dheelitiran, gaar-ahaan, waxaa xoogga la saarayaa, nabadgalyada,
waxbarashada, caafimaadka, deegaanka, biyaha, dib’u heshiisiinta Sadaha
iyo darisyadooda, xariirada gudaha Soomaalida inteeda kale iyo kuwa
dibadda sida dowladaha danahu ka dhexeeyaan. Dhammeystirka iyo buuxinta
boosaska dowladda ka dib, waxaa lagama maarmaan ah in la sameeyo gudiyo
ka kooban sedexda hay’adood oo dowliga ah, kuwaasoo kala ah, Gudiga
difaaca, dhaqaalaha, nabadgalyada, siyaasadda iyo bulshada, lana
sameeyaa diffaac adag iyo ilo dhaqaale oo joogta ah, xariiro caalami ah
iyo mid gudaha ah oo joogta ah, kuwaas oo wada shaqeeyn joogta ah la
yeelanaaya jaaliyaddaha dibadaha oo ka caawin doona hadba waxii looga
baahdo, ayada oo ay markasta maanka lagu heynayo in wada shaqeyntu tahey
furaha hor’umarka iyo guusha dalka iyo dibadaba.
Gabagabo:
Waa
lagama maarmaan in haddii bani’aadem meel ku noolyahey ay yeeshaan
nidaam sharci oo ay ku kala danbeeyaan danahoodana ku maareeystaan,
waxaa kaloo lagama maarmaan ah in ummadda aan la hadlayaa ay ogaadaan in
ay la yaabanyihiin umadahii kale oo dhan iyo waxii damiir leh oo idil,
sida ay u maareeyn la’yihiin howlahooda dhaqan-dhaqaale, siyaasad,
bulsho, qurxinta tayada nolosha dadka, hammilo la’aanta iyo
murugsanaanta xaalkooda iyo habnololeedkooda. Si loo helo hab muuqaal
wacan oo soo jiita waxa wanaagsan waa in la unkaa lana hor’umariyaa
xaalad saamaxeeysa in tilaabooyin hor’umar leh la qaado, taasina waxey
ku iman kartaa oo kali ah in nidaam sharci oo loo dhanyahey la sameysto,
dabadeedna maamul ku salaysan nidaamkaas la dhisaa lana howlgaliyaa
hey’adaha kor ku xusan laguna mintitaa jiritaanka howlfulineed waqti
dhow iyo dheerba. Tiirarka maamul wanaaga waxaa xil gaar ahi ka
saaranyahey qof kasta oo ka mid ah bulshadaan oo awood maskaxeed leh oo
xor ah arki karana in ay dantu ku jirto maslaxada inta badan oo loo
daneeyo, wax allaale iyo waxii xumaadeyna xalkoodu waa hal kalimo, waana
“MAAMUL WANAAG” intaas ka dib, wax walbaa waa xallismayaan qof
walbaana waa helayaa waxuu xaq u leeyahey.
Mahadsanidin,
Abdikarim Gelle
Bayr
abdibayr@aol.com
Fiiro gaar ah: Figradda ama nuxurka uu wato qoraalka sare waxuu u
gaar yahay qoraaga uu magaciisa kor ku qoran yahay, sidaas awgeed,
allgedo wax shaqo ah kuma lahan.
allgedo@allgedo.com
|
|