HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

University of Gedo
A project under 
consideration

 WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
 
February 21, 2005

Ma Dhabaa in ay Hogaan Dhaqameedyada iyo Indheer garadka Reer Xassan soo Direen Qoraalkii Murugeysnaa? 

Dhacdaba layaab lehe, Waxaan Allgedo ka aqriyey maqaal su-aal igu abuurey oo aan isiri waxbadan kama duwano kuwii horey looqori jirey ee been abuurka ahaa. Hadana shakibaa igaley oo waxaan isiri, taxa magacyadan aad meesha ooga jeedid amuusan ahayn mid la-iska mala-awaali karo oo lagu eedoobayaa hadaladdan gurucan hadii la-iska sheego iyada oon raali laga ahayn. 

Uguhoreyntii waxaan jeclahay in aan halkan ooga tacsiyeeyo dhamaan Ehelka Dhibaateysan (Gedo, Jubada, Galgaduud, iyo Qurubaha)  ee ay hogaan la-aanta ku habsatey. Dadkii ku waxyeeloobay, kubara kacay amaba ha-ugu darnaatee indho ay jeclaayeen ku waayey hogaan xumada beesha ku habsatey. Marka xiggana waxaan canbaareyn u soojeedinayaa aqoonyahanada, indheer garadka iyo dhuuniyahaniinta (siyaasiyiinta) aan danaha bulshada u adeegin oo caadeystey in ay sariftaan dhiiga cardun ay xigaalo wadaagaan. Aan gudo galo maqaalkaan aqriyey. Dhacdaba layaablehe, waxaa iga dagi waayey in aan aqriyey magacyo farabadan oo aan aqoon uleeyehay, Garasho, taxadar, tolnimo iyo nabad jaceylna aan ku ogaa oo lagu saxiixey  gurucan sheeko ah. Rajadeydu waa in aysan ka badalneyn kuwii horey looqori jirey ee been abuurka ahaa, waanan ku kalsoonahay in ay sidaa tahay. Sababtuna waxaa weeye laboqodob. 

Tan koowaad, qofkastoo samejecele ah ama waxyar oo damqasho ah ay ka hayso wada noolaashaha bulsho aan dhalashiyo deegaanba ku kalamaarmi karin, waxuu aad ooga xunyahay in beelihii ku dirirsanaa Gedo aysan ka faa-iideysan fursada qaaliga ah ee hortaal. Taas oo ay Beesha Reer Xassan ka ilduufin oo ay sida kuwa kaleba jecelyihiin inlaga faa-iideysto, lugana camal galo. Fursadaas oo ah, markii reerihii dagaalamayey ay xabada iskood u daayeen (qolo halaga adkaado ama labaduba hadaalaane) waxaa ay ahayd in ay ka faa-iideystaan oo heshiis adag laga gaaro waxii horey lookala galey. Sidaas awgeed, Beesha Reer Xassan Gaalshireedle marnaba ma-moogana in aysan jirin xabad joojin mooyee heshiis meelku-ool ah oo ay wada galeen iyaga iyo reerihii ay xiniftu dhexmartey. Taas waxaa nuugu daliil ah dilkii kakala dhacay Tubaalo Badan iyo Dagmada Luuq ee dabayaaqadii sanadka tagey. Dilbaa dil loogu jawaabey, reeruhuna waa ay ku qanceen oo su-aalba la-iskama waydiin.  

Waa kan labaade, Cuqaasha iyo Indheergaradka reer Xassan waa ay ka weynyihiin, kana culusyihiin, kana fiiro dheeryihiin in ay warqad faafiyaan iyagoo tolkood lahadlayo. Waxan uga golleeyahay, reer Xassan iskuma raaciyo go-aaamadan adag hadii ay gaaraan in ay warqad ku daabacaan oo ay Soomaali u gacan baneeyaan, iyagoon marka hore yeelin sidii uu habdhaqanka wanaagsan farayey. Sidaa oo ah; Marhadii ay go-aansadeen in ay reer tolkood latalo ahayn ee ay tooda ka raacanayaan, meesheydoontana hala gaartee ay nin tooxsanayaan. Gogol ayey fidin lahayeen iyagoo tolkood gudoonsiinayo go-aanka ay gaareen, islamarkaana ku qancinaya waxa ku kalifey. Xussuusnoow in aysan Reer Diini oo kaliya quseyn go-aamada ay gaareen ee ay tahay kuwo bartanka kaga jira nololmaalmeedka qofkasta oo Reer Sade ah, balse maqan oo kaalintooda lagabey mudo aan yareyn in ay soo noqotana aan haatan lafileyn.

Ugudanbeyntii, waxaan rajaynayaa in ay ka waantoobaan indhergaradka iyo aqoonyahaniinta ismagacaabey ee Beelaha Sade waraaqaha ay ku qorayaan sida ay iyagu jecelyihiin islamarkaasna ku sheegayaan in uu reer soo gaarey. Tan kale, waxaan rajeynayaa in reerihii dirirey ay ka faa-iideystaan fursada hortaal oo Allaha u naxariistee ay arinta marxuum Cali margus u noqoto afjar waxkastoo ay ku xaliyaanba.

 

Fiiro gaar ah: Qoraalkeygu ma-ahan mid leh qoraalka ay odayaasha soo qroeen waa been, laakiin waa mid ka turjumayo qiyaasteyda.

 

Jaamac Buulle (Farasle)
qodaxleey@yahoo.ca
 


Fiiro gaar ah:  Nuxurka uu wato qoraarlka sare ku qoran waxuu gaar u yahay qoraaga uu magaciisa sare ku qoran yahay, sidaas awgeedna allgedo wax shaqo ah kuma lahan. 


allgedo@allgedo.com
 

 

 

 

 

 

All Gedo Online © 2004 - All Rights Reserved.
contact us at: webmaster@allgedo.com