|
|
Madaxweynaha Dowladda ku meel
gaar ah Mudane-C/Laahi Yuusuf Axmed ayaa ku cadeeyeey arrimaha loo
baahan yahay in la helo si wax qabad loola yimaado, isla markaana la
helo wadda shaqeyn Golaha Xukuumadda iyo Golaha Barlamaanka
Marka la eego Qoraala Rasmigga ah ee Xafiiska
Madaxweynaha ka soo baxday waxaa ku cad Dhoowr qodob oo muhiim ah,
kana turjumaaya danaha Ummadda iyo Masuuliyadda Qaranka ee
Madaxweynaha saaran,waana Qodoba xadidan ama kooban,si cadna u
tilmaamaayo howsha Madaxdda Sarre ee Qaranka Somaaliyeed,iyo sidii
Dowladu dib ugu guuri laheyd Dalka gudihiisa,Qoraalkan oo si toos ah
ugu socotay Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka iyo Ra,iisal Wasaaraha
loogana Codsanaayo ama la faraayo in eey xal meel dhexaad ah ka
gaaraan Khilaafka Xukuumadda iyo Barlamaanka.
Sidoo Kalle Ra'iisal Wasaarre Cali Max,d
Geedi,ayaa beryahan damme waday howlo u qeexan xilkiisa iyo hab
gudashadda howl Maalmeedkiisa,Magaacibidda Masuulin Qaran, Habeynta
Bixinta Mushaaharka Golaha Barlamaanka,la kulanka Xubnaha Beesha
caalanka, Safaro uu Debeda ku aadaayo ama kuwa Shaqo,sidda midka uu
ku aadi doono Dalka Induneesiya, oo Wasiirkii Arrimaha Debedda ugu
horeeyo,iyo howlo kalle oo ahamiyadooda oo eey ugu muhiimsan tahay u
diyaar garoowga dib ugu guuridda Dalka Hooyo,iyo ka Shaqeynta
Xalinta khilaafka labadda Golle,xaqiiqo ahaan wuu dadaalaayaa intii
tabartiisa ah.
Sidoo Kalle Waxeey wadda ognahay Xubnaha Labadda
golle ka tirsan oo ku sugan Dalka gudihiisa,gaar ahaan Magaaladda
Muqdisho oo eey ka wadaan howlo eey rabaan in eey wax ka qabtaan
Xaaladda amaanka Caasimadda iyo habeeynta Maleeshiyaadka hubeeysan,
waana Xubno Badan,laakiin haddana waxaa loo xoojeeysanaaya falalka
dambiyeed ee ka dhacaaya Magaaladda
Muqdisho,Dilal,Dhaawac,Af-duubid,Bambeeyn Isbitaal,Ugaarsigga
Saraakiisha Sarre ee Ciidanka ayaa ah kuwo caqabadooda leh,si weyn u
xaqiijinaaya in eey tahay Caasimadda Waqtigan la joogo meel amaan
xumo ka jirto,loona baahan yahay Wadda Shaqeyn iyo in Hogaamiyaasha
Kooxaha Hubeeysan ee Muqdisho,Xildhibaanadda,Odayaasha iyo Wax-garadka
reer Muqdisho la yimaadaan wadda shaqeyn iyo Mideeynta Hadafkooda ku
Wajahan Nabdeynta Caasimadda Qaranka,Hogaanka Sarre ee Dowladuna ku
garab galo, una Fidiyo wixii taakuuleynta,taladuna mid keiya
noqoto,oo ku Saleeysan Danta ummadda iyo Soo Noleeynta Qaranimadda
iyo Midnimadda Somaaliyeed.
Marka la eego sidda xaaladu hadda tahay,runtana
la sheego,waxaa iska cad in Xukuumadda Somaaliyeed u baahan tahay
meel eey si ku meel gaar ah u sii degto,kuna sii waddo howla iyo
Masuuliydda Qaran ee saaran,isla markaana si hagan la,aan ah looga
Shaqeeyo Amaanka Caasimadda iyo diyaarinteedda,loona hurro Maal iyo
Waqtiba,Ummadda Reer Muqdishona la yimaadaan rabitaan iyo niyad sami
buuxdda,lagana saaro meesha Khilaafka hab kooxeedka ah ee u dhexeeya
kuwo Neyroobi jooga iyo kuwa Muqdisho jooga oo kuwa jirra
Barlamaanka iyo Golaha Xukuumadda,wadda shaqeyn,isku duubni iyo ka
fekeridda danta Dalka iyo Dadka Somaaliyeed ahamiyadda koowaad la
siiyo,laakiin inta Khilaafku jirro waxaa lumaaya Maslaxada iyo ka
shaqeyn howlaha Nabadeynta Ummadda Somaaliyeed iyo Dhisidda Dalka
Hooyo,oo Muddo dheer ku jiray Bur-bur iyo xaalad foodo ah,oo ayaan
daradeedda leh.
Golaha Barlamaana,Xukuumadda iyo Madaxweynuhu waa
in eey sidda ugu dhakhso badan u Guuraan Dalka gudihiisa,iyagoo
go,aan mideeysan iyo hadaf mideeysan leh,waana in laga heshiiyaa
Meelaha la sii degi karro(Ku meel gaar ahaan),Shaki lama gelin karro
in eey tahay Caasimadda Qaranka Somaaliyeed Magaaladda Muqdisho,Cid
bedeli kartaana ma jirto halka Caasimadu ahaaneeyso,Waa
Muqdisho,Muqdisho,Muqdisho,Waxaa la baahan yahay Xil Gudasho iyo
Daacadnimo,Wadani-nimo,iyo in wadda shaqeyn la yeesho,lagana gudbo
qaska iyo naceeybka Shakhsigga ah ee u dhexeeya Masuuliinta
Qaranka,isla markaana Dalka lagu noqdo,u dhiskana laga wadda
shaqeeyo,Maanta waa laga gudbeey Reer Habel iyo Reer Habel,Beel
Hebel iyo Beel Hebel,Ummadda Somaaliyeed waa Walaal dhab ah,oo
Colaad iyo Dagaalo Sokeeye dhex mareen,khaasaare badana
keenay,haddana ma jiraan wax la oran karro colaad iyo naceey Ummadda
dhex yaal,waxeeyna u baahan yiihiin Dowlada Wadani ah, Masuuliin
Xil-kas ah,amaanadda qaadi karra,si Cadaalad leh ugu adeega,oo
xaliya khilaafyadda jirro,oo ah kuwo la xalin karro,muranka iyo
khilaafka Xildhibaanadda,Wasiiradda, Guddonka Barlaanka,Ra,iisal
Wasaaraha iyo Madaxweynaha Dhex yaala ayaa ah Carqaladda ugu weyn ee
Dowladda Somaaliyeed hor-taagan,intii khilaafkaasu jirina waxba
hagaagi maayaan,natiijaduna waxeey noqon doontaa-Burburka Dowladda
iyo kala yaac kalle,Waxaan Illaaheena weyn ee Waaxidka ah ka
baryeenaa in uu Wadda toosan dhammaanteen inagu aadiyo,kheeyriisana
ina siiyo,camaal suuban iyo wanaaga ina hanuuniyo,Aamiin,Aamiin,
Aamiin.

Waa ayaan darro, waa ceeb weyn, oo bahdalaad,
waa sharaf ka qaadid,waa gef iyo talaabo aad iyo aad u fool xun
hab loola dhaqmaayo Xildhibaanadda,Wasiiradda iyo Masuulinta
Heer Qaran ee Dowladda Somaaliyeed ee ku sugan Dalka Kenya
Magaaladda Neyroobi,oo Marti u ah Urur Goboleedka Dowladda
Igad,Beesha Caalamkuna ku Kharasheeyso,laakiin Xaalad laga
Xumaado Waqtigan ku Sugan.
Shirkii Kooxaha Somaaliyeed ee lagu soo
dhisay Barlamaanka,laguna soo doortay Madaxweynaha
Somaaliyeed,Ra,iisal Wasaaraha iyo Dhishidda Xukuumadda Faraha
Badan ee hab Beeleedka ah,Hogaamiyaasha ka buuxaan,Khilaafka iyo
muran weyna dhex-yaalo, oo u muuqata mid labao garab u kala
jabeeysa,ayaa waxaa loo wajahan xaalad qalafsan oo ah in Xubno
ka tirsan Golaha Barlaanka iyo Golaha Xukuumadda laga xirtay
Qolalkii eey ka deganaayeen Hoteeladda Neyrobi oo weliba
Shandadoohoodii loo diiday in kala baxaan,cuntii laga
gooyeey,sharaftii iyo xurmadiina la xayuubiyeey,kadib markii
Urur Igad bixin waayeey Kiraddii Hotelaadaas oo intii muddo ah
aan wax kharash ah la siin,weliba qaarkood si cad loo
dafiray,ama laga ankiray Lacagtoodii.
Su,aashu waxeey tahay-miyaa laga gardaran
yahay Xildhibaanadda iyo Wasiiradda Somaaliyeed ee habkaas loola
dhaqmay?mise Maamulka Hoteeladu weey gar joogaan? Masuuliinta
Somaaliyeedna maxeey halkaas ka
qabanaayaan?Madaxweynaha,Guddoonka Barlaaanka iyo Ra,iisal
Wasaaruhu maxeey wax uga qaban waayeey,ama ugu hor-tegi waayeeen
intii aan arrimuhu halkaas gaariin?mise khilaafka Xukuumadda iyo
Barlamaanka ayeey ku mashquulsan-yihiin,mise maba oga,una
badiyoo?
Haddaba,hadda intii weey dhacday,waana mid ku
haboon qofka dhulkiisa hooyo ka maqan,oo weliba Masuuliyad iyo
Xil heer Qaran ah sheeganaaya,oo maalinba maalinta ka dameeysa
Fal xun,gef iyo dhibaato la kulmaayo,waayo ma joogo meeshii uu
sharafta iyo xurmadda ku lahaa,Dalkiinii Hooyo,Ciidii qaaligga
aheyd,mana dhex joogo Ummaddii uu ka Dhashay Xilkana u
qaaday,xataa haddii dhibaatooyin Caasimadda Qaranka ka
jiraan,weey ka sharaf iyo milgo wanaagsan tahay Neyrobi iyo
meeshii la mid ah,oo ceebteena taalo,tuugsigga Xildhibaanada iyo
Wasiiradda Qaran ee y soo Gelaayaan waardiyaasha Hoteeladda iyo
kuwa soo dhoweeynta ka Shaqeynaaya,oo uga jawaab
celinaayaa-Hakuuna,Hakuuna,Waya,Wayo kuuma soo saari karno
shandadaada adigoon bixin kharashka lagu leeyahay,Mudane intii
aan badaanka laguu tuurin fadlan iska tag,iska tag,iska
tag,waana luqad wanaagsan,inta arrintu joogto Fadlan iska tag,oo
aan luqunta la soo qaban,ama aan Ciidanka Poliiska loo
dalbin,ama aan la garaaciin,weeyna ka suur-toowdaa Dadka Reer
Kenya in eey wax walba ku dhaqaaqaan,oo xataa garaacaan kuwa
sheeganaaya Xildhibaanadda iyo Wasiiradda.
Madaxweyne-C/Laahi Yuusuf,Ra,iisal Wasaarre
Geed,Afhayeenka Barlamaanka Sharifka iyo raxanka mid ah Golaha
Xukuumadda ayaa ku jirra guryo waaweyn.ilaalo gaar ah leh,
shaqaalle iyo adeegayaal,nooc kastoo isgaarsiin ah leh,Camarado
waaweyna leh,markaas arrintu waxeey u muuqataa( in daar ku jiraa
daruur ma arkee ilaa xalay roobku wuu da,ay), Dhacdadan ayaa soo
dedejineeysa qorshiihii gaarka ahaa ama Kooxdda gaarka ahi
wadatey ee u guurista Caasimadda Qaranka
Somaaliyeed(Muqdisho),waana mid qiil u noqon karta cid kastoo
xataa si Shakhsi Dalka Hooyo ugu Baqoosha,waa lama huraan Dhulka
Hooyo, waa lama Huraan Dhulka Hooyo,Fadhi uma yaalo
Xildhibaanadda,Wasiiradda iyo Masuulinta Qaran ee Neyrobi isku
dhiginaaya,inkastoo Amarka Alle Meeshiisa yahay.
Geed Hoostii,Geedaar Dhinacii,Guri Dunsan
gudihii ayaa ka Sharaf badan habka hadda lagu sugan yahay,Dadka
Somaaliyeed ayaa idiin marti gelin karra,meel xurmo lehna idiin
seexin karra Mudanayaal,Xildhibaano,Wasiiro,Xilka aad qaadeen
waxaad u qaadeen Ummadda iyo Dalka Somaaliya,Horre ayaa loo
Yirri-Baryo badan iyo bukaan badanba waa la isku nacaa, waana la
gaaray waqtigii la idiin nici lahaa, Xildhibaano,Wasiiro,
Madaxweyne, Gudoomiye, Ra'iisal Wasaarre iyo inta idiinku
xeeranba,u guuro Dalkeena,Kalsooni ku qaba Dadkeena,
Ciideena,Cirkeena, Badeena, Calankeena, Falateena, Damiirkeena,
Dadnimadeena, Midnimadeena, wada jirkeena, wadda hadal iyo is
faham ayaa guul keena, horumar keena, wanaag keena, inta lagu
jirro tafaraaruqa,muranka, Cinaadka, naceeybka Shakhsigga
ah,daneeysigga gaarka ah waxaa lumaaya danta iyo maslaxadda
Ummadeena,arrimuhuna waxeey ku dameeyn doonaan Bur-bur iyo in
aakhiro-taanka la kala dhaqaaqo, dib isugu imaadna waa adag
yahay Mudanayaasha, garta,fahma, ogaada aayaha dalkeena iyo
dadkeena.

Batuulo Isaaq Maxamed oo ah Marwo
Somaaliyeed oo degan Dalka Finland,Uru Gudoomiye u ah,Isla
Markaan ka mid Guddigga D/Hoose ee Magaalo Dalkaas ka
mid,ayaa dhowaan waxeey dhowaan Dalka Somaaliyeed ka soo
qabatay howlo adami-nimo aad iyo aad muhiim u ah, si weyna
wax uga tareeysa kor u qaadidda aqoon xirfadaha howlaha
caafimaadka. Marwo Batuulo, waxeey Magaalooyinka Muqdisho
iyo Af-gooye ku qabatay tababaro dhanka Caafimaadka ah iyo
tababaro lagu baraayeey haweenka Guri joogtadda ah xirfado
faa,iidooyin u leh,oo eey ku shaqeysan karran
mustaqbalka,waana talaabo wanaagsan howsha eey soo qabatay
Marwadaasu,waana mid looga baahan yahay in uu qabto qof
kastoo awoodaa.
Dalka Hooyo,Somaaliyeed,dhibaatooyin
badan oo culeeyskooda leh ayaa ka jirra,gaar ahaan dhinaca
daryeelka arrimaha Bulshadda oo dib u dhac weyni
saameeyeey,siiba arrimaha Caafimaadka,waxaana sabab u ah
dowlad la,aanta iyo qaska iyo jiha-wareerka dalka ka jirra,
Somaaliya howsha ugu sahlan,ama ugu fududi waxeey tahay
sidda wax loo dilo, loo dhaawaco, loo farax-xumeyo,loo
dhaco,loo bara-kiciyo,waana arrimo laga naxa si weyna looga
xumaado.
Talaabadda Batuulo-ayaa tilmaan u ah
Shakhsiyadeeda Wanaagsan,Dal jaceylka leh, damiirka nool
leh,masuuliyadda iyo garashadda wanaagsan ku fadhidda,waana
mid lagu tilmaami karo Qofka wanaagsan sifooyinka lagu
garto,amaan iyo bogaadin weyn ayeey mudan-tahay, weeyna
heleeysaa abaalkeeda maalinta aakhiro,dadka aeey wax u
qabateyna weey ogtihiin,weeyna u mahad-naqaayaan.
Aniga Shakhsiyaan aqoon u ma lihi Marwo Batuulo,Dalna lama
joogo,laakiin waxaa i soo jiitay talaabadda
wanaagsan,dadnimadda ku saleeysan ee marwadaasu qaaday,waana
mid ku dayasho leh,inkaastoo Ummadda Somaaliyeed iskaga
dayato dhanka xumaanta,oo aan dhanka wanaaga si fiican loo
eegin,ama loo daneeyn,is xil qaamidda,ka fekerka iyo la
socodka xaaladaha kala duwan ee Dalka ka jirra ayaa loo
baahan-yahay,isku duubnidda iyo iskaashigga Jaaliyadaha
Somaaliyeed ee Qurbo jooga ah ahamiyadeeda leh,Dalka Hooyona
laga war-hayo,loona dadaalo,Batuulo,Aqoonta
cilmiyeed,xirfadeed oo eey leedahay ayeey uga
faa,iideeyneeysaa Dadkeeda,Dalkeeda,waana masuuliyad saaran
dhammaan aqoonyahanada Xirfadaha gaarka ah leh ee
Somaaliyeed ee Cirafyadda Aduunka ku nool,waana Sawir Wacan
sidda Batuulo Sameeysay waxeey ku qormi doontaa buugaga
taariikhda Ummadda Somaaliyeed dib loogu qori doono,dhanka
Sharafta iyo Wadani-nimadda ayeey si cad uga Muuqaan
doontaa,Bilaad iyo abaal marina weey Hanaan-doiontaa,Batuulo
waxeey garatay Waajibka Saaran,Masuuliyadda
Wadani-nimo,Waxeeyna Leedahay oo si cad u muuqdda Damiir
nool,Daacadnimo iyo Dun-wanaag Somaaliyeed.
Marwo-Batuulo-Howlo wanaagsan ayaad soo
qabaty,halkaas ka sii wad dadaalka iyo ka fekerka Dalka
Hooyo,waana masuuliyad Ummadda Somaaliyeed oo dhan saaran
haddii la garto,uma baadneyd amaan,hadana waxaan mar kalle
ku leeyahay-MARWO-BATUULO Mahadsanid,Guleeyso,inshaa alle.
Dadku waxeey u madax banaan-yihiin cabiradda iyo
soo bandhigidda aragtidooda kala duwan oo lahaan karro waji
wanaagsan,maslaxadda iyo danaha Ummadeed ku saleeysan iyo midaa kala
duwan oo lahaan karro ciladeedda,carqaladeeda,Ujeedadeeda Qalafsan
oo lagau xumeeynaayo ama lagu abuuraayo xaalad aan markaas meesha
ool.
Arrimaha Somaaliyeed oo jaha-wareer iyo qas,murug
iyo buuq Ummadda si weyn u kala fogeeyeey kana daraanaa Dagaaladdii
Sokeeye ee xasuuqay Kumayaalka qof ee aan wax galabsan,
xadgudubyaddii faraha badan ee Dalkii intii Badnaa ka
Dhacay,Masuuliyadiisa eey Leeyihiin kuwa isku Magacaaba
Hogaamiyaasha,Siyaasiyiinta iyo Hogaamiyaasha Bulshadda oo
Ujeedooyinka iyo dano gaara awgeed ku adeegsaday dad badan oo wax ma
garto, habka Qabiil adeesigga iyo soo nooleeynta dhacdooyin Qarniyo
ka soo wareejiin,ama kuwo la sameeyeey oo weliba si weyn loo
buun-buuriyeey ayaa lagu howl-geliyeey Bulshadda,waana kuwa ilaa
hadda raadkoodii taagan yahay.
Wadda hadaladda Somaaliyeed ee intii Labada Sano
aheyd ka Socotay Dalka Kenya, iyo Mirihii ka Dhashay ayaa la oran
karaa waa talaabo koowaad haddii dhinaca wanaagsan laga raaco,danta
iyo maslaxadda Ummadeed lagu jiheeyo, si isku duubni leh,midnimo leh,
wadda shaqeyn haddii loo fereko,Qaranimadda iyo dib u soo nooleeynta
Dowladnimadda Dalka Somaaliyeedna loo soo jeesto,waa haddii lala
yimaado damiir nool,dadnimo dhab iyo daacadnimo iyo garashadda
masuuliyadda qaran ee Hogaamiyaasha iyo Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka
Somaaliyeed Saaraan, in Malaayiin dad ahyna Sugaayaan ogodaan.
Sidda la wadda ogyahay waxaa dhowaan Caasimadda
Dalka Kenya Magaaladda Neyrobi ka Dhacay kulamo iyo Wadda hadalo hab
Beeled ah oo eyy yeesheen Xubnaha Labadda Golle ee Beesha Hawiye, oo
eey ugu hadlaayeen arrimo muhiim ah, oo eey ugu horeeyso arrinta
Magaaladda Muqdisho, Caasimadda Qaranka Somaaliyeed, Nabadeynteedda,
habeeynta iyo sameeynta Maamul, xal u helidda arrinta Meleeshiyaadka
faraha badan hubeeysan oo dhex jooga,habka hubka dhigidda iyo ka
wadda shaqeyn sidii Caasimaduu haybadeeda u soo ceshan laheyn, waana
arrimo ahamiyadooda leh,loona baahan yahay,in la fuliyona laga rabo
Hogaamiyaasha Qodobadaas loo Saaray iyo Ciddii gacan ku siin
kartaba,waana kuwo la ogaan doono haddii Alle idmo maalmaha soo
socdda.
Balse haddii aan dib ugu soo laabto ujeedadda
Maqaalkeeygan ayaa ah,waxyaabo la buun-buuninaayo oo lagu soo
daabacaayo shebekadaha qaarkood iyo arrin weyn laga dhigaayo, waji
qabiil iyo hab xiisad abuuridna lagu turjumaayo,oo cinwaano waaweyn
la siinaayo, ayaa ah arrin aniga Shakhsiyan iga yaabisay,oo aan
fahmi waayo ujeedada ka dameeysa iyo waxa siiyeey ahamiyadda gaarka
ah,taasoo ah, Kulamo iyo Wadda hadalo Madaxweyne C/Laahi Yuusuf la
yeeshay qaarka ka mid ah labadda Golle oo Asal ahaan ka soo jeeda
Beesha Daaroodka oo C/laahi ka dhashay,oo loo turjumaayo talaabo
dhibteeda leh,carqaladeeda leh, dano qarsooni ku jiraan, Madaxweyne
C/laahi soow si caadi ah ulama shiri karro xubnaha ka Tirsan labadda
Golle oo eey isku Beesha yihiin,yaa u diidan,yaa ka hor jooga, balse
waxaa loo diidi waayeey, loo Cambaareeyn waayeey, wax looga soo
saari waayeey kulamaddii Beelaha Kalle oo weliba eey ka soo
baxaayeen hadalo ciladeeysan, beeleeysan oo dhaliilohooda lahaa,
Haddii C/Laahi Yuusuf la kulmay Axmed Cumar Jees,ama uu damacsan
yahay in uu la kulmo Jaamac Cali Jaamac,ama Cawad Casharre ama
Xassan Abshir, iyo Cali Jengeli, ama C/Raxmaan Jiisoow, Maxaa ku
jirra,weeynu aragtii Kulmadda iyo Shirarka hab beeled ee Digil iyo
Miriflle, Beelaha Direed oo weliba u kala shiraaya Waqooyi iyo
Koonfur iyo kuwa Beesha Hawiyaha oo Joogtadda ah, waana Talaabooyin
wanaagsan haddii khilaaf jirra ama arrimo muran ka jiray ama wax ku
saabsan danta iyo maslaxadda Ummadda loo hadlaayo, Guulna laga soo
hooynaayo, maxaa kuwana caadi ka dhigay kuwana cilad iyo cudur
gelinaaya, waa arrimo Iga yaabiyeey (Yaabka yaabkii.)
Haddii maanta Khilaaf iyo muran Siyaasadeed dhex
yaalo Qeyb ka mid ah Siyaasiyiinta ama Hogaamiyaasha kuwa wadda
jirra Golaha Barlamaanka ama kan Xukuumadda Somaaliyeed waxeey
carqaladda iyo dhibaato weyn ku tahay howl gudashadda iyo wax
qabadka labadaas Golle oo ahamiyadood leh, waana mid loo baahan
yahay in wixii khilaaf ahi meesha ka baxo, laakiin waxaa jirri karro
ama macquul ah kala duwanaanta aragtidda Siyaasadeed iyo Mawaaqifta
la kala yeelan karro,waana arrimo xurmadooda leh,waana mid ku
saleeysan habka Nidaamka Dimuqraadiyadda, laakiin waxaa Waji xumi ah
in la abuuro,la sameeyo ciladdo iyo xaasaso aan meesha ool,kulan ama
kulamo siyaasiyiin isku Beel ahi yeeshaan khalad ma aha,waayo
Dowladda Somaaliyeed,golaha Barlamaanka,Golaha Xukuumadda ayaa ku
Dhisan hab Beeleed,hab Beeleed ujeedada xun loola jeedo,Colaado iyo
Dagaalo Sakeeyo lagu abuuraayo, Ummadda Somaaliyeed lagu kala
fogeeynaayo iyo Isbaheeysiyadda Ciladeeysan ayaa loo baahan yahay in
la cabmaareeyo, waayo maanta Ummadda Somaaliyeed dhibaato iyo rafaad
damme uma baahna, weeyna daasheey, Nabdeeyn, dib u heshiisiin
xaqiiqi ah iyo ka shaqeynta midnimadooda ayaa loo baahan, waana mid
waajib ku ah qof kastoo Somaaliyeed,damiir nool leh,dadnimo leh,Dal
jaceyl leh,kamna fekeraayo soo nooleeynta Dowladnimadii iyo wadda
jirkii Ummadda Somaaliyeed, Inshaa Alle weey Imaan.

Anigoo ah Xassan C/laahi Sheekh (Xassan Carab),
oday asal ahaan ka soo jeedda Gobolka Sool, kuna dhaqan Dalkan
Ingiriiska,Gobolka Yorkshire,waxaan halkan hambalyo qaali ah uga
soo gudbinaayaa Dhammaan Xubnaha Ururka Dhalinyaradda Goboladda
SSC ee Dhaowaan laga abuuray Dalkan,loona doortay Guddoomiye iyo
Gudi Fulinba(Ururka Dhalinyaradda Daraawiishta.)
Ururkan ayaa ahaa mid si weyn loogu
baahnaa,si weyn u mideeyn doona danaha Dhalinyaradda asal ahaan
ka soo jeedaa Goboladaas,kuna dhaqan Dalkan,door weyna ka qaadan
doona ka shaqeyn danaha Goboladda eey ka soo jeedaan,oo baahi
weyn u qaba waxyaabo badan oo eey qaban karaan,haddii la helo
is-xilqaamid iyo dadaal iyo Mideeynta Muruga iyo
Maalka,Dhalinyaradda ayaa ah kuwo ka firfircoon Dadka waaweyn oo
u muuqdda kuwo ku habsaamay arrimo Shakhsi ah iyo Ficiltan
dhexdooda ah,oo la oran karro ayaa ayaan darro weyn,Balse
Dhalinyarradu nadiif ka tahay,kana fogtahay dhaliilaha odayaasha
iyo kuwa waxgaradka lagu tilmaamo oo ku mashquulsan arrimo aan
faa,iido laga heleen,ama Fadhigga Meelaha hadalka looga baayac
mustaro.
Dhismadda Ururkan ayaa ah mid wadda cusub u
furaaya Dhalinyarradda faraha badan ee Dalkan ku sugan,una soo
jeestay ka war qabidda iyo u shaqeynta danaha Ummadood ku Sugan
Dalka hooyo gudihiisa,Weliba
dhinacyadda:-Caafimaadka,Waxbarashadda iyo Arrimaha Isportigga
oo ah kuwo baahi weyn ka jirto,loona baahan yahay wax ka qabasho
wax ku ool ah,iyo dadaalka la kordhiyo,aqoonta kor loo qaado,oo
laga faa,iideeysto fursada halkan lagu heeysto,si doo kalle
dhalinyaradda laga taliyo wixii dhibaato u keenaaya oo dhan,
Hadafka iyo Ujeedda Ururkuna noqdo mid danta guud ee Ummadda ka
Shaqeynaaya, oo la Dareemi karro wax qabadka iyo guulaha uu
dhaliyo.
Waxaan Illaaheena weyn ee Waaxidka ah idiinka
rajeeyey Guulo Dhab ah,Wax qabad,Isku Duubni iyo in aad noqotaan
kuwii Dalkooda iyo Dadkooda sidda ku haboon ugu adeegga,Wixii
Talo iyo Waayo aragnimo ahna diyaar la,aha.
Guuleeysta, Guuleeysta, Guuleeysta.

Shirka Kooxadda Somaaliyeed uga socday
Dalka Kenya mudadda dhan Labadda sano,oo heraarka kala duwan
soo maray,kufaayeey,kacaayeey,habdda kooxi carooneeysay,mid
kalena afka taageeysay,Qancin, raali gelin, maslaxaad iyo
Kharash siin lagu waday,si weyna uga gaabiyeey habkii dhabta
ahaa ee dib u heshiisiinta iyo ka Shaqeynta danaha Ummadda
Somaaliyeed,Beesha Caalamkuna ku daasheey,Dowladaha
Gobolkuuna ku Xifaaltamaayeen, aakhirataankiina lagu soo
Dhisay Golaha Barlamaanka Hab Beeleedka ah,oo aan Weliba aan
Beeluhu soo Xulan Xubnaha Magacoodda ku Galay
Barlamanka,kadibna Xildhibaanadu Soo Doorteen Madaxweynaha
Dowladda-oo Guushii oo Aqlabiyad leh ku raacday-Madaxweyne-
Col-C/Laahi Yuusuf Axmed,isauguna soo Magacaabay-Ra,iisal
Wasaarre-Proff-Cali Max'd Geedi oo soo Dhisay Xukuumad
Balaaran oo eey ka Buuxaan Hogaamiyaasha Kooxaha Hubka iyo
Maleeshiyaadka Dhibaatadda Dhulka taala Wadda.
Haddaba, iyadoo aanu markii horreba jiran
wax heshiis ah,iyo af-garad dhex maray dagaal ogayaasha
halkaas tegay,ayaa waxaa markiiba Cirka isku shareeray
Khilaafkii Dhexdooda Yiilay,iadoo Qiil Qolo ka Dhigatay
Keenidda Ciidamadda Safka Horre iyo Arrinta Caasimada ku
Meel Gaarka ah,laakiin Hadafka ka dameeyaa yahay-diidmo ku
saleeysan hab Isireed iyo Colaado jira awgeed,Halka dhinaca
kalena si weyn u adkeeystay Arrinta Ciidamadda Safka Horre
gaar ahaan (Itoobiyaanka), oo aad moodo in Ujeedo iyo
Maslaxad Gaar ahi ku jirto, iyo Qorshe kalle oo la
fulinaayo.
Arrintu hadda waxeey ku Sugan tahay ama
Mareeysaa oo si cad u muuqata kala Jabka Golaha Baarlaanka
iyo Golaha Xukuumadda, waxaana muuqda isbaheeysi loo bixin
karro Muqdisho Groub oo ay ka Cad-cad yihiin-E-Wasiir-Muuse
Suudi, El-Qanyarre, El-Wasiir- Caato, Xildhibaan-Max,d Cabdi
Yuusuf, Xildhibaan-Cumar Xaashi, Xildhibaan-Cali-baashe,
Xildhibaan-Drs-Caasha Cabdalla, Xildhibaan-Jini Boqor,
Xildhibaan-Jaamac Cali Jaamac, Xildhibaan-Jiisoow ,El-Wasiir-Finish,
Xildhibaan-Xaabsade iyo Guddoonka Barlamaanka- Shariifka,
Proff-Dalxa iyo Boqorre, iyo kuwo kalle.
Kooxadda Baydhaba-Madaxweyen-C/Laahi Yuusuf Axmed, Ra'iisal
Wasaare-Geedi, Wasiirka Arrimaha Debeda Proff-C/laahi
Sh.Ismaciil, Gaashaandhigga-Gen-C.Raxmaan Jiisoow,Wasiirka
Qorsheynta-C/Raxmaan Gurille, Wasiirka
Beeraha-Shaanti-guduud, Wasiirka Garsoorka Adan Madoobe,
Kaluumreeysigga Xassan Abshir, Wasiiradda
Maaliyadda,Waxbarashadda, Boosta iyo Isgaarsiinta,
Caafimaadka, Dastuurka iyo Federaalka, Xildhibaan Gen-Naaji,
Xildhibaan-Muunye, Xildhibaan-Shadoor iyo Kuwo kalleba.
Waxaana Jirra kuwo Dhexdda raac ah oo
hadba dhinac la jirra Sidda-Wasiirka Arr-Gudaha Xuseen
Ceeydiid,Wasiirka Dib u dhiska Barre Hiiraale,Wasiirka
Warfaafinta-Sifir,Wasiirada Iyo Xildhibaanadda ka soo jeedda
Waqooyigga ama S/Land oo aan arrintood hadaf cad laheyn
laakiin Maslaxada Gaarka ah ku saleeya,Sidda Xildhibaano
badanba ku Dhaqmaan,oo ah mida la yiraahdo-Sarifo Codkooga
iyo Mowqifkaaga,waana Habka Calooshood u shaqeystayaada oo
kalle habkan waxaa ku Dhaqma Qeyb Badan oo Xildhibanadda ka
mid ah.
Waxaan oran karaa in Khilaafka Labadaas
kooxood u dhexeeyaa sii weynaaday oo hadda Maraayo heer la
oranka karro Cirka ayuu isku Shareeray-Maadaama Kooxdii
Muqdisho u soo Dhaqaajisay Dhanka Muqdisho,iayagoon wax
Wadda hadal ama is-faham dhex marin kuwo Dhinaca kalle
ah,sidda labadda Kooxood ka soo yeerayaana arrintu waa kala
Jab iyo ayaan Darro weynwaana Wadadda Fashilaadda Muuqata ee
Dowladda,Beesha Caalankuna Waxeey u muuqataa mid ka Daasheey
arrimaha Somaalidda, Halka Dowladda Gobolka (Igad), Dano
Gaar ah ka Leeyihiin Arrimaha Somaalidda,Waana Arrin Si weyn
looga Xumaado,iyo Niyad Jab Weyn oo la soo Dersay Ummadda
Somaaliyeed oo ka Soo daasheey Dagaaladda,Colaadda iyo
Dhiiga Maalin walba qubanaaya iyo dib u dhaca dhinac walba
Saameeyeey,Waxaan Filaayaa in Beesha Caalamku u Yarre Jan-jeerto
Dhinaca Kooxdda Madaxweynaha iyo Ra,iisal Wasaaraha oo ah
Dahnka eey u Badan yihiin Suldadda Fulinta oo ah mida
Dhinaca Sharcigga Awood La Xiriiridda Beesha
Caalamka,Dhaqaalahana Gacanta ku Dhigi karta, sidoo Kalle
Waxaa Muuqata in Urur Goboleedka Igad ogol-yahay Caasimadda
ku Meel gaarka ah, Arrintaasuna waa Guul Kooxdda Fulintu
Heleeyso, iyo Dhaq-dhaqaaqa Rasmigga ah ee Labada ugu
Sareeya Hoggaanka Dalka-Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha
Xukuumadda.
Madaxweyne/Laahi, Ra'iisal Wasaare-Geedi,
Gudoomiyaha Barlamaanka Shariifka iyo Xulfadadda Labadda
Garab ayaa u muuqdo kuwo u baahan cid Sadexaad oo Dhexdooda
Gasha,Arrinta Meel Dhexe isugu Keenta,Mana muuqato Waqtigan
Cid Howlo Dhex-dhexaadin Wadaa,Waxaa Halkaa ku Lumaaya Danta
iyo Maslaxadda Guud ee Ummadda Somaaliyeed, Balse Alle ayeey
Leedahay,Xaaladda Dowladuna waxeey ku socotaa gelitaanka
xaalad jaha wareer iyo in la waayo Mowqif mideyysan iyo ka
wadda Shaqeynta danta guud ee Ummadda, awxaana la oran karaa
haddii dhoowrka Bilood ee soo socdda Dowlado ku imaan weeydo
Dalka gudihiisa,si dhab ahna u gudda geli weeydo Gudashadda
xilkeedda iyo la imaanshaha wax qabad,iyo ka gudbidda
muranka Siyaasadeed iyo kala qeybsanaanta Dhexdooda ah,
waxaa Bilaambaaya Waqtigga ama Biloowgii Burburka Dowladda
aan Tirarka Adag ku Taagneyn oo eey Xubnaheeda u badan
yihiin kuwa wata danaha gaarka ah,Maadaama uu Ra'iisal
Wasaarre Geedi Magacaabay-Guddoomiyaha iyo Duqa Caasimadda
Muqdisho iyo ku Xigeenadiisa oo leh Sifo Sharci ah, wax kama
jiraana ku Tilmaamay Magacaabidii Wasiirka Arrimaha
Amaanka(Qanyarre), ku Magacaabay Taliyaha Ciidinka Boliiska
iyo Madaxa Waaxdda Socdaalka,iyo Wasiiro aan ogolaansho iyo
qorshe Dowladeed ku socon in eey yihiin
kuwa Muqdisho iska aaday,ayaa u muuqdda
in Ra,iisal Wasaarre Geedi u soo Jeestay qaadida Talaabo
Maamul iyo Gudashadda Xilkiisa Rasmigga ah,Taloobooyin
kalena Soo Socdaan,Isagoo Kalsoonidda Aqlabiyadda Golaha
Xukuumadda Heeysta,beesha Caalamkuna u aragto Nin Aqoon
leh,Masuuliyad iyo Hoggaaminba leh,Sidda Magacaabidda
Guddigga Heer Qaran ee Dastuurka dalka soo
Diyaarineeysa,Agaasima Guud ee Bankigga Dhexe,iyo Taliyaha
Ciidanka Xooga Dalka Somaaliyeed iyo Xilal kalle oo Muhiim
ah, waana Mid Sawir ka Bixineeysa in Shaqadda Ra,iisal
Wasaaruhu sidii ku Habooneyd u Bilaabatay,Sidda ka Muuqata
Qorshaha Shaqadda Golaha Wasiiradda isbedelo wax ku ool ah
ayaa la arki doonaa Haddi Alle Idmo,Kuwa Magaaladda Muqdisho
Joogaana hala yimaadeen wax qabad dhab ah iyo ka Mirro
dhalinta badankood iyo Qorshihii eey sidda gaarka ah u
Gaareen,waana Arrin Wadaddo wanaagsan furi karta haddii
hogaamiyaasha,Wasiiradda ah,hadana Xildhibaanadda ah ee
Kooxaha hubeeysan Caasimadda ku heeysta eey Gartaan,Gutaana
masuuliyadda iyo howlaha culeeyskooda leh ee halkaas ka
jirra oo eey Masuulin ka yihiin sababta keentay iyo Falalka
xadgudubyadda ah ee eey Ummadda ku Hayaan oo Maalin uun
lagala xisaabtami doono,xaqiiqiyan Kalsooni weyn kuma qabi
karro balan qaayadda Hogaamiyaasha Muqdisho oo horre u
Sameeyeey Boqolaal balan qaad iyo dhaar Magaca Alle ah,kana
baxay.
Sidoo kalle waxaa Hambalyo mudan 12/april
Maalinta Xooga Dalka Somaaliyeed,Ciidankii sida
Wanaagsan,Geesimadda leh,kartidda leh,xirfadda iyo aqoon
Ciidan lahaa ee difaaca Dalka Hooyo illaalin jiray,Codowgga
dharbaaxooyinka waaweyn ku dhigi jiray,sumacda,sharafta iyo
qiiradda Wadanimo lahaan jiray,Qaaradda Afrika sidda weyn
looga Qadarin jiray, Halgankii Xoriyadda Dowladaha Afrikana
Gacanta weyn ka soo qaatay,Saraakiishii iyo Halyeeyaddii
Naftooda u huray Xoriyadda,Qaranimadda iyo jiritaanka
Dalkooda Hooyo Ayaan Halkan Amaan Bogaadiin iyo Ducoba uga
soo gudbinaayaa,inta Noolna Hambalyo iyo Salaan Qaali ah,
Saraakiishii Sarre ee Sumcadda iyo Xurmadda weyn lahaa:-
Gen-Axmed Sahal, Dhega-weyne, Max,d Cali Abukar, Cali
Ismaciil,Naaji, Boodhe, Badmacaanshe, Galaal, Axmed Warsamme,
Saciid Faarax, Muuse Sayid, Fadhi ku Salaan, Cirro iyo
Raggii la midka ahaaba.
Haddii loo soo Jeesto danta guud ee
Ummadda Somaaliyeed,aayo ka talinta iyo u Adeegidda
Qardyadda Somaaliyeed,Soo Nooleeynta Qaranimadda
Luntay,Dowladda iyo Nidaamka Burburay,Midnimadda iyo Wadda
jirka Qoomiyadda Somaaliyeed,Abuuridda Hanaan Dowladeed ku
Dhisan-Cadaalad,Sinaan,Xaq Soorid,Daryeel Bulsho,Xoojinta
Nabad-gelyadda, Ka Shaqeynta Dib u Heshiisiinta Guud,Ka
Shaqeyntaq soo Celinta Hantidda Shakhsigga ah ee Dadka Sidda
Xaq Daradda ah Looga Heeysto,Dhisidda Nidaam Dhab ah oo
Federaal ah, iyo dib u dhiska Dalka Hooyo,Wax walba oo la
Saxi karaa,waana la Heshiin karaa,Niyad Samid,Kalsooni
Abuurid,Wacyi Gelinta Dadweynaha,iyo la Imaanshadda Alle ka
Cabsidda iyo Daacadnimo Xaqiiqi ah,Illaaheen Wadadda
Wanaagsan,Toosan,Suuban ha inagu Aadiyo.
Aamiin, Aamiin, Aamiin.
-ALLA MAHAD LEH-
-QORRE-XASSAN C/LAAHI SHEEKH (XASSAN CARAB)-
-HUDDERSFIELD-ENGLAND-21-04-2005.
Fiiro gaar ah: Fariinta ay wataan
qoraalada kor ku qoran waxay u gaar tahay qoraaga uu magaciisa
kor ku qoran yahay, sidaas awgeedna allgedo wax shaqo ah kuma
lahan.
allgedo@allgedo.com
|
|