|
|
|
Allgedo!
News, Tuesday, April 26, 2005 |
FALALKA GACAN KA HADALKA AH OO LAASCAANOOD KU SOO
BADANAAYA
Waxaa arrin si weyn looga xumaado ah,
Dhaliisheedda leh, wal-walkeeda leh,ciladeeda leh, isla markaana
keeni karra kala aarsasho iyo Nabadgelyo xumo weyn Falalka
Gacanka hadalka dhimashadda iyo dhaawaca keena oo beryahan damme
ka socdda Magaaladda Caasimadda Gobolka Sool (Laascaanood) oo
dhinaca Amaanka iyo xasiloonidi ka Jirtey intii Muddo ah.
Magaaladda Laascaanood oo eey ku nool yihiin
Ummadda aad iyo aad u fara badani,si weyna u balaaratay eeyna ka
socdaan howlo horumarineed,koror Dhanka Iskuuladda iyo Howlaha
Waxbarashadda ilaa heer Jaamacadeed ah,Isgaarsiinta iyo
Adeegsigga Aaladda Internetka, Ganacsigga kala duwan,iyo
Jaaliyadda Qurba joogga oo howlo la taaban karo ka wadda
halkaas,iyadoo la dsamacsan-yahay in si weyn wax looga qabto
arrimo Daryeelka Caafimaadka,Biyaha iyo Guud ahaanba howlha
Daryeelka Dhanka Bulshadda.
Haddab-Waxaa ah mid laga naxo falalka Caawa
ka dhacay Magaaladaas (27-04-2005) oo Lagu dilay Masuul ka
tirsanaa Hey,adaha Miino Baarista,iyadoo aan la garan sababta
loo dilay Ninkaas,welina Gacanta lagu soo dhigin Gacan ku
dhiiglihii Falkaas geeystay,waana arrin Nabadgelyadda si weyn u
dhaawaceeysa,loona baahan yahay in sidda ugu deg-deg badan loo
helo Ciddii falkaas geeysatay,Cadaaladana loo hor keeno,lana
mariyo waajibkiisa, Iyadoo loo baahan yahay iskaashigga Maamulka
Gobolka,Degmadda.Hogaamiyaashadda Bulshadda,Culimaa,udiinka iyo
inta danta guud daneeyneeysaba,Iyadoo aan la eegeeyn Beesha uu
ka Dhashay Marxuumka iyo Degaanka u ka soo jeedo-toona,balse la
eegaayo Falka iyo Culeeyska uu leeyahay,iyo in Qof Bani-aadan
ah,Somaali ah halkaas lagu dilay, Cidii dishaneyna Gacan ku
dhiiglle tahay, dambiille tahay, soo qabasho iyo Maxkamadeeyna
mudan-tahay.
Masuulinta Ciidanka Nabadgelyadda Magaaladda
Laaascaanood,Odayaasha,Cuqaashadda iyo Culimaa,udiinka
Magaaladaas oo ku caan baxay Xalinta Khilaafkaas,wax ka
qabashadda dhibaatooyinka Nabadgelyadda iyo deganaanshaha wax
yeelaa,ayaa hadana looga fadhiyaa wax ka qabashadda dhacdaday
foosha xun,fal dambiyeedkan,waana Masuuliyad weyn oo saaran guud
ahaanba waxgaradka Magaaladda Laascaanood,anigu waxaan ku
talinaayaa in Ciddii Falkaas geeysatay,ma soo qorsheeysayba
sidda ugu dhakhso badan Maxkamadda loo Hor keeno,Waajiiibkoodana
la mariyo(Gacan ku dhiiglaha Falka Geeystay),Wuxuu Mudan Yahay
Dil,waana sidda Diinteena Xaniifka ahi ina fareeyso,sidoo kalena
waa in laga wadda Shaqeeyaa Nabadgelyadda Magaaladda,Wacyi-gelin
iyo hakaminta Hubka Magaaladda Dhex Yaala,Ciidanku waxeey
Hubkooda ku heeysan karran Xeryodooda iyo goobaha loo tala galay
Illaaladda,Saldhigga Boliiska Laascaanood,Cuqaashadda Magaaladda
iyo Waxgaradku waa in eey la yimaadaan iskaashi iyo wadda
shaqeyn ku saleeysan danta guud ee Ummadda Reer Laascaanood iyo
Sugidda Nabadgelyadda.
Waxaan Halkan Tacsi uga gudbinaayaa
Qoyskii,Eheladdii iyo Dhammaan Dadkii uu la Shaqeynaayeey
Marxuum-C/'Weli Suleeymaan Caarshe oo ka mid aha Masuuliinta
Hey,adaha Miino baarista,laguna dilay Bartamaha Magaaladda
Laascaanood,Waxaan Alle uga Rajeeyeey Marxuumka inuu Janadda ka
Waraabiyo,Qoyskii iyo Eheladiisiiba Samir iyo Imaan ka
siiyo,Aamiin,Aamiin,Aamiin.
Qoraaladii hore ee Xassan Carab
(Riix
halkan)
-ALLA MAHAD LEH-
-QORRE-XASSAN C/LAAHI SHEEKH (XASSAN CARAB)-
-HUDDERSFIELD-ENGLAND-27-04-2005-
Fiiro gaar ah: Fariinta ay wataan
qoraalada kor ku qoran waxay u gaar tahay qoraaga uu magaciisa
kor ku qoran yahay, sidaas awgeedna allgedo wax shaqo ah kuma
lahan.
allgedo@allgedo.com
|
|