February 21, 2005
Ma Dhabaa in ay Hogaan Dhaqameedyada iyo
Indheer garadka Reer Xassan soo Direen Qoraalkii Murugeysnaa?
Dhacdaba layaab lehe, Waxaan
Allgedo ka aqriyey maqaal su-aal igu abuurey oo aan isiri waxbadan kama
duwano kuwii horey looqori jirey ee been abuurka ahaa. Hadana shakibaa
igaley oo waxaan isiri, taxa magacyadan aad meesha ooga jeedid amuusan
ahayn mid la-iska mala-awaali karo oo lagu eedoobayaa hadaladdan gurucan
hadii la-iska sheego iyada oon raali laga ahayn.
Uguhoreyntii waxaan jeclahay in aan
halkan ooga tacsiyeeyo dhamaan Ehelka Dhibaateysan (Gedo, Jubada,
Galgaduud, iyo Qurubaha) ee ay hogaan la-aanta ku habsatey. Dadkii ku
waxyeeloobay, kubara kacay amaba ha-ugu darnaatee indho ay jeclaayeen ku
waayey hogaan xumada beesha ku habsatey. Marka xiggana waxaan canbaareyn
u soojeedinayaa aqoonyahanada, indheer garadka iyo dhuuniyahaniinta (siyaasiyiinta)
aan danaha bulshada u adeegin oo caadeystey in ay sariftaan dhiiga
cardun ay xigaalo wadaagaan. Aan gudo galo maqaalkaan aqriyey. Dhacdaba
layaablehe, waxaa iga dagi waayey in aan aqriyey magacyo farabadan oo
aan aqoon uleeyehay, Garasho, taxadar, tolnimo iyo nabad jaceylna aan ku
ogaa oo lagu saxiixey gurucan sheeko ah. Rajadeydu waa in aysan ka
badalneyn kuwii horey looqori jirey ee been abuurka ahaa, waanan ku
kalsoonahay in ay sidaa tahay. Sababtuna waxaa weeye laboqodob.
Tan koowaad, qofkastoo samejecele
ah ama waxyar oo damqasho ah ay ka hayso wada noolaashaha bulsho aan
dhalashiyo deegaanba ku kalamaarmi karin, waxuu aad ooga xunyahay in
beelihii ku dirirsanaa Gedo aysan ka faa-iideysan fursada qaaliga ah ee
hortaal. Taas oo ay Beesha Reer Xassan ka ilduufin oo ay sida kuwa
kaleba jecelyihiin inlaga faa-iideysto, lugana camal galo. Fursadaas oo
ah, markii reerihii dagaalamayey ay xabada iskood u daayeen (qolo halaga
adkaado ama labaduba hadaalaane) waxaa ay ahayd in ay ka faa-iideystaan
oo heshiis adag laga gaaro waxii horey lookala galey. Sidaas awgeed,
Beesha Reer Xassan Gaalshireedle marnaba ma-moogana in aysan jirin xabad
joojin mooyee heshiis meelku-ool ah oo ay wada galeen iyaga iyo reerihii
ay xiniftu dhexmartey. Taas waxaa nuugu daliil ah dilkii kakala dhacay
Tubaalo Badan iyo Dagmada Luuq ee dabayaaqadii sanadka tagey. Dilbaa dil
loogu jawaabey, reeruhuna waa ay ku qanceen oo su-aalba la-iskama
waydiin.
Waa kan labaade, Cuqaasha iyo
Indheergaradka reer Xassan waa ay ka weynyihiin, kana culusyihiin, kana
fiiro dheeryihiin in ay warqad faafiyaan iyagoo tolkood lahadlayo. Waxan
uga golleeyahay, reer Xassan iskuma raaciyo go-aaamadan adag hadii ay
gaaraan in ay warqad ku daabacaan oo ay Soomaali u gacan baneeyaan,
iyagoon marka hore yeelin sidii uu habdhaqanka wanaagsan farayey. Sidaa
oo ah; Marhadii ay go-aansadeen in ay reer tolkood latalo ahayn ee ay
tooda ka raacanayaan, meesheydoontana hala gaartee ay nin tooxsanayaan.
Gogol ayey fidin lahayeen iyagoo tolkood gudoonsiinayo go-aanka ay
gaareen, islamarkaana ku qancinaya waxa ku kalifey. Xussuusnoow in aysan
Reer Diini oo kaliya quseyn go-aamada ay gaareen ee ay tahay kuwo
bartanka kaga jira nololmaalmeedka qofkasta oo Reer Sade ah, balse maqan
oo kaalintooda lagabey mudo aan yareyn in ay soo noqotana aan haatan
lafileyn.
Ugudanbeyntii, waxaan rajaynayaa in
ay ka waantoobaan indhergaradka iyo aqoonyahaniinta ismagacaabey ee
Beelaha Sade waraaqaha ay ku qorayaan sida ay iyagu jecelyihiin
islamarkaasna ku sheegayaan in uu reer soo gaarey. Tan kale, waxaan
rajeynayaa in reerihii dirirey ay ka faa-iideystaan fursada hortaal oo
Allaha u naxariistee ay arinta marxuum Cali margus u noqoto afjar
waxkastoo ay ku xaliyaanba.
Fiiro gaar ah:
Qoraalkeygu ma-ahan mid leh qoraalka ay odayaasha soo qroeen waa been,
laakiin waa mid ka turjumayo qiyaasteyda.
Jaamac Buulle (Farasle)
qodaxleey@yahoo.ca
Fiiro gaar ah: Nuxurka uu wato qoraarlka
sare ku qoran waxuu gaar u yahay qoraaga uu magaciisa sare ku qoran
yahay, sidaas awgeedna allgedo wax shaqo ah kuma lahan.
allgedo@allgedo.com
|